Somali European Hospital

Somali European Hospital Somali European Hospital is a privately owned referral and teaching hospital. The hospital is located in Garowe, Puntland, Somalia.

The hospital was regenerated in 2023 with a commitment to providing the highest standard of health care services.

OGAYSIIS MUHIIM AHWaxaan si farxad leh u soo dhaweynaynaa DR. Jamaladden Mohamed  Consultant Cardiologist Dhakhtarka Tak...
30/08/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH
Waxaan si farxad leh u soo dhaweynaynaa DR. Jamaladden Mohamed Consultant Cardiologist Dhakhtarka Takhasuska Wadnaha.

Dr. Jamaladden Mohamed wuxuu si rasmi ah hawlgalayaa Somali European Hospital 3/ 9/ 2026.

ADEEGYADA UU QABANAYO

* Xanuunka laabta iyo wadna xanuunka
* Cudurrada halbowlayaasha wadnaha
* Wadne-qabadka iyo la socodkiisa
* Dhiig-karka
* Wadnaha oo daciifa
* Cilladaha garaaca wadnaha
* Cudurrada waalalka wadnaha
* Cudurka wadnaha ee rheumatic-ka
* Dhiig-karka sambabada
* Daryeelka wadnaha xilliga uurka
* Qiimeynta wadnaha ka hor iyo ka dib qalliinka
* Kolestaroolka iyo triglycerides-ka oo sareeya

XUBINNIMO XIRFADEED

European Society of Cardiology (ESC)
Egyptian Society of Cardiology (EgySC)

3-DA SEBTEMBAR 2026
SOMALI EUROPEAN HOSPITAL – GAROWE

Daryeelka wadnahaaga, khibrad iyo tayo.

πŸ“ž Telefoonka: +252 90 5 778833 / +252 90 4 057118
🚨 Gurmadka Degdega ah: 321
🌐 Website: somhospital.com
πŸ“ Xarunta: Garowe, Nugaal, Somalia

🩺 Imtixaanka Shaqaaleysiinta Umulisooyinka (Midwifery)Somali European Hospital – Garowe ayaa qaaday imtixaan loogu talag...
29/08/2026

🩺 Imtixaanka Shaqaaleysiinta Umulisooyinka (Midwifery)

Somali European Hospital – Garowe ayaa qaaday imtixaan loogu talagalay ka qaybgalayaasha u tartamaya fursadda shaqo ee Umulisooyinka (Midwifery).

Imtixaankan waxaa loo qaadayaa shaqaalaha ka hawlgeli doona xarunta labaad ee Somali European Hospital, taas oo qayb ka ah qorshaha Isbitaalka ee lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Waxaan dhammaan ka qaybgalayaasha u rajaynaynaa guul iyo natiijo wanaagsan. 🀍

πŸ“ Garowe, Nugaal, Somalia
πŸ“ž +252 90 5 778833 / +252 90 4 057118
🚨 Gurmadka Degdega ah: 321
🌐 somhospital.com

27/08/2026

ADEEGGA UROLOGY-GA OO CUSUB EE SOMALI EUROPEAN HOSPITAL
Ma qabtaa dhibaatooyin la xiriira kaadida, qanjirka prostate-ka, ama kaadi-mareenka?
Somali European Hospital wuxuu kuu hayaa adeegyo urology oo casri ah.
βœ… TURP – Qalliinka Qanjirka Prostate-ka (BPH)
Qanjirka prostate-ka oo weynaaday
Kaadi heysasho iyo kaadi socod daciif ah
Qalliinka oo lagu sameeyo qalab casri ah (Endoscope)
Jeexitaan yar iyo soo kabasho degdeg ah
βœ… Adeegyada kale ee Urology-ga:
β€’ Dhagaxa kelyaha & kaadi-mareenka
β€’ Cudurrada kaadi-heysta
β€’ Qalliinnada Endoscopy-ga
β€’ Daryeelka cudurrada taranka ragga
Caafimaadkaaga Waa Mudnaanteenna πŸ’™
πŸ“ Somali European Hospital – Garowe, Puntland
πŸ“ž +252 90 5 778833 | +252 90 4 057118
🌐 www.se-hospital.com

Somali European Hospital is a privately owned referral and teaching hospital. The hospital is located in Garowe, Puntland, Somalia.
The hospital was regenerated in 2023 with a commitment to providing the highest standard of health care services.

La kulan Kooxdayada Khubarada Wadnaha (Cardiology), kuwaas oo u heellan ilaalinta caafimaadka wadnahaaga.Somali European...
26/08/2026

La kulan Kooxdayada Khubarada Wadnaha (Cardiology), kuwaas oo u heellan ilaalinta caafimaadka wadnahaaga.

Somali European Hospital – Garowe
πŸ“ž Telefoonka: +252 90 5 778833 / +252 90 4 057118
🚨 Gurmadka Degdega ah: 321
🌐 Website: somhospital.com
πŸ“ Xarunta: Garowe, Nugaal, Somalia

15/08/2026

πŸŽ₯ DHABAR-XANUUN JOOGTO AH

Maxaa keena dhabar-xanuunka joogtada ah? 🦴

πŸŽ™οΈ Dr. Mohamed Yusuf
Orthopaedic Specialist – Somali European Hospital (SEH)

Daawo muuqaalkan si aad uga ogaato sababaha ugu badan iyo goorta ay tahay inaad dhakhtar la xiriirto.

πŸ“ Somali European Hospital – Garowe

Sagootinta Dr. Sharif Al-Kadamani 🀍Maanta waxaan sagootinaynaa Dr. Sharif Al-Kadamani, oo ah dhakhtar ku takhasusay Cudu...
12/08/2026

Sagootinta Dr. Sharif Al-Kadamani 🀍

Maanta waxaan sagootinaynaa Dr. Sharif Al-Kadamani, oo ah dhakhtar ku takhasusay Cudurrada Wadnaha (Cardiologist), kaas oo ka tegaya Somali European Hospital (SEH) kuna laabanaya dalkiisa Suuriya sababo la xiriira arrimo qoys awgood.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa Dr. Sharif dadaalkiisa, xirfaddiisa sare, iyo daryeelka wanaagsan ee uu siiyey bukaannadeenna. Wuxuu ahaa dhakhtar qiimo leh iyo xubin muhiim ah oo ka tirsan qoyska SEH, waxaana mar walba lagu xusuusan doonaa ixtiraam, qadarin iyo mahadnaq.

Waxaan Dr. Sharif Al-Kadamani u rajaynaynaa safar nabdoon, guul iyo mustaqbal wanaagsan. Alle ha u fududeeyo isaga iyo qoyskiisa, hana siiyo caafimaad, farxad, barako iyo kheyr badan. 🀲

Mahadsanid Dr. Sharif Al-Kadamani. Waxaadna weligaa ka mid ahaan doontaa qoyska SEH. 🀍

Guul Laga Gaaray Maareynta Xaalad Dhaawac Aad u Adag.Somali European Hospital waxay si guul leh u maareysay xaalad dhaaw...
12/08/2026

Guul Laga Gaaray Maareynta Xaalad Dhaawac Aad u Adag.
Somali European Hospital waxay si guul leh u maareysay xaalad dhaawac rasaas ah (Gunshot Injury) oo aad u culus, taas oo ku lug lahayd dhaawaca caloosha iyo laabta (Abdominal & Thoracic Trauma), una baahnayd daryeel degdeg ah iyo qalliimo heer sare ah.

Bukaanka waxaa loo sameeyey qalliimo badbaadinaya nolosha (Life-Saving Surgery), iyadoo ay iska kaashadeen kooxda khubarada Trauma & Qalliinka:

πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Mohamed Salah
πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Mohamed Yusif
πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Abdiwahid Calbato
πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Shadi

Guushan waxay muujinaysaa awoodda Somali European Hospital ee:
βœ… Maareynta Xaaladaha Dhaawacyada Adag (Complex Trauma Management)
βœ… Daryeelka Degdegga ah (Emergency Care)
βœ… Qalliinka Dhaawacyada Halis ah (Major Trauma Surgery)
βœ… Daryeelka Bukaanada Xaaladaha Culus (Critical Care)
βœ… Qalliimo Casri ah iyo Khibrad Sare (Advanced Surgical Expertise)

SEH – Daryeel Heer Sare ah, Khibrad Caafimaad, iyo Badbaadinta Nolosha. πŸ₯πŸ‘

HA ISKA INDHO TIRIN LAABJEEXA!Laabjeexa joogtada ahi ma aha wax caadi ah, Waxa uu noqon karaa calaamad muujinaysa xanuun...
03/08/2026

HA ISKA INDHO TIRIN LAABJEEXA!

Laabjeexa joogtada ahi ma aha wax caadi ah, Waxa uu noqon karaa calaamad muujinaysa xanuun halis ah oo ku dhaca caloosha ama hunguriga.

Haddii aad si joogto ah u dareento:-
1: Gubasho ama xanuun laabta ah
2: Cunto dib ugu soo noqota cunaha
3: Liqid adag ama xanuun leh
4: Calool xanuun iyo raaxo-darro joogto ah

Waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa xaalad caafimaad oo u baahan baaritaan, πŸ“ž Maanta la xiriir isbitaalkayaga si aad u hesho baaritaan iyo talo caafimaad oo xirfad leh, Caafimaadkaaga dib ha u dhigin Baaritaan h**e ayaa badbaadin kara caafimaadkaaga.

Somali European Hospital – Garowe
πŸ“ž Telefoonka: +252 90 5 778833 / +252 90 4 057118
🚨 Gurmadka Degdega ah: 321
🌐 Website: somhospital.com
πŸ“ Xarunta: Garowe, Nugaal, Somalia

Hambalyo Maalinta Aasaaska Puntland! πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ’™πŸ’šMaanta oo ah 1-da Agoosto, Somali European Hospital waxay hambalyo iyo bogaadin...
01/08/2026

Hambalyo Maalinta Aasaaska Puntland! πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ’™πŸ’š

Maanta oo ah 1-da Agoosto, Somali European Hospital waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shacabka Puntland munaasabadda Maalinta Aasaaska Puntland.

Waxaan u rajaynaynaa Puntland nabad, horumar, iyo caafimaad waara.

Hambalyo Maalinta Aasaaska Puntland!

Hada Ballantaada Ka Qabso Online! πŸ“±πŸ’»Ma u baahan tahay in aad la kulanto dhakhaatiir khibrad sare leh adigoon gurigaaga k...
01/08/2026

Hada Ballantaada Ka Qabso Online! πŸ“±πŸ’»

Ma u baahan tahay in aad la kulanto dhakhaatiir khibrad sare leh adigoon gurigaaga ka bixin? Saf dheerna aadan galin.
Isbitaalka Somali European (S.E.H) wuxuu kuu fududeeyay in aad ballanta dhakhtarka ku qabsan karto qaab online ah oo fudud oo degdegna ah!

Kaliya booqo website-keena:
πŸ‘‰ somhospital.com Ama nagala soo xiriir:
πŸ“ž Telefoonka: +252 90 5 778833 / +252 90 4 057118
🚨 Gurmadka Degdega ah: 321

Caafimaadkaagu waa inoo muhiim, waqtiga ha iska lumin! πŸ₯✨

Address

Opposite Martisoor Hotel
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali European Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category