Erigavo Regional Hospital

Erigavo Regional Hospital Kuso dhawoow bogga rasmiga ah ee Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo.

CUSBITAALKA GUUD EE CEERIGAABO WAAXDA SAWIRADA (RADIOLOGY)‎‎Ma u baahan tahay baadhitaan Ultra-sound ah oo leh tayo sare...
25/08/2026

CUSBITAALKA GUUD EE CEERIGAABO WAAXDA SAWIRADA (RADIOLOGY)

‎Ma u baahan tahay baadhitaan Ultra-sound ah oo leh tayo sare iyo natiijo lagu kalsoon yahay?

‎Waaxda Sawirada ee Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo waxaa idinku diyaar ah Dhakhtarka Takhasuska Sawirada, isagoo adeegsanaya Ultrasound Casri ah oo tayada sawiradiisu sarreyso.

‎ADEEGYADA ULTRA-SOUND-KA EE AAD KA HELAYSO:
‎1. Baadhitaanka Uurka (Obstetric Ultrasound)
‎La-socodka horumarka iyo caafimaadka ilmaha uurka ku jira.
‎Hubinta booska, miisaanka, iyo hab-sami u socodka uurka.
‎2. Cudurrada Haweenka (Gynecologic Ultrasound)
‎Baadhitaanka ilmo-galenka iyo ugxan-sidayaasha (ovaries).
‎Ogaanshaha cudurrada, burooyinka, iyo cyst-yada xubnaha taranka haweenka.
‎3. Xubnaha Uur ku jirta & miskaha (Abdominal & Pelvic Ultrasound)
‎Baadhitaanka beerka, kelyaha, xamaytida (gallbladder), iyo beeryarta.
‎Baadhitaanka xubnaha miskaha, kaadi mareenka, iyo uurku jirta guud.
‎4. Baadhitaanka Carruurta (Pediatric Ultrasound)
‎Baadhitaanno gaar ah oo loogu talagalay caafimaadka carruurta iyo dhallaanka.
‎5. Qanjidhada iyo Burooyinka (Superficial & Small Parts)
‎Baadhitaanka qanjidhka Thyroid-ka.
‎Baadhitaanka naasaha, xaniinyaha, iyo burooyinka maqaarka hoose.
‎6. Xididdada & Qulqulka Dhiigga (Doppler & Vascular)
‎Baadhitaanka socodka dhiigga ee xididdada waaweyn iyo kuwa yar-yar.
‎Ogaanshada xinjirta ama cidhiidhiga xididdada dhiigga.
‎7. Xaaladaha Degdegga Ah (Emergency Ultrasound / E-FAST)
‎Baadhitaan degdeg ah oo lagu ogaado dhiig-baxa ama dareeraha caloosha ka buuxsama marka ay jiraan dhaawacyo.

‎Soo booqo Cusbitaalka oo la kulan Dhakhtar takhasus sare ka haysta Sawirada si aad u hesho adeeg caafimaad oo tayo sare leh!

Fulin-QaliinHabeenimadii Jimcaha, abaara 2:00AM, kuna beegnayd 14/08/2026 Waxa Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Laga fuliy...
15/08/2026

Fulin-Qaliin

Habeenimadii Jimcaha, abaara 2:00AM, kuna beegnayd 14/08/2026 Waxa Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Laga fuliyey Qaliinka Caloosha (Exploratory Laparotomy) Si loo ogaado loona Daweeyo dhaawacyada gudaha caloosha ee ka dhashay xabbadda,kaas oo lagu xakameeyey Dhiig-baxii Xubnaha ay kamid yihiin Caloosha iyo Beerka oo Dhaawacu gaadhay.

Natiijada Qaliinka ayaa noqotay mid lagu guulaystay.

Allah Mahadii, bukaanku waa caafimaad qabaa wuxuuna kujiraa waqtigii soo kabsashada.

ٱلْحَمْدُ لِلَّٰهِ

06/08/2026
Waxa si hab-sami leh u socda Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo isdiwaan gelinta adeeg daawayn iyo qaliimo fudud ah oo malin...
04/08/2026

Waxa si hab-sami leh u socda Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo isdiwaan gelinta adeeg daawayn iyo qaliimo fudud ah oo malinta khamista ah 6/August/2026 loogu adeegi doono bulshada .
Bulshada adeegan ka faa'idaysata waxay heli doonan adeegyo bilaash ah oo ay ka mid yihiin.

1: La talinta Dhakhtar takhasus ah
2: Adeeg Sawir (Ultrasound)
3: Daawada ay u qoraan Dhakhaatiirtu

Ujeedadu waa Daryeelka bukaanka.

OgeysiisWaxaanu Dadweynaha Kudhaqan Magaalada Ceerigaabo Ogaysiinaynaa In maalinimada Khamiista oo Kubeegan 06/08/2026 i...
03/08/2026

Ogeysiis

Waxaanu Dadweynaha Kudhaqan Magaalada Ceerigaabo Ogaysiinaynaa In maalinimada Khamiista oo Kubeegan 06/08/2026 in laga fulin doono Daawayn Bilaash ah Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo.
Dhakhaatiirta Kuugu Diyaar ah:
1. Dhakhtarka Takhasuska Dumarka
2. Dhakhtarka Qaliimada Guud
3. Dhakhtarka Caruurta
4. Dhakhatarka Cudurada Guud.

Adeegyada Bilaash Ka ah
1. Kaadhka Dhakhtarka
2. Kambayuutarka Uur kujirta (Obstetric Ultrasound, A/U, Doppler Us)
3. Dawada
4. Qaliimada ay kamid yihiin:
A. Ka saarista Lipoma (buro dufan ah oo aan kansar ahayn).
B. Jeexid iyo nadiifinta malaxda (Incision & Drainage - I&D) ee boogta malaxda leh (abscess).
C. Ka saarista Ganglion cyst (buro dareere leh oo badanaa ka samaysanta qoorta, gacmaha ama cagta).
D. Ka saarista Keratin cyst (Epidermoid/Sebaceous cyst) oo ka samaysma qayb kasta oo jirka ka mid ah.
E. Ka saarista Fibroadenoma ee naaska (burooyinka aan kansar ahayn oo ku yaal naaska).
Sidoo kale waxa dheer in qaliimada degdega ah (Emergency) ee ay kamid yihiin Qabsinka iyo qaliimada caloosha laxidhiidha ay bilaash yihiin maalintaa.

Diwaangelintu waa socotaa.

Ka faaiidaysi Wanaagsan.

Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo ayaa maanta xaflad loogu qabtay Saddex caruur ah oo kudhashay cusbitaalka kuwaas oo muddo...
30/07/2026

Cusbitaalka Guud Ee Ceerigaabo ayaa maanta xaflad loogu qabtay Saddex caruur ah oo kudhashay cusbitaalka kuwaas oo muddo 2 bilood iyo 12 maalmood kujiray cusbitaalka.

Maamulka, dhakhaatiirta iyo shaqaalaha qaybta gargaarka degdega ah ee Caruurta Kayar 1 bil (NICU) ayaa uga mahadnaqay waalidka caruurta dhalay oo ahaa kuwo udiyaar ah wixii looqabanayo una dhabar adaygay mudadaa labada bilood kabadan.

Cusbitaalka ayaa kafaalo qaatay caruurtaa caafimaadkooda mudada sanadka ah ee u horeeya iyaga iyo hooyadoodba.

Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo oo Ka Qayb Qaatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Dhiig-shubidaCeerigaabo, 14...
15/06/2026

Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo oo Ka Qayb Qaatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Dhiig-shubida
Ceerigaabo, 14 Juun 2026.

Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo (Erigavo Regional Hospital) ayaa si wax ku ool ah uga qayb qaatay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Dhiig-shubida, oo sanadkasta lagu xuso 14-ka Juun.
Ololahan waxa soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana si sanadle ah loogu qabto dalka oo dhan. Ololuhu waxa uu socon doonaa shan maalmood, laga bilaabo 14-ka ilaa 18-ka Juun.
U jeedka ololahan muhiimka ah waa in bulshada lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay dhiig-shubistu, loona dhiirigeliyo in ay si joogto ah ugu deeqaan dhiiggooda si loogu badbaadiyo naf u baahan.
Madasha waxa ka hadlay oo faahfaahinta ka bixiyay madax kala duwan oo heer gobol iyo heer degmo ah iyo Maamulka Cusibtaalka, kuwaas oo sidoo kale si qof ahaaneed ugu deeqay dhiiggooda, isagana ku dhiiri geliyay bulshada in ay caadaysato dhiig-shubida si loogu badbaadiyo dadka u baahan.
Dhiig-bixiyayaal si mutadawacnimo ah u shubay dhiiggooda ayaa xafladda ka soo qayb galay, iyagoo si toos ah ugu deeqay dhiiggooda Waaxda Kaydka Dhiiga ee Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo, si loo hubiyo helitaanka dhiigga xilliga loo baahanyahay.
Maamulka iyo Hawl-wadeenada Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo waxay si joogto ah bulshada ugu baraarujinayaan in ay ugu deeqaan dhiiggooda bukaanka u baahan, taasoo ah mid ka mid ah ficilada aadanaha ee sharafta leh ee badbaadisa nolol.

Erigavo Regional Hospital
Cusbitalka Guud ee Ceerigaabo

Erigavo Regional Hospital.Mahadnaq.Maamulka Cusbitaalka guud ee Ceerigaabo wxaya u mahadnaqayaan hawl-wadeenada  ERH  si...
19/05/2026

Erigavo Regional Hospital.

Mahadnaq.

Maamulka Cusbitaalka guud ee Ceerigaabo wxaya u mahadnaqayaan hawl-wadeenada ERH sidii milgaha iyo maamuska lahayd ee ay uga qaybqaaten xuska maalinta qaranimada JSL ee ku taarikhaysnayd 18 May 2026.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee Gobolka Sanaag masuuliyiinteeda  iyo hawl-wadeenadeeda oo si maamus iyo cudud ...
18/05/2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ee Gobolka Sanaag masuuliyiinteeda iyo hawl-wadeenadeeda oo si maamus iyo cudud leh uga dhex muuqday dabaal dega xuska 35 aad ee dib ulasoo noqoshada Dawladnimada JSL.

Aqoonsi iyo Adkaysi

Address

Shacabka
Erigavo
252

Telephone

+252634200266

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Erigavo Regional Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share