Hayir Pharmacy

Call Directions Contact the practice

Hayir Pharmacy Your trusted partner for quality medicines and better health.

08/08/2026

๐Ÿฉบ ๐ŸŒ™ KU SOO DHAWOOW XARUNTEENA CUSUB! โš•๏ธ

๐‡๐€๐˜๐ˆ๐‘ ๐๐‡๐€๐‘๐Œ๐€๐‚๐˜ ๐€๐๐ƒ ๐ƒ๐„๐๐“๐€๐‹ ๐‚๐‹๐ˆ๐๐ˆ๐‚
๐‰๐ข๐ ๐ฃ๐ข๐ ๐š ๐ฒ๐š๐ซ (๐€๐ ๐š๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š-๐ฃ๐ž๐ž๐ฑ๐š๐ง)

Daryeel caafimaad oo tayo leh.

Waxaa naga go'an inaan kuu fidinno daryeel caafimaad oo xirfad sare leh, Adeeg iyo Daaweyn la isku halleyn karo adiga iyo qoyskaaga.

โค๏ธ Caafimaadkaagu waa mudnaantayada. โš•๏ธ

โœจ Dawo Tayo leh. Adeeg Xirfadeed. Daryeel Caafimaad oo la isku halleyn karo.

๐Ÿ“ ๐๐จ๐จ๐ช๐จ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐ฒ๐๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› โ€” ๐ก๐š๐ฅ๐ค๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š๐š๐ ๐ฎ ๐ก๐š๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฃ๐ž๐ž๐ซ ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐๐ง๐š๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ๐š๐๐š ๐ค๐จ๐จ๐ฐ๐š๐š๐.

18/06/2026
Warbixin kooban oo ku saabsan Xumada (Dengue fever)Dengue (xummadda) waa caabuq fayras ah kaas oo ay gudbiso kaneecada u...
14/11/2023

Warbixin kooban oo ku saabsan Xumada (Dengue fever)

Dengue (xummadda) waa caabuq fayras ah kaas oo ay gudbiso kaneecada una gudbisa dadka. Waxay aad ugu badan tahay cimilada kulaylaha ee dhulalka ku hareeraysan dhulbadhaha.

Inta badan dadka uu ku dhaco dengue Waxay yeeshaan calaamadahan ugu caansan oo ah qandho badan, madax-xanuun, jidh xanuun, lallabbo iyo finan yaryar. Dadka qaarkood waxaa ku dhaca (dengue fever) daran waxayna u baahdaan daryeel Cisbitaal.

Waxaad hoos u dhigi kartaa halista dengue adiga oo iska ilaalinaya qaniinyada kaneecada gaar ahaan waqtiga maalintii.

Astaamaha

Inta badan dadka qaba dengue waxay leeyihiin calaamado fudud ama ma laha wax calaamado ah waxayna kaga kabsan karaan muddo 1-2 toddobaad gudahood. Marar dhif ah, dengue wuxuu noqon karaa mid daran wuxuuna keeni karaa dhimasho.

Calaamadaha Waxaa ka mid noqon kara:

Xumad sare (40ยฐC/104ยฐF)
Madax xanuun daran
Xanuun indhaha gudahooda ah
Muruqyo iyo kalagoysyo xanuun
Yalaalugo ama Lalabo
Matag
qanjidhada oo barara.
Finan yaryar

Shakhsiyaadka uu ku dhacay mar labaad waxay halis weyn ugu jiraan dengue daran.

Calaamadaha dengue ee daran waxay badanaa yimaadaan ka dib marka ay qandhadu tagto (Jabto):

Calool xanuun daran
Matag joogto ah
Neefsashada oo adkaata
cirridka ama sanka oo dhiig sameeya
daal
degenaansho la'aan
dhiig matag ama saxaro soo raaca
harraad daran
maqaarka oo isbedela

Daaweyntiisa

Inta badan kiisaska qandhada dengue waxaa lagu daweyn karaa guriga iyadoo la isticmaalayo Xanuun baabiye. Ka hortagga qaniinyada kaneecada ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga fogaado in uu ku dhaco cudurka Dengue.

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay dengue. Waxaa xooga la saarayaa daaweynta calaamadaha xanuunka.

Acetaminophen (paracetamol) ayaa badanaa loo isticmaalaa si loo xakameeyo xanuunka. Daawooyinka sida ibuprofen iyo aspirin lama ogola in bulaanka dengue la siiyo sababtoo ah waxay kordhin karaan halista dhiigbaxa.
Copyright: https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/dengue-and-severe-dengue

Address

Isha-Borama
Hargeisa
NEARIBNUQAYIMPRIMARYSCHOOL

Opening Hours

Monday 07:15 - 23:00
Tuesday 07:15 - 23:00
Wednesday 07:15 - 23:00
Thursday 07:15 - 23:00
Friday 08:00 - 23:30
Saturday 07:00 - 23:00
Sunday 07:00 - 23:00

Telephone

+252634825242

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayir Pharmacy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Hayir Pharmacy:

Shortcuts

Share