JAMA. A. SAED

JAMA. A. SAED Help someone and you will get on spot

Cholera Outbreak!!Waa xanuun shuban biyood Halisa oo ay keento bacteria loo yaqaan V.cholera.Bacteriyadan waxay ka kooba...
24/03/2024

Cholera Outbreak!!

Waa xanuun shuban biyood Halisa oo ay keento bacteria loo yaqaan V.cholera.
Bacteriyadan waxay ka kooban tahay ilaa 200 oo nooc oo Isugu jira qaar xanuun keeni kara iyo qaar aan keenin karin.

Hadaba nooca keena shuban biyoodka waxa layidhaa Toxin producing strain of V. Cholera serogroups 01 and 0139.

Xanuunkan waxa lagu qiyaasaa dadka uu sanadkii soo rito in ka badan 3 million waxaan uu geeriyooda ku dhawaad 100,000 kun oo qof sanadkii.

HABABKA LAYSUGU GUDBIN KARO ??

1. F***l oral route: oo ah marka uu qofku gacmihiisa oo anu maydhin wax ku cuno ama weelkii ku taataabto .
2. Contaminated water and food: oo ah biyo Ama cunto aan nadiif ahayn

DADKA U NUGUL..
1. Dadka degen xaafadaha isku raranka ah
2. Dadka ka aan helin biyo nadiif ah
3. Dadka dhaqaale ahaan hooseeya
4. Dadka blood group O ah
5. Dadka leh qaliimada caloosha sida partial gastrectomy

CALAAMADAHA XANUUNKA..
Calaamaduhu waxa ay kusoo if bixi karaa maalin ilaa laba cisho.

1. Shuban biyo ah
2. Matag
3. Calool xanuun
4. Fuuq bax deg dega
5. Shock

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA..
1. In kor loo qaado nadaafada bulshada,
2. Hadii meel looga shakiyo waa in loo soo gudbiyaa bahda caafimadka ee ay khusayso si loo baadho
3. Dadka uu soo rito xanuunku waa in meel gaar ah loo sameeyaa oo lagu la tacaalo.

DAAWAYNTIISA..
Waa xanuun si fudud loo daawayn karo iyadoo si degega loo fuuq celinayo bukaanka.
ORS waa daawada ugu fiican ee lasiin karo bukaanka

DJama Abdi

SIDA LOOGA HORTAGO DHAGAXAANTA KALYAHA KU SAMAYSMA (KIDNEY STONES)1.Cab biyo badan 2-3 litir maalintii. Ku darso liinta ...
29/07/2022

SIDA LOOGA HORTAGO DHAGAXAANTA KALYAHA KU SAMAYSMA (KIDNEY STONES)

1.Cab biyo badan 2-3 litir maalintii. Ku darso liinta ama cab casiirka liimiga.

2. Kordhi qaadashada liin dhanaanta. Citrate wuxu xannibaa samaysanka dhagaxa. Citrate waxay taageertaa pH-ga kaadida ee caadiga ah waxayna yaraynaysaa saturation crystals. Citrate waxay ku dhegtaa kaalshiyamka kaadidaada oo ay ka soo saartaa jirkaaga.

3. Yaree cuntooyinka ay ku badan tahay oxalates. Calcium oxalate stones waa nooca ugu badan ee dhagxa kelyaha. Heerarka sare ee oxalate iyo kaadida oo hooseysa ama yar ayaa sababa in kiristaalo(crystals) ay ku sameysmaan kelyahaaga. Oxalates waxaa laga helaa meel kasta oo ka mid ah cuntooyinkayaga, taas oo ka dhigaysa mid aan macquul ahayn in laga fogaado! Waxay aad ugu badan yihiin khudaarta caleenta leh, lawska, shukulaatada, strawberries.

4. Qaado calcium kugu filan. waxay hoos u dhigtaa qadarka oxalate ee dhiigga gala kadibna kelyaha ka soo baxa.Taasi waxay keentaa inay yaraato khatarta dhagxanta kelyaha.

5. Qaado magnesium ku filan. Magnesium waa xannibaadayaasha dabiiciga ah ee dhagaxa Inkasta oo magnesium uu ku jiro cuntooyinka, badi cuntooyinkaas waxaa ku badan oxalates sidoo kale. Ku kabitaanka magnesium ee cuntadaada maalintii oo dhan waxay hubisaa in jidhkaagu helayo in ku filan si uu ula dagaallamo dhagxaanta.

6. Iska yaree milixda. Cunto-soodhiyamku ku badan tahay waxay kicin kartaa dhagxaanta kelyaha sababtoo ah waxay kordhisaa qadarka calcium ee kaadidaada. Markaa, cunto-sodium-yar ayaa lagula talinayaa dadka dhagxaanta u nugul.

7. iska yaree borotiinka(hilibka) xoolaha . Cuntooyinka ay ku badan yihiin borotiinka xooluhu waa acidic waxaana laga yaabaa inay kordhiyaan acid ka kaadida. Acid ka kaadida oo sareysa waxay keeni kartaa uric acid stone.

8.Vitamin B6. B6 waxay caawisaa la dagaalanka samaynta dhagxaanta kelyaha. Fiitamiinkani waxa uu u shaqeeyaa si uu u dhimo wax soo saarka oxalate,Waxay kaloo taageertaa shaqada maskaxda waxayna yaraynaysaa calaamadaha rheumatoid arthritis-ka

Jimicsigu waxa uu leeyahay faaidooyin badan oo aynaan halkan kusoo koobi karin. Qofku hadii uu maalintii jimicsi sameeyo...
04/09/2020

Jimicsigu waxa uu leeyahay faaidooyin badan oo aynaan halkan kusoo koobi karin. Qofku hadii uu maalintii jimicsi sameeyo 30 min oo kamida waxa uu ka helayaa faaidooyin caafimaad iyo kuwo jidh ahaaned ba, jimicsiguna kaliya maaha inaad Gym tagto ama inaad bir qaado balse waxa uu noqon karaa sida orodka ama guclaynta , dabaasha, iyo ciyaarista kubada nooc kasta oo ay tahay.
Hadaba Faaidooyinkisa waxa ka mida.

1- waxa uu kor uqaada heerka farxada waxaana uu yareeya walalka iyo iskubuuqa.
2-jimicsigu waxa uu adkeeya lafaha iyo murqaha jidhka.
3-waxa uu qofka ka dhigaa mid firfircoon
4-waxa uu yareeya khatarta xanuunada raaga (chronic disease)
5-waxa uu caawiyaa caafimadka maskaxda iyo xasuusta.
6- waxa laga helaa hurdo iyo nasasho fiican.
7- waxa uu hoos udhigaa miisaanka culus

share garee oo la wadaag asxaaptada

Kanserka mindhicirka (Colon cancer )Waa nooc kamida kansarka kaas oo ku dhaca mindhicirka wayn.Colon kanserku waxa uu ku...
29/08/2020

Kanserka mindhicirka (Colon cancer )

Waa nooc kamida kansarka kaas oo ku dhaca mindhicirka wayn.
Colon kanserku waxa uu ku badan yahay dadka waawayn laakin waxa uu ku dhici karaa da' kasta, kanserkani waxa uu ku bilaabmaa burooyin yaryar (polyps) oo ku samaysma gudaha hoose ee mindhicirka kuwaaso mudo kadib isu bedela cancer.

Cancer kani waxa uu maraa ilaa 4 heer(stage):

Stage 1 . Stagekani waa ka ugu horeeya waxaana la arkaa unugyo(cells) aan caadi ahayn oo ku yaala gudaha hoose ee mindhicirka.

Stage 2 . Waa kan labaad unugyadaa kansarka ahi waxay weeraran gidaarada mindhicirka oo loo yaqaan (mucosa , submucosa and muscularis layer ).

Sage 3 . Stage kan unugyada kansarku waxay ku fidaan xubnaha la jaarka ah mindhicirka sida lymp nodes.

Stage 4 . Waa kan ugu dambeeya uguna khatarsan unugyadu kansarku waxay ku fidaan jidhka sida beerka iyo sambabada, tasoo qofku u dhinto aakhika.

Calaamadaha xanuunkan :

■ dhiig soo raaca saxarada
■ miisanka oo luma
■ ciirasho farabadan
■ calool xanuun
■ calool istaag ama shuban
■ daal farabadan iyo diciifnimo
■ dhiig la'an

Dadka khatarta ugu jira

♢ Qof familyga kamida oo u dhintay
♢ Buurnida
♢ Dadka sigaarka caba
♢ Dadka macaanka leh (type2)
♢ Dadka khamrada caba
♢ Qofka isticmaala cuntooyinka la qasacadeeyo
♢ Cunida Hilib ka cas

Sidee looga hortagi karaa

¤ Cunista khudaarta iyo midhaha
¤ jooji sigaarka
¤ ka fogow khamrada
¤ cunista cuntooyinka galka leh
¤ Jimicsiga maalintii 30 min
¤ iska yaree cuntooyinka qasacadaysan


garew oo la wadaag asxaptaada

CIID WANAAGSAN
30/07/2020

CIID WANAAGSAN

Caado wareerka {irregular periods}Sida caadiga ah dumarku waxay dhiiga caadada helaan bishii hal mar, taaso ku beegan 28...
25/06/2020

Caado wareerka {irregular periods}

Sida caadiga ah dumarku waxay dhiiga caadada helaan bishii hal mar, taaso ku beegan 28 ilaa 30 ka marka laga soo tiriyo maalintii ay heshay dhiiiga.Dhiiga caadadu waxa uu socdaa mudo 4 ilaa 5 cisho .

Hadaba waa maxay caado wareerku ? waxaynu kusoo koobaynaa 4 tan qodob ee soo socda:

• Caadada oo kala fogaata sida laba bilood iyo wax ka
badan adoon uur lahayn
• Caadada oo kaa guurta adoo da, yar
• Dhiiga caadada oo iska socda mudo ilaa 10-15 cisho
• Caadada oo timaada bishii laba jeer

Maxaa keena caado wareerka ?

• Uurka ama naas nuujinta ilma
• Fiix kasoo baxda ugxan sidaha dumarka { polycytic o***y syndrome}
• Daawoyinka sida kuwa kala korinta loo isticmaalo
• Jimcisiga faraha badan
• Stresska
• Buurnida xooga ah ama miisaanka oo luma
• Thyroid hormone ka oo kacsan

soco qaybha dambe
and like plz

Cabida sigaarkaCabida sigaarku wuxu wax yeelaa xubin kasta oo jidhka bini aadamka kamida , waxaana uu ku keena xanuuno f...
19/06/2020

Cabida sigaarka

Cabida sigaarku wuxu wax yeelaa xubin kasta oo jidhka bini aadamka kamida , waxaana uu ku keena xanuuno farabadan,sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa caafimaadka dadka sigaaarka caba.
Sigaar cabidu waxay keentaa dhimasho ka badan intay keenan kuwan soo socdaa sanad walba;

1. HIV 
2. isticmaalka khamrada
3. dawooyinka aan sharciga ahayn
4. shillka gawaaadhida

Dhibaatoyinka sigaar cabida laga dhaxli karo waxa kamida :

1. Xanuunada ku dhaca hawo mareenka sida cancerka
2. Xanuunada wadaha
3. Dhalmo la’an
4. Illmaha oo kasoo dhaca dumarka uurka leh ee sigaarka caba.
5. Macaanka
6. Difaaca jidhka oo hoos udhaca
7. Araga oo daciifa qofka

lasoco qaybaha dambe
@ sii share garee oo la wadaag asxaabtada

Stroke (Faaliga) Faaligu waxa uu yimaadaa marka dhiigii tagayay qayb ka mida maskaxdu uu yaraado ama istaago, taasi oo k...
07/06/2020

Stroke (Faaliga)

Faaligu waxa uu yimaadaa marka dhiigii tagayay qayb ka mida maskaxdu uu yaraado ama istaago, taasi oo keenta in ay maskadu waydo oxygen tii iyo nafaqadii dhiigu siday intaa ka dibna waxa dhinta unugyadii maskaxda ee xididkaasi waraabin jira.

Faaligu waxa uu kalinta kowaad kaga jiraa xanuunada ugu caansan ee dadka ku keena dhimashada qarsoon (silent killer).

Labada nooc ee ugu caansa faaligu waa

1. Ischemic Stroke

Waa tan ugu caansan dhamaan, waana inuu xidhmo mid kamida xididada taga maskadu,
Kadib waxa yaraada ama istaaga dhiiga tagaya maskaxda.
Waxa keeni kara inuu xidhmo xididku waa inay xaydhi(baruuri) ku samaysanto gudaha hoose ee xididka ama ay xinjiri ku istaagto

2. Hemorrhagic Stroke

Noocan labaadi waa in uu xidid kamida xidada maskaxdu dilaaco ama liigo.
Waxyaabaha keeni karaa waa:
● dhiig kar aan la kontroolin
● inay khafiifan gidaarada xididadu (aneurysm)
● dhaawac ku dhaca madaxa sida shil gaadhi

Waxa jira nooc sadexaad oo loo yaqaan

3. Transient Ischemic Attack

Waa in mudo yar oo koban uu istaago dhiiga tagaya maskaxdu, balse noocan ma keeno dhibaato wayn sida kuwa aynu kor kusoo xusnay lkn waxa uu calaamad hor dhaca u noqon karaa faalig.

Maxaa qofka u horseedi kara faaliga ?

● buurnida saa'idka ah
● jimicsi la'an
● dhiig karka oon la kantroolin
● sigaar cabida
● subaga jidhka oo bata
● macaanka

Calaamadaha Faaliga

■ Dhibaato xaga hadalka ama fahmida ereyada
■ Wajiga , gacmaha, ama lugaha oo qofka kabuubyooda ama uu qaadi kari waayo
■ Araga oo daciifa
■ Madax xanuun
■ Socodka oo kugu adkaada
■ Qaybo kamida jidhka oo curyaama

RAMADAN KARIM ❤
23/04/2020

RAMADAN KARIM ❤

DHIBAATOYINKA LAGA DHAXLI KARO CORONA VIRUSKA.Corona virus kaliya kuma keenayo dhibaaato sambabada balse waxa la ogaaday...
18/04/2020

DHIBAATOYINKA LAGA DHAXLI KARO CORONA VIRUSKA.

Corona virus kaliya kuma keenayo dhibaaato sambabada balse waxa la ogaaday inuu dhibaato u gaysanayo wadnaha , kalyaha, iyo xubno kale oo jidhka kamida sida beerka.
Kala badh dadkii laga helay covid-19 waxa lagu arkay dhiig iyo proteins la socda kaadidoodi ,taasi oo muujinaysa inuu dhibaato gaadhsiiyay kalyaha.
Magaalad Wuhan 14% ilaa 30% dadka qaba Covid-19 waxa istaagay shaqadii kalyaha (kidney failure) waxayna u baahdeen inoo loo sifeeyo kalyaha (dialysis) ama kalyaha laga bedelo.

SARS-COV2 wuxu sidoo kale caabuq ku keena murqaha wadnaha , taasi oo dhibaato ku keeni karta shaqadii wadnaha ee inuu dhiiga gaadhsiiyo jidhka .
Waxa uu sidoo kale khalkhal galiyaa hab garaaca wadnaha ( cardiac rhythm) tasi oo k**a danbaysta keenta inuu wadnuhu istaago.
40% dadkii laga helay Covid-19 China waxa lagu arkay in hab garaaca wadnuhu is bed bedalaayo (irregular heart rythm), halka 20% kamida lagu arkay dhaawac soo gaadhay wadnaha (cardiac injury).

Novel corana marka uu soo galo jidhka bini adamka wuxu abaara ACE 2 receptors laga helo sambabada iyo habdhiska dheefshidka waana sababta dadka qaar loogu arko calaamada shubanka .

Cilmi baadhayaasha caafimadka ayaa aminsan inuu virusku isticmaalayo receptors kan si uu jidhka galo una gaadho xubnaha kale.
Corona waxa uu burburiyaa sambabada binu adamka isagoo isticmaalaya (cytokine storm)oo macnaheedu yahay inuu jidhku kusoo daayo unugyo(cells) difaac oo fara badan sambabada tasi oo ay keenayso cytokines faraha badan , tani waxay sambabada ka dhigtaa hyperinflammation kadib waxa uu difaaca jidhku burburinayaa xitaa unugyada caafimaadka qaba ee sambabada.

Tani waa sababta bukaanku ugu baahanayo ICU (Intensive Care Unit).
Inflammatory chemicals lasoo daynayo caabuqa corona virusku waxay beerka ku keenan inu soo saaro proteins muhiim u ah difaaca jidhka si uu ula dagaalamo xanuunka . hadaba proteins kani waxay keeni karaan inuu dhiigu xinjiroobo halka beerkuna yareeyo proteins dabiiciga ahaa ee baabinayay xinjirowga dhiiga .

Xinjirtani waxay xidhi kartaa xididada yar yar ee wadnaha ama xubnaha kale taasi oo keeni karta in oxygenta iyo nafaqada dhiigu siday ka yaraato xubnahaasi , k**a dambaystana waxay keeni kartaa waxa loo yaqaano in xubno badan istaagan(Multi Organ Failure).

# Hadaba Akhristoow ha dhayalsan xanuunkan , kaliya maaha hargab balse waa dilaa hadii uu kaa baxana kugu reebi kara samayn xun.

LA WADAAG ASXAAPTADA

Wqr.Jama Abdi

Waa maxay Coronary Artery Disease(CAD)?CAD waxa weeye inuu xidhmo ama uu yaraado daloolka xididka Coronary Artery ga, ba...
15/04/2020

Waa maxay Coronary Artery Disease(CAD)?

CAD waxa weeye inuu xidhmo ama uu yaraado daloolka xididka Coronary Artery ga, badanaana waxa keena waxa loo yaqaano atherosclerosis.
Atherosclerosis waa inuu xaydh(cholesterol) ama fat ku samaysanto xidida dhiiga qaada gudahooda sida kuwa wadanaha. Taasi waxay keentaa inuu xididku xidhmo ama yaraado daloolka xididku,

Xaaladani waxay keenaysaa inuu yaraado dhiiga tagaya muruqyada wadnaha.
Wadnuhu waa muruq xoogan kaaso ka masuula inuu jidhka oo dhan gaadhsiiyo dhiiga oxygen ta leh , hadaba sida muruqyada kale ee jidhka wadnuhu wuxu u baahan yahay laftigiisu dhiig oxygen leh si uu shaqadiisa u qabsado . wadnaha waxaa dhiiga siiya xididka loo yaqaano coronary arteryga.

Hadaba hadii uu yaraado amaba istaago dhiigii tagayay wadnaha qayba ka midi , waxa la waayayaa oxygen tii iyo nafaqooyinkii dhiiigu siday kadib waxay keenaysaa in laabtu xanuunto qofka taasi oo loo yaqaano angina. Hadii aan xaaladan wax laga qaban waxay keeni kartaa in qaybo kamida wadnuhu dhinto , taasi oo ah xaalad khatara hadhowna ku dambayn karta inuu wadnuhu is taago

Dadka khatarta ugu jira:
● Raga badanaa
● Da’da qofka oo wayn
● Hadii walidkaa lahaa wadno xanuun
● Qoomiyadaha qaar sida, African Americans, American Indians.

Xaaladaha keeni kara lkn wax laga bedeli karo :
□ Cabida sigaarka
□ Subaga jidhka oo sareeya
□ Dhiig karka
□ Jimicsi la’aanta
□ Buurnida
□ Stresska
□ Cunto aan dheeli tirnayn

Calaamdaha xanuunka :
♢Laab xanuun
♢Naqaska oo ku qabta
♢Daal iyo diciifnimo
♢Dhidid
♢Wadanaha oo xoog u garaaca
♢Garaaca wadanaha ood dareento
♢Dawakhaad

Daawaynta xanuunka:
Wax ka bedel hab nololeed kaaga sida inaad ,
>Joojiso sigaarka
>Cun cunto fiican
>Jimicso si joogto ah
>Miisanka iska rid hadaad buuran tay
>Iska yaree stress ka faraha badan

Drugs :
♤Aspirin
♤Beta blockers
♤Ranolazine
♤Nitroglycerin

mahadsanid

Compiled by. Jama abdi

☆share garee oo la wadaag bulshada fadlan

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252634232631

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when JAMA. A. SAED posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to JAMA. A. SAED:

Share

Category