Primesom Counselling Services

Primesom Counselling Services Prime Som Counselling Services, (PSCS) psychological and social support services.

Prime Som Counselling Services waxaa sharaf u ahayd inay ka qayb gasho, isla markaana taageero ka gaysato  xafladda Maal...
14/08/2026

Prime Som Counselling Services waxaa sharaf u ahayd inay ka qayb gasho, isla markaana taageero ka gaysato xafladda Maalinta Dhalinyarada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Garowe.

Munaasabadda waxaa isugu yimid dhalinyaro hormuud u ah qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Masuuliyiin dhalinyaro ah oo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale xafladda ka soo qayb galay, ayaga oo la wadaagay dhalinyarada Soomaaliyeed safarkooda nololeed, caqabadihii ay soo mareen, waayo-aragnimadooda iyo dadaalladii ay sameeyeen si ay u gaaraan halka ay maanta joogaan.

Intii ay munaasabaddu socotay, masuuliyiin ka socday Prime Som Counselling Services ayaa sameeyeen wacyigelin ku saabsan muhiimadda caafimaadka maskaxda iyo badqabka dhalinyarada ( Youth Mental Health and Wellbeing). Waxaa si gaar ah looga hadlay caqabadaha bulsho, dhaqaale iyo nafsiyeed ee u gaarka ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara caafimaadkooda maskaxda.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay siyaabaha looga hortagi karo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, loona xoojin karo adkaysiga nafsiga ah, isla markaana looguna dhiirrigelin karo dhalinyarada inay raadsadaan taageero marka ay u baahdaan.

Maalgelinta caafimaadka maskaxda ee dhalinyaradu waa maalgelinta mustaqbalka bulshadeenna.

07/08/2026

Jumca Mubarak
Alle ha aqbalo cibaadadeenna, ha inoo dambi dhaafo, hana ina siiyo nabad, degganaansho, iyo barako.

Caafimaadka Maskaxda ee Dhallinyarada Dhallinyaranimadu waa marxalad ay ka buuxaan isbeddello badan. Mararka qaarkood, i...
06/08/2026

Caafimaadka Maskaxda ee Dhallinyarada

Dhallinyaranimadu waa marxalad ay ka buuxaan isbeddello badan. Mararka qaarkood, isbeddelladaasi waxay noqon karaan calaamad muujinaysa in wiilkaaga ama gabadhaadu ay la tacaalayaan caafimaadkooda maskaxeed.

Ka digtoonow calaamadahan:
✅ Ka fogaanshaha qoyska iyo saaxiibbada.
✅ Murugo, xanaaq ama welwel joogto ah.
✅ Isbeddel ku yimaadda hurdada ama cuntada.
✅ Hoos u dhac ku yimaadda waxbarashada ama feejignaanta.
✅ Luminta xiisaha waxyaabihii uu ama ay jeclayd.
✅ Hadallo ay ka muuqdaan rajo beel ama qiimo dhac nafeed.

Maxaad samayn kartaa?
• Dhegayso adigoon xukumin.
• Weydii sida ay dareemayaan.
• Waqti la qaado oo muuji jacayl iyo taageero.
• Haddii calaamaduhu sii socdaan ama ay saameeyaan nolol maalmeedkooda, raadi taageero xirfadeed.

Waalid kasta ama qof kasta oo masuul ka ah daryeelka dhallinyarada wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta caafimaadka maskaxdooda. Hal wada hadal oo naxariis leh ayaa wax weyn ka beddeli kara noloshooda.

Jumca Mubarak Alle ha aqbalo cibaadadeenna, ha inoo dambi dhaafo, hana ina siiyo nabad, degganaansho, iyo barako.
31/07/2026

Jumca Mubarak

Alle ha aqbalo cibaadadeenna, ha inoo dambi dhaafo, hana ina siiyo nabad, degganaansho, iyo barako.

Caafimaadka maskaxdu wuxuu u baahan yahay daryeel joogto ah, waxaana jira caadooyin yar yar oo maalinle ah oo samayn kar...
26/07/2026

Caafimaadka maskaxdu wuxuu u baahan yahay daryeel joogto ah, waxaana jira caadooyin yar yar oo maalinle ah oo samayn kara isbeddel weyn.

Maxay tahay hal caado oo caafimaad leh oo kaa caawisa ilaalinta caafimaadkaaga maskaxeed?

La wadaag faallooyinka—taladaadu waxay caawin kartaa qof kale.

Jimce Wanaagsan Ilaahay ha kaa aqbalo ducadaada, ha kuu dambi dhaafo, hana ku mannaysto adiga iyo dadka aad jeceshahay n...
24/07/2026

Jimce Wanaagsan

Ilaahay ha kaa aqbalo ducadaada, ha kuu dambi dhaafo, hana ku mannaysto adiga iyo dadka aad jeceshahay nabad, naxariis iyo barako.

Maanta waqti yar u qaado inaad:

🤲 Ducaysato si qalbi furan oo daacad ah.
📖 Akhri oo ku tadabburto Qur'aanka Kariimka ah.
💙 Naxariis iyo wanaag ula dhaqanto naftaada iyo dadka kaleba.




Neefsasho Qoto DheerHaddii aad dareemayso walwal, culays ama jahawareer, isku day farsamadan fudud ee neefsashada. Waxay...
23/07/2026

Neefsasho Qoto Dheer

Haddii aad dareemayso walwal, culays ama jahawareer, isku day farsamadan fudud ee neefsashada. Waxay kaa caawin kartaa inaad dejiso maskaxdaada, yareyso walbahaarka, isla markaana aad dib u hesho degganaansho.

Sida loo sameeyo:

1. Neefso si tartiib ah muddo 4 ilbiriqsi
2. Hay neefta muddo 4 ilbiriqsi
3. Sii daa neefta si tartiib ah muddo 4 ilbiriqsi
4. Sug muddo 4 ilbiriqsi ka hor intaadan mar kale neefsan.

Ku celi wareeggan 4–6 jeer, ama ilaa aad dareento in neefsashadaadu deggan tahay oo maskaxdaadu yara xasishay.

Hadaa weligaa tijaabisay neefsashadaan, sidee ayay kuu caawisay? Nala wadaag qibradaada.







Waxaa maanta si guul leh u soo geba-gaboobay Shirweynaha Horumarinta Haweenka Puntland.Prime Som Counselling services wa...
20/07/2026

Waxaa maanta si guul leh u soo geba-gaboobay Shirweynaha Horumarinta Haweenka Puntland.

Prime Som Counselling services waxay ku faraxsanyahay in ay ka qayb qaadato shir si dhab ah looga hadlay arrimaha la xariirta hormarinta haweenka, kaas oo hubiyay in codadka iyo ka qaybgalka qof walba la tixgeliyo.

Waa arrin lagu farxo in la arko shir qof walba lagu soo dhaweeyay, lana hubiyay inuu si buuxda uga qayb qaato, waana sida ay tahay inay shirarku u dhacaan.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan qabanqaabiyeyaasha, ka qaybgalayaasha, iyo bah-wadaagta kala duwan ee ka shaqeeya hormarinta arrimaha haweenka.






19/07/2026

Rooda Maxamed oo ah xubin ka mid ah aas'aasayaasha Primeson ayaa soo jeedisey warbixin ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo mas'uuliyadaha badan ee haweenka. Warbixinya ayaa dhigaysay sida haweenku ugu nugul yihiin culaysyada caafimaad ee maskaxda, taas oo sababtay in dadka la nool caafimaadka maanka ay u badanyihiin haween.

Primesom Counselling Services waxaa ay mar walba u taagantahay kor u qaadista baahiyaadka caafimaad ee maanka, la talinta dadka la nool xaaladaha gaarka.

Haweenku waxaa ay kaalmaha h**e uga jiraan dadka la nool baahiyaha caafimaadka maanka, una nugul xanuunnada dareenka la xidhiidha.

Primesom, waxaa ay qayb ka ahayd shirweynaha haweenka Puntland, waxaannuna haweenka ka wacyigelinnay ka hortagga cudurrada maanka iuo iskubuuqa.

Haween leh wacyi sare iyo korriin maskaxeed waxaa ay badbaado u yihiin guryo leh caafimaad maskaxeed iyo carruur bedqabta.





Waxaa maalintii labaad si habsami leh uga socda magaalada Garoowe shirweynaha Haweenka Puntland oo ay soo qabanqaabisay ...
19/07/2026

Waxaa maalintii labaad si habsami leh uga socda magaalada Garoowe shirweynaha Haweenka Puntland oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka & Arrimaha Qoyska.

Shirweynaha ayaa la isku weydaarsanayaa doodo, cilmibaadhisyo iyo warbixinno ku saabsan sidii loo kobcin laha tayada haweenka Puntland, looga hor tegi lahaa tacaddiyada sii badanaya, looguna qareemi lahaa qoondada haweenka ee suuqyada shaqada iyo fursadaha waxbarashada iyo
doorashooyinka.

Ka primesom ahaan waxaa doorkeenu ahaa in aan ka wacyi gelino duruufaha khaaska ah ee haysta haweenka oo ka dhasha masuuliyaadka badan ee ay hayaan iyo in si khaasa loo taageero caafimaadka maskaxdooda iyo daryeelka naftooda.





Address

Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252905384815

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Primesom Counselling Services posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Primesom Counselling Services:

Shortcuts

Share