Bosaso General Hospital

Directions Website

Bosaso General Hospital Bosaso General Hospital was built in 1937 and has been providing essential services to the people of Puntland for over Eighty years.

Bosaso General Hospital is a regional, teaching and referral hospital.

03/09/2026
Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Puntland, ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryan Cismaan Axmed, ayaa booqatay Isbitaalka Gu...
03/09/2026

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Puntland, ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryan Cismaan Axmed, ayaa booqatay Isbitaalka Guud ee Boosaaso, waxaana ku soo dhoweeyey Maamulaha Isbitaalka, Maxamed Timo-Jilic. Wasiiradda ayaa kormeertay qaybaha Isbitaalka iyo Dhismaha Cusub ee Isbitaalka oo meel wanaagsan maraya.

02/09/2026

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo Booqasho Ku Timi Isbitaalka Guud ee Boosaaso.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryan Cismaan Axmed, ayaa booqasho shaqo ku timi Isbitaalka Guud ee Boosaaso.

Wasiiradda waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Maamulaha Isbitaalka Guud ee Boosaaso, Mudane Maxamed Timo-Jilic.

Intii ay booqashada ku guda jirtay, Wasiiradda waxay kormeertay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyadoo xog dheeraad ah ka dhageysatay maamulka Isbitaalka oo ku saabsan adeegyada caafimaad ee uu Isbitaalku bulshada u fidiyo iyo xaaladda guud ee hawlaha Isbitaalka.

Sidoo kale, Wasiiradda waxay booqatay Dhismaha Cusub ee Isbitaalka Guud ee Boosaaso, kaas oo si wanaagsan u socda, isla markaana meel wanaagsan maraya.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, kor loogu qaadayo tayada daryeelka caafimaad, lana hubinayo horumarka ka socda xarumaha caafimaadka ee Puntland.

Isbitaalka Guud ee Boosaaso oo Ka Qaybgalay Full-Scale Emergency Exercise.Koox ka socotay Isbitaalka Guud ee Boosaaso ay...
27/08/2026

Isbitaalka Guud ee Boosaaso oo Ka Qaybgalay Full-Scale Emergency Exercise.

Koox ka socotay Isbitaalka Guud ee Boosaaso ayaa si buuxda uga qayb qaadatay tababar tijaabo ah oo loogu talagalay in lagu qiimeeyo lana tijaabiyo habka looga jawaabi karo xaalad degdeg ah oo ka dhacda Garoonka Diyaaradaha Boosaaso (Bosaso Airport).

Tababarkan oo loo yaqaan Full-Scale Exercise (FSE) ayaa lagu tijaabinayay isku-duwidda hay’adaha kala duwan, awoodda gurmadka deg degga ah, iyo habka loo maareyn karo xaaladaha deg degga ah ee ka dhalan kara garoonka diyaaradaha.

Kooxda ka socotay Isbitaalka Guud ee Boosaaso ayaa intii uu socday tababarku ku soo bandhigtay xirfad, diyaar-garow iyo awood sare oo ku aaddan maaraynta iyo daryeelka bukaannada ka dhalan kara dhacdooyinka deg degga ah.

Ka qaybgalka tababarkan wuxuu muujinayaa sida Isbitaalka Guud ee Boosaaso uga go'an tahay diyaar garowga xaaladaha deg degga ah, badbaadinta nafaha iyo bixinta adeeg caafimaad oo tayo leh xilliyada musiibooyinka iyo dhacdooyinka waaweyn.

26/08/2026

Leishmaniasis waa cudur uu sababo noolaha protozoa gaar ahaan faraca leishmania waxaana gudbiya qaniinyada noocyada diqsiga loo yaqaan (sandflies).
Waxaa faahfaahin dheeri inaga siinaya Dr.Axmed saciid oo ah dhakhtar ku takhasusay daawaynta iyo daryeelka caruurta kana hawlgala Isbitaalka Guud ee Bosaso.

14/08/2026

Warbixin kooban oo ku saabsan Isbitaalka Guud Ee Bosaso.

We Are Open 24/7
28/06/2026

We Are Open 24/7

Address

Bosaso Bari
Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bosaso General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category