10/08/2026
Ilmaha miisaankiisu bil kasta isku si uma kordho. Bilaha h**e miisaanku si dhakhso ah ayuu u kordhaa, laakiin marka uu sannad ku soo dhawaado wuu yara gaabiyaa, taasina waa caadi. Tusaale ahaan, hooyo ayaa odhan karta: “Ilmahaygu markuu 5 bilood jiray 8 kg ayuu ahaa, imikana sannad buu jiraa oo 10 kg oo keliya ayuu yahay.” Macnaheedu maaha in ilmahaas koritaankiisu xun yahay. Isagoo 5 bilood jira, haddii miisaankiisu 8 kg ahaa, wuu ka sarreeyay celceliska da’diisa; markuu sannad gaadho oo uu 10 kg yahayna, weli miisaan wanaagsan ayuu leeyahay. Muhiimaddu waa in da’da ilmaha iyo miisaankiisa la isla eego, ee maaha in miisaankiisu uu si xawli ah u kordho marba marka ka danbaysa. Taasi macquul maaha!
Miisaanka ilmaha hal mar oo keliya laguma qiimeeyo. Waxa loo baahan yahay in waalidku mar kasta la socdo: bishii h**e halkuu miisaankiisu marayay, dhawr bilood ka dibna halkuu marayo. Sidaas ayaa lagu ogaan karaa in ilmuhu si fiican u korayo, miisaankiisu meel kaliya uu taagan yahay, ama uu hoos u sii socdo. Laba carruur ah oo sannad jira, mid wuxuu noqon karaa 10 kg, midna 12 kg; labaduba way caafimaad qabi karaan.