07/05/2026
Ceerigaabo oo maqan maatadii la soo barakiciyay oo banaanka wadhan in Maanta Beelo reer Waqooyi Bari ah isku dhintaan Waliba Warsangali ku dhawaad 30 Nin galiyaan Xabaal wadareed Waa Nasiib Darro iyo Taariikh Madow.
Waxaan garan waayay una waayay jawaab Indhaha lagu arki waayay maleeshiyaadka dadkeena ka soo barakiciyay ceerigaabo ee aad idinku isku arkaysaan!
Waxaan ku baaqayaa inaan mar dambe loo noqon nasiib darrada dhacday iyo is dooxashada bahal nimada ah ee laga fogeeyay ehel nimo iyo damqasho.
Nasiib darro xidhiidh iyo baaq mooyee hadda uma lehin fursad aan si fool ka fool ah ugu soo gaadho goobta maadaba Aan Dalka ka maq nahay Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku kalsoonahay inay halkaas ku sugan yihiin rag ku filan iyo ergo ehel ah oo hawshaas ka soo bixi kara Insha Allah.
Waan idinla socdaa, waana idiin ducaynayaa inuu Rabbi hawsha idiin fududeeyo.