14/05/2026
Inta ay socdeen hadallada ay is dhaafsadeen madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo wadahadalladii u horreeyay tan iyo markii uu Aqalka Cad ku soo laabtay maanta ku qaadanaya caasimadda Shiinaha ee Beijing, halkaa oo Trump uu xalay gaaray , waxaa dhab ahaantii diyaar garow badan uu ka muuqday madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo jeediyay khudbad si xikmad badan loo diyaariyay , isagoo u muuqday kulankan inuu uga faa’iideystay dunidda inuu ku qasbo xiiso gaar ah inay u qaadaan hadalladiisa.
Mid ka mid ah hadallada xambaarsanaa farriimo siyaasadeed oo madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping uu u sheegay Trump, wuxuu ka digay khatarta ka dhalan karta tartanka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.
Xi Jinping wuxuu yiri:
“Waxaan maanta joognaa waqti duniddu si weyn isu beddeleyso, isbeddel noocan ahna lama arag ku dhowaad boqol sano. Xaaladda caalamka waxay noqotay mid aan degganeyn oo mar kasta is beddeleysa.
Duniddu maanta waxay taagan tahay meel muhiim ah oo kala guur ah.
Shiinaha iyo Mareykanku ma awoodaan inay ka gudbaan waxa loo yaqaan Dabinka Thucydides oo ay abuuraan qaab cusub oo xiriir ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn?
Ma awoodnaa inaan si wadajir ah uga gudubno dhibaatooyinka dunidda ka jira oo aan xasillooni badan u keeno caalamka?
Annagoo ka fikirayna wanaaga labada shacab iyo mustaqbalka bani’aadamka, ma wada dhisi karnaa mustaqbal wanaagsan oo ku saabsan xiriirka labada dal?
Xi wuxuu sheegay in su’aalahan ay yihiin kuwa go’aamin kara mustaqbalka dunidda, isla markaana ay waajib ku tahay isaga iyo Trump inay jawaab u helaan maadaama ay hoggaaminayaan labada quwadood ee ugu waaweyn dunida.
Waa maxay dabinka Thucydides ee Xi Jinping uu soo xigtay?
Madaxweynaha Shiinaha wuxuu xusay arrin taariikhi ah oo loo yaqaan dabinka Thucydides.
Waa fikrad siyaasadeed oo sheegaysa in marka quwad cusub oo soo kacaysa ay bilowdo inay ka xoog badato ama hanjabto quwaddii dunidda ugu awoodda badneyd, ay badanaa dhalato cabsi, xiisad iyo mararka qaar dagaal.
Magacan wuxuu kasoo jeedaa taariikhyahankii h**e ee Giriigga ahaa Thucydides, kaas oo sharxay sababtii keentay dagaalkii weynaa ee dhex maray Athens oo hadda ah caasimadda Giriigga iyo Sparta oo hadda ah magaalo ku taal koonfurta Giriigga , in ka badan 2,000 sano kahor.
Xilligaas Athens waxay noqotay quwad si degdeg ah u xoogeysaneysa, gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo ciidamada badda. Arrintaas waxay cabsi gelisay Sparta oo markaas ahayd quwaddii ugu weynayd gobolka.
Sparta waxay ka baqday in Athens ay kala wareegto awoodda iyo saameynta, cabsi iyo tartankaasna ugu dambeyn wuxuu sababay dagaal socday 27 sano oo burbur weyn reebay.
Marka Xi Jinping uu maanta ka hadlayo Dabinka Thucydides, waxaa loo qaadan karaa inuu si dadban u sheegayo khatarta ah in tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka uu isu beddeli karo colaad weyn haddii labada dal aysan si taxaddar leh u maareyn xiriirkooda.