18/01/2024
Koluu ceel biyood shubo
Koluu celiyo xoolaha
Koluu dhiso cariishyada
Koluu maydho calada-
Koluu dharabka caynsado
Koluu daas yar calafsado
Koluu cadday u soo g**o
koluu gaadhi gacan culus
Curuuquhu ku daalaan
Cimaarado rag Leeyahay
Koluu ciid u kala rogo
Cisho kuuli laga dhigo
Camal baadi doonkii
Carabaha kol uu Tago
Kol caruurta reer kale
Carbintooda loo diro
kol albaabka sii Celi
Soo celi Ku Xoogsado.
Calooshaada oo madhan,
Waligii wax muu cunin,
Isagoon ku ciidsiin
Dhar cusayba muu gadan
Culys heer kastuu yahay
Niyad xumo kamuu celin
Itaal ceel kastuu dhigo
Caynaano muu dayn
Caabin hawl uu kuu galay
Cagtaa daalan muu odhan
Isagoo aan cuudiyo
Camal iyo aduun hayn
Noloshuna cakiran tahay
Oo jeebku caydh yahay
Caana maal kumuu gabin
Cimrigoo siyaadaa
Cawarraaye Taagtee
Waa ciroole taag daran
Culays weeyi ruux qaba
Gabaw caasha saaraa
Ciirciirka badayoo
Wuu lumay codkiisii
Wuu tagay cadkiisii
Wuu dhaga cusladoo
Caad fuule dhaayaha
Bukaan weeyi cuduriyo
Cuskadeen xanuunadu
Maaha cayka aad tahay
Hadii uu cag fududaa
Cararkana ku roonaa
Bari caafimaad qabay
Aabahaa cad-weeyaan
Maanta caawimaadiyo
Kaa mudan cisayntee
Damiir ceebta diidiyo
Caqli maanu kugu jirin
Qayb ka maansada Aabahaa cad weeyaan.
2017 Xasan Dhuxul Laabsaalax