18/06/2026
Baynax Hospital, Burco Waxay Si Sharaf Leh U Soo Dhaweynaysaa Dr. Yusuf O. Qalib, MBBS, MS (Orthopaedics), MBA (Hospital Management), Oo Ah Dhakhtar Sare Oo Lafaha Iyo Kala-Goysyada Ku Takhasusay.
Dr. Yusuf Waxa Uu Leeyahay Aqoon Iyo Khibrad Heer Sare Ah Oo Uu Ka Soo Qaatay Hindiya, Gaar Ahaan Qalliinnada Lafaha, Dhaawacyada Adag (Complex Trauma), Iyo Beddelka Kala-Goysyada Jilibka, Sinta Iyo Garabka. Sidoo Kale Waxa Uu Shahaado Gaar Ah Ka Haystaa CORI Robotic-Assisted Knee Replacement, Oo Ah Tignoolajiyad Casri Ah Oo Robot-Ku Caawiyo Qalliinka Beddelka Jilibka, Taas Oo Kordhisa Saxnaanta Qalliinka, Yareysa Dhaawaca Unugyada, Islamarkaana Dedejisa Bogsashada Bukaanka.
Waxa Uu Sidoo Kale Ku Takhasusay:
Qalliinnada Lafaha Iyo Kala-Goysyada
Daaweynta Dhaawacyada Culus Ee Lafaha
Arthroscopy (Qalliinnada Yar-Yar Ee Kaamiro Lagu Sameeyo Kala-Goysyada)
Sports Medicine (Dhaawacyada Ciyaartoyda)
Beddelka Jilibka, Sinta Iyo Garabka
Imaatinka Dr. Yusuf Ee Baynax Hospital Wuxuu Bulshada Burco Iyo Guud Ahaan Somaliland U Horseedayaa Adeeg Caafimaad Oo Casri Ah, Iyadoo Bukaannadu Heli Doonaan Daaweyn Iyo Qalliimo Heer Caalami Ah Oo Gudaha Dalka Lagu Bixiyo.
Ku Soo Dhowaada Baynax Hospital Burco – Hoyga Adeegyada Casriga Ah Ee Lafaha Iyo Kala-Goysyada.