Hargeysa TB Hospital

Hargeysa TB Hospital Hargeysa TB Hospital is the biggest Governmental TB Hospital in Somaliland for the Treatment of TB

23/02/2026

** Mahadnaq**

Shirkadda weyn ee Omar International Company (OMINGO) ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 22/02/2026 deeq raashin ah ku wareejisay Cusbitaalka Qaaxada Hargeysa.

Deeqdan oo loogu talagalay bukaan-jiifka cusbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa ayaa ka koobnayd 10 nooc oo raashin ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen: bariis, daqiiq, saliid, baasto (makarooni), caano-boodhe iyo agab kale oo muhiim u ah nafaqada bukaannada la ildaran xanuunka qaaxada.

Raashinkan deeqda ah waxaa si rasmi ah uga guddoomay maamulka cusbitaalka, gaar ahaan Admin and Finance-ka cusbitaalka qaaxada Hargeysa, Mudane **Mr. Farhan Abdilaahi Muumin**, oo uga mahadceliyey shirkadda OMINGO garab istaagga ay u muujisay bukaannada iyo guud ahaan bahda caafimaadka.

Maamulka cusbitaalka qaaxada Hargeysa waxay si qoto dheer ugu mahadnaqeen shirkadda Omar International Company (OMINGO) deeqdan qiimaha badan leh, iyagoo xusay in ay wax weyn ka tari doonto daryeelka iyo nafaqeynta bukaannada jiifa cusbitaalka.

Ugu dambayn, maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka qaaxada Hargeysa waxay ugu baaqeen shirkadaha kale iyo ganacsatada in ay ku daydaan tallaabadan samafalka ah, si loo xoojiyo taageerada caafimaad ee bulshada.

Ka hoŕtaga ayaa ka wanaagsan daaweynta Prevention is better than cure
04/09/2022

Ka hoŕtaga ayaa ka wanaagsan daaweynta Prevention is better than cure

27/08/2022

Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland oo xadhiga ka jaray dhismo cusub oo lagu soo kordhiyay cusbitaalka Qaaxada Hargeysa TB Hospital kaas oo wax weyn ka tari doona fayadhawrka iyo nadaafada maadaama uu noqonayo Goob ay cuntada ku cuni doonaan bukaan jiifka cusbitaalka

Address

Regional Court Of Hargeisa, Mujahid Lixle
Hargeisa
2522

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeysa TB Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hargeysa TB Hospital:

Shortcuts

Share

Category