Caafi International Hospital

Caafi International Hospital Alxamdulilaahi rabilcaalamiin. ilaahaw adaa qaadiruraxmaaanee wakasta oo adag ii fududee , sida khayrka qabtana si fudud ii waafaji.. aamin aamin aamin.

Caafi International Hospita waa dhakhtar u adeega hooyada iyo dhalaanka iyo waliba dhaman cudurada guud ba waxuu na fuliyaa adeegya kala duwan ee u bukaan ka.

24 saac wuu shaqaynayaa, waxaa ku diyaar ah shaqaale hufan oo u dabacsan bukaanada ilaahaw balaaya oo dhana I garab mari aniga iyo umada islaam ka ah ba.

Shaqaala waynaha Caafi International Hospital waxay hambalyo iyo boqqadim u dIrayaa Arooska iyo aroosada Dr Cabdirashid ...
07/06/2026

Shaqaala waynaha Caafi International Hospital waxay hambalyo iyo boqqadim u dIrayaa Arooska iyo aroosada Dr Cabdirashid iyo Umayma oo u bari aroosloodu ka dhici doono .
Dhamaan tayo waxaan idin leenahay Hambalyo Hambalyo.

ALLAH HA IDN BARAKEEYO.

ALXAMDULILAH.
07/06/2026

ALXAMDULILAH.

Mashaa AllahWaxan idinku dhiiri galinayaa dhamaantiin shaqaala waynaha Caafi International Hospital, sidaad u garateen i...
03/06/2026

Mashaa Allah

Waxan idinku dhiiri galinayaa dhamaantiin shaqaala waynaha Caafi International Hospital, sidaad u garateen inaad umadiina ugu hagar baxdaan, inaad u sii laba'laabtaan hawsha baaxada leh ee aad haysaan insha Allah.

Allah mahad leh.

Bahwaynta   waxay hambalyo iyo duco u dirayaan, Dhamaan caruurti ku dhalatay Caafi International Hospital 2 cisho ee u d...
29/05/2026

Bahwaynta waxay hambalyo iyo duco u dirayaan,
Dhamaan caruurti ku dhalatay Caafi International Hospital 2 cisho ee u danbeeyay ee ciida ,

Caruurta iyo waalid koodaba waxaan leenahay ciid mubaarak, illahay ha idin ka dhigo kuwiii anfaca DDD ba.

Aamin

22/05/2026
Tahniuad aroos. ■ Dhamaan shaqaal waynaha Caafi International Hospital  waxay tahniyad Aroos u dirayaan Dr Ibnu Xaashi i...
20/05/2026

Tahniuad aroos.

■ Dhamaan shaqaal waynaha Caafi International Hospital waxay tahniyad Aroos u dirayaan Dr Ibnu Xaashi iyo mar wadiisa Hawa Abdi .

■ Waxaanan leenahay Illahay ha idin barkeeyo , noqda labadii qof ee isku waara, ubad khayr qabana kala hela.

12/05/2026

Magaalada Riyada iyo Ninka Naqshadda Fahmay
Waxaa jiray magaalo qurux badan oo ku taal Geeska Afrika, magaalo ay dadkeedu aad u jeclaayeen dalkooda, balse muddo dheer la daalaa dhacaysay waddooyin ciriiri ah, biyo fadhiya xilliyada roobka, suuqyo aan nidaam lahayn, iyo xaafado aan lahayn qorshe sax ah. Habeenkii iftiinka magaalada meel walba si isku mid ah uma gaadhi jirin, carruurtuna mararka qaar waxay ku ciyaari jireen waddooyin dhoobo ah oo halis badan.
Dadka magaaladaasi waxay had iyo jeer odhan jireen:
“Waxaan u baahanahay horumar.”
Laakiin horumarka ay doonayeen ma ahayn oo keliya dhismayaal dhaadheer ama wadooyin laami ah. Waxay ahayd nolol nidaamsan, deegaan nadiif ah, iyo magaalo qofku ku dareemo sharaf iyo ammaan.
Maalin maalmaha ka mid ah waxaa magaalada kusoo laabtay nin dhalinyaro ah oo bartay architecture iyo urban planning. Dadku markii h**e waxay u arkayeen inuu yahay nin sawiro sameeya oo guryo qurux badan naqshadeeya. Laakiin isaga wuxuu fahamsanaa in architect-ku aanu ahayn qof darbiyo sawira oo keliya, balse uu yahay maskaxda hagta mustaqbalka magaalada.
Wuxuu bilaabay inuu socod ku maro xaafadaha. Wuxuu arkay meelaha biyuhu fadhiyaan markii roobku da’o. Wuxuu arkay geedo la jaray oo magaalada kulayl ka dhigay. Wuxuu arkay qashin yaalla meel kasta, iyo carruur aan haysan jardiinooyin ay ku ciyaaraan.
Markaas ayuu yidhi:
“Magaalo wanaagsan laguma dhiso sibidh iyo bir oo keliya. Waxaa lagu dhisaa fikir, qorshe, iyo aragti fog.”
Dadkii qaar ayaa yaabay. Waxay is waydiiyeen sidee nin architect ahi uga hadlayaa nadaafad, biyo mareeno, iyo dhir?
Laakiin isaga wuxuu fahamsanaa sir weyn:
Architect-ku waa qofka isku xira nolosha dadka iyo muuqaalka magaalada.
Wuxuu sharaxay in biyo mareenadu yihiin halbowlaha magaalada. Haddii aanay jirin biyo mareeno sax ah, roob yar ayaa isu beddeli kara musiibo. Waddooyinku way dillaacayaan, guryuhuna way daad qaadayaan, ganacsiguna wuu istaagayaa. Magaalo aan lahayn drainage wanaagsan waxay la mid tahay jidh aan lahayn xididdo dhiiggu maro.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimada dhirta.
“Geed walba oo magaalada la beeraa,” ayuu yidhi, “waa neef cusub oo magaalada la siiyey.”
Dhirta waxay qaboojisaa hawada, waxay qurxisaa magaalada, waxay yaraysaa boodhka iyo kulaylka, waxayna dadka siisaa degganaansho maskaxeed. Magaalo aan dhir lahayn waxay u ekaanaysaa jidh aan naf lahayn.
Kadib wuxuu ka hadlay nadaafadda.
“Nadaafaddu maaha shaqo hoose,” ayuu yidhi, “waa astaanta ilbaxnimo.”
Magaalo nadiif ahi waxay soo jiidataa maalgashi, dalxiis, iyo kalsoonida shacabka. Qashinka waddooyinka yaallaa wuxuu dhaawacaa caafimaadka dadka iyo sumcadda magaalada labadaba.
Markii hadalladiisu magaalada ku fidayeen, dadku waxay bilaabeen inay si kale u arkaan architecture-ka. Waxay garteen in architect-ku aanu dhisayn guri keliya, balse uu dhisayo hab nololeed.
Waxay garteen in architect-ku leeyahay awood uu ku fahmo:
sida waddooyinku isu xiri doonaan,
halka suuqyadu ku habboon yihiin,
meesha isbitaallada iyo iskuulladu ka faa’iido badan yihiin,
sida biyaha roobka loo maamuli karo,
iyo sida magaalada looga dhigi karo meel qurux iyo shaqaynba leh.
Markii doorashadii golaha deegaanka la gaadhay, dad badan waxay bilaabeen inay ka fikiraan su’aal cusub:
“Haddii architect-ku fahamsan yahay magaalada sidaan oo dhan, sow ma aha qofka ugu habboon inuu hoggaamiyo?”
Sababtoo ah mayor ama xubin golaha deegaanka ahi maaha inuu hadal qurux badan oo keliya yaqaan. Waa inuu fahmo sida magaalo loo qorsheeyo, loo kobciyo, loona badbaadiyo mustaqbalkeeda.
Architect-ku wuxuu arkaa magaalada maanta taagan iyo magaalada 30 sano kadib noqon karta.
Wuxuu fahmaa in waddo kasta, geed kasta, biyo mareen kasta, iyo dhisme kasta ay qayb ka yihiin mustaqbalka bulshada.
Dal dib u dhis ku jira, architect-ku wuxuu noqdaa askariga aan qori sidan laakiin maskaxdiisu dhisayso qaranka. Qalin iyo naqshad ayuu ku dhisaa riyada shacabka. Meel burbursan ayuu ka abuuraa nidaam iyo bilic.
Dalka aan lahayn qorshe magaalo wuxuu luminayaa quruxdiisa, dhaqaalihiisa, iyo xasilloonidiisa. Laakiin dalka ay hoggaanka iyo taladu ku jiraan dad aqoon u leh design-ka, engineering-ka, iyo urban planning-ka wuxuu si tartiib ah u noqonayaa dal casri ah oo dadka ku faanaan.
Ugu dambayn, magaaladaasi waxay bilowday isbeddel. Waxaa la sameeyey biyo mareeno casri ah. Geedo ayaa lagu beeray waddooyinka waaweyn. Qashinkii waa la nidaamiyey. Suuqyadii waa la qorsheeyey. Dadkuna waxay markii ugu horreysay dareemeen in magaalada ay neefsanayso.
Carruurtii waxay ku ciyaarayeen jardiinooyin cagaaran.
Ganacsatadii waxay heleen waddooyin wanaagsan.
Roobkii markii uu da’o, biyihii si habsami leh ayay u qulqulayeen.
Dadkiina waxay fahmeen hal xaqiiqo oo weyn:
“Architecture-ku maaha sawir keliya. Waa aqoonta dhista nolosha bulshada iyo mustaqbalka dalka.”
hadaba intee qof oo architect ah ayaa looga baahna golaheena deeganka ee manta doortay maayor iyo ku xigeenka cusub ma yihiin kuwa fahansan hawsha hor taala, maxase laga filan karaa doorasha soosocota ka hor inay ku soo kordhinka dalka iyo dadkaba.
Gunaanad
Waxan qabaa weel walba wixii ku jira ayaa laga shubtaa aynu dib u milicsano magaalyinkii guulaystay iyo wadadii loo maray, si wakhtiga iyo dakhligaba ugu faidayno cashuur bixiyaasha sharafta leh ee reer HARGEISA.
ENG WABERI

Caafi International Hospital
06/05/2026

Caafi International Hospital

Caafi International Hospital
06/05/2026

Caafi International Hospital

Address

Caafi International Hospital
Borama

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caafi International Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Caafi International Hospital:

Share

Category