Shacab Hospital

Shacab Hospital Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Shacab Hospital, Hospital, Baladweyne, Beledweyne.

Shacab Hospital Casri lehna dhamaan qalabyadii Isbitaal Looga baahnaa waxaana uu qabanayaa dhamaan Adeegyada Caafimaad
Isbitaalka wuxuu ku yaalaa Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Somali Medical Association
28/07/2023

Somali Medical Association

WACYIGALIN BULSHO !!! 1-     Promethazine Oral Solution,2-     Kofexmalin Baby Cough Syrup,3-     Makoff Baby Cough Syru...
08/10/2022

WACYIGALIN BULSHO !!!

1- Promethazine Oral Solution,
2- Kofexmalin Baby Cough Syrup,
3- Makoff Baby Cough Syrup and
4- Magrip N Cold Syrup.

Afartaan daawo waxaa loo isticmaalaa daaweynta Caruurta qaba Qufaca daran, waxaa la xaqiijiyay baaritaan lagu sameeyay in ee ku jiraan labo maado kiimiko ah maadooyinkaas oo kala ah (diethylene glycol and ethylene glycol) kuwaa oo ka badan xaddigii loogu talo galay taas oo keentay halis caafimaad oo qatar ah heer ee sababtay dhimasho, si gaar ah waxaa loogu arkay dalka Gambia 🇬🇲 .

shirkadda Maiden Pharmaceuticals Limited (Haryana, India) ayaa daawooyinka soo saarta,
Ganasatada daawooleyda waxaa muhiim ah in ee isi saaraan xil gooni ah kana taxadaraan ka ganacsi daawooyinkaas sidoo kale hadii ey baqaarada ku hayaan waa in eysan iibin lana xariiraan Wasaaradda Caafimaadka qeybta qaabilsan badqabka Daawada.

Xirfadlayaasha caafimaadka gaar ahaan dhakhaatiirta waxaa ina saaran masuuliyad waa in aan ka wacyigalanaa bulshadeena isticmaalka daawoyinkaan qatarta badan u leh caafimaadka caruurteena sidoo kale waa in aanan qof bukaan ah aanan u qorin dawooyinka kor xusan.


Sharaf ayey inoo ehed in maanta Waziirka Caafimaadka Hirshabelle Dr Zakaria Hurre nagu soo booqdo Shacab Hospital.Booqas...
24/09/2022

Sharaf ayey inoo ehed in maanta Waziirka Caafimaadka Hirshabelle Dr Zakaria Hurre nagu soo booqdo Shacab Hospital.

Booqashada waxa Waziirka ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan hirshabelle iyo iskuduwaha Caafimaadka gobalka Ahmed Mohame Khaliif.

Waxay u kuuro galayeen xaalada guud ee isbitaalka ayagoo ugu danbeyn nagu dhiiro geliyay inan sii Laba jibaarno shaqada aan bulshada u heyno.

Mooski lagu talaalay isbitaalka shacab waa waa kaa mirahiisa la guranayo hada.Shacab hospital dhan walba waa looga fa’id...
30/04/2022

Mooski lagu talaalay isbitaalka shacab waa waa kaa mirahiisa la guranayo hada.

Shacab hospital dhan walba waa looga fa’ideystay.

25ka April oo loo asteeyay maalinta Cudurka Duumada ayaa maanta lagu qabtay isbitaalka shacab ee Magaalada beledwein.Mun...
25/04/2022

25ka April oo loo asteeyay maalinta Cudurka Duumada ayaa maanta lagu qabtay isbitaalka shacab ee Magaalada beledwein.

Munaasabada waxa si wada jir ah ugu qeyb qaatay hay’adaha Hassan Kobac foundation, DirectaAid, HIDIG,Wardi iyo waaaarada Caafimaadka Hirshabelle.

Munaasabada maanta sido kale waxa kaso qeyb galay maamoyin uurey ah kuwaasoo loo sameeyay wacyigelin ku aadan cudurka duumada, dhibaatada iyo sida looga hortago.

Ugu danbeyn maamoyinka uureyda ayaa loo qeybiyay maro kaniico daweysan si ay ugu hoos galaan kaneecada maadama la joogo xiliga Guga kaamecadana ay badato.

Address

Baladweyne
Beledweyne
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shacab Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Shacab Hospital:

Share

Category