Dr.Mohamoud

Dr.Mohamoud Hellow Canada

11 Faa’iido ee Sanjabiisha Laga Helo“Calooshaa la-imajiirayaa, waxaad dareemayaa qabow, duray ayaa ihaya waa inaan sanja...
14/12/2023

11 Faa’iido ee Sanjabiisha Laga Helo

“Calooshaa la-imajiirayaa, waxaad dareemayaa qabow, duray ayaa ihaya waa inaan sanjabiil cuno”, waa talo in badan oo dadka ka tirsan aad ka maqlayso, waxaa ku jira faytamiin badan, oo maaddooyin cunno ah oo u roon caafimaadka habdhiska difaaca jirka, cudurradana kaa ilaalineysa.

Hadaba, website-ka “Healthline“, ayaa waxa uu qoray faa’iidooyin badan oo sanjabiisha laga helo.

Faa’iidooyinka Sanjabiisha Laga Helo

1: Sanjabiisha waxaa laga helaa maaddo cunto ah oo daawo u ah mashaakilka habdhiska dheefshiidka, sida; dawakhaadda, matagga, yalaalugada.

2: Heerka sonkorta ee dhiigga ayay hoos u dhigtaa, sidaas oo kale wadnaha ayaa waxa ay ka ilaalisaa dhibaatooyinka xinjirrowga ah.

3: Waxaa lagu daaweeyaa cudurrada habdhiska neefmareenka ku dhaca sida; neefta, burunkiitada, hargabka iyo qufaca.

4: Daraasaadka la sameeyay waxey caddeeyeen in Sanjabiisha ay ka shaqayso yarenynta xanuunnada iyo caabuqyada kala duwan, jirka waxey ka dhowrtaa in uu qofku lafa jab uu ku dhaco.

5: Waxey hoos u dhigtaa xanuunka caadada, sidaa awgeed dumarka waxaa lagula taliyaa iney isticmaalaan marka ay caadadu u joogto.

6: Habdhiska dareemayaasha qofka ayay u roon tahay, waxey qofka ka ilaalisaa istarooggu inuu ku dhufto, waxeyna ka ilaalisaa Alzheimer iyo cudurrada duqnimadu ay keenaan.

7: Cilmi-baarisyada qaar waxey leeyihiin sanjabiishu waxey kaalin wanaagsan ka ciyaartaa dhimista miisaanka jirka.

8: Waxaa laga helaa fiber badan oo dhanka cunnada ah, macdan badan oo xakameysa heerka cadaadiska dhiigga ayaa laga helaa.

9: Waxaa lagu daaweeyaa madax-xanuunka, hurdo yarida, dareemaya ayaa lagu dejiyaa, walwalka iyo niyad-jabkana ayaa lagula dagaallamaa.

10: Caafimaadka galmada iyo bacraminta ayay u roon tahay.

11: Caafimaadka haragga sare ee jirka ayaan looga maarmin, waxeyna jirka ka ilaalisaa shucaaca Qorraxda ee dhibaatada badan, sidaas oo kale; haragga way iftiimisaa, goobaha madowna way ka baabi’isaa.

⏫ qodobka 10 aad ha la ogaado raggow

●Share dheh page kana like saar

Onychophagia
07/12/2023

Onychophagia

Address

Bosaso

Telephone

+252906161742

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Mohamoud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Mohamoud:

Share