Manhal Speciality Hospital

Call Directions Contact the practice

Manhal Speciality Hospital Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

Manhal Speciality Hospital Hargeisa is a medical facility that provides healthcare services and treatment to patients with a variety of medical conditions. Hospitals are staffed by medical professionals, including doctors, nurses, and surgeons, and often have advanced medical equipment and technology to provide comprehensive care.

15/11/2026

WAXYEELADA CAAFIMAAD EE UU LEEYAHAY KABNIIN DHAQAMEEDKU

Guleed oo 8 jir ah ayaa gacanta bidix ka jabay 18 bilood ka hor. Kabniin dhaqameed lagu sameeyey ayaa sababay in laftiisu si qalloocan u kabanto, taas oo keentay qallooc, maroor iyo kala gaabni.

22-kii Oktoobar 2026, waxaa lagu sameeyey qalliin lagu saxay dhaawacaas, Ilaahay fadligii waa lagu guulaystay.

Waalidiinta waxaan leenahay, jab kasta oo carruurta soo gaadha iskama kabmo! Kabniin aan habboonayn wuxuu sababi karaa qallooc joogto ah, naafo iyo mararka qaarkood in xubinta la waayo.

Ilmahaaga marka uu jab ku dhaco, la xidhiidh dhakhtar ku takhasusay lafaha iyo dhaawacyada.

Dr. Ahmed Saed Daad
Manhal Speciality Hospital Hargeisa
Orthopedic & Trauma Specialist

Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

01/11/2026

🏥 𝗠𝗔𝗡𝗛𝗔𝗟 𝗦𝗣𝗘𝗖𝗜𝗔𝗟𝗜𝗧𝗬 𝗛𝗢𝗦𝗣𝗜𝗧𝗔𝗟 – 𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗜𝗦𝗔

📢 𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛 – 𝗦𝗢𝗢 𝗟𝗔𝗔𝗕𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗗𝗥. 𝗦𝗛𝗜𝗜𝗡𝗘

Cusbitaalka Manhal ee Hargeysa wuxuu dadweynaha ku wargelinayaa in 𝗗𝗿. 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗼𝘂𝗱 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗲 uu berri oo Isniin ah, 2-da November 2026, soo gaadhi doono magaalada Hargeysa, isla markaana uu shaqada Cusbitaalka Manhal si rasmi ah uga bilaabi doono Arbacada, 4-ta November 2026.

Inta uu dhakhtarku joogo magaalada Hargeysa, wuxuu cusbitaalka ka hawlgeli doonaa maalmaha 𝗦𝗮𝗯𝘁𝗶𝗱𝗮, 𝗜𝘀𝗻𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗿𝗯𝗮𝗰𝗮𝗱𝗮.

📞 𝗪𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗳𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗮𝗵 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵:

☎️ 𝟬𝟲𝟯𝟯𝟯𝟯𝟳𝟳𝟳𝟰

Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

01/11/2026

🏥 𝗠𝗔𝗡𝗛𝗔𝗟 𝗦𝗣𝗘𝗖𝗜𝗔𝗟𝗜𝗧𝗬 𝗛𝗢𝗦𝗣𝗜𝗧𝗔𝗟 – 𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗜𝗦𝗔

𝗤𝗔𝗟𝗟𝗜𝗜𝗡 𝗜𝗡𝗗𝗛𝗔𝗛𝗔 𝗔𝗛 𝗢𝗢 𝗕𝗜𝗟𝗔𝗔𝗦𝗛 𝗔𝗛

Cusbitaalka Manhal ee Hargeysa wuxuu ugu bishaaraynayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda in cusbitaalku fulin doono 𝗾𝗮𝗹𝗹𝗶𝗶𝗺𝗼 𝗶𝗻𝗱𝗵𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗮𝘀𝗵 𝗮𝗵.

Barnaamijkan qalliinnada bilaashka ah ayaa bilaabmaya 𝟮-𝗱𝗮 𝗡𝗼𝘃𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟲, wuxuuna socon doonaa ilaa 𝟭𝟬-𝗸𝗮 𝗡𝗼𝘃𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟲.

Haddaba, waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha doonaya inay ka faa’iidaystaan fursaddan in isdiiwaangelintu ka socoto 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗖𝘂𝘀𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗻𝗵𝗮𝗹 oo ku taalla 𝗫𝗮𝗮𝗳𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 iyo 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮 𝗟𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱 ee uu cusbitaalku ku leeyahay suuqa, gaar ahaan ka soo horjeedka 𝗦𝗮𝗹𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗲𝘅𝗲 ee magaalada Hargeysa.

📞 𝗪𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗳𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗵 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵:

☎️ 𝟬𝟲𝟯𝟯𝟯𝟯𝟳𝟳𝟳𝟰

Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

01/11/2026

𝐂𝐔𝐒𝐁𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐍𝐇𝐀𝐋 – 𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 𝐎𝐎 𝐒𝐈 𝐆𝐔𝐔𝐋 𝐋𝐄𝐇 𝐔 𝐅𝐔𝐋𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐐𝐀𝐋𝐋𝐈𝐈𝐍 𝐂𝐔𝐋𝐔𝐒 𝐎𝐎 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐁𝐀𝐃𝐁𝐀𝐀𝐃𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐁𝐔𝐊𝐀𝐀𝐍 𝐀𝐘 𝐗𝐈𝐍𝐉𝐈𝐑𝐈 𝐗𝐀𝐍𝐍𝐈𝐁𝐓𝐀𝐘 𝐇𝐀𝐋𝐁𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐄𝐘𝐍 𝐄𝐄 𝐃𝐇𝐈𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐀𝐃𝐇𝐒𝐈𝐈𝐘𝐀 𝐋𝐔𝐆𝐓𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐈𝐆.

Xinjirta dhiiggu waxay xannibi kartaa xididdada dhiigga ee xubnaha muhiimka ah sida maskaxda, wadnaha, sambabada, kelyaha, mindhicirrada, gacmaha iyo lugaha, taas oo keeni karta dhaawac halis ah ama dhimasho haddii aan degdeg loo daawayn.

🚨 Xinjirta dhiigga ee xannibta xididdada muhiimka ahi waa xaalad caafimaad oo degdeg ah. Ogaanshaha iyo daawaynta waqtigeeda la helaa waxay badbaadin karaan xubnaha jidhka iyo nolosha bukaanka.

Cusbitaalka Manhal Speciality Hospital Hargeisa waxaad ka helaysaa adeegyada baadhista, daawaynta iyo qalliinnada xididdada dhiigga (Vascular Surgery), oo ay ku jiraan qalliinnada lagaga saarayo xinjiraha xanniba halbowlayaasha dhiigga.

📞 +252 63 3337774

𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗦𝗨𝗨𝗫𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗔𝗗𝗗𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔📅 𝟭𝟲 𝗢𝗖𝗧𝗢𝗕𝗘𝗥 𝟮𝟬𝟮𝟲Maamulka iyo Dhakhaatiirta Manhal Speciality Hospital – Hargeisa wax...
17/10/2026

𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗦𝗨𝗨𝗫𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗔𝗗𝗗𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔

📅 𝟭𝟲 𝗢𝗖𝗧𝗢𝗕𝗘𝗥 𝟮𝟬𝟮𝟲

Maamulka iyo Dhakhaatiirta Manhal Speciality Hospital – Hargeisa waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq ballaadhan u dirayaan bahda Suuxinta iyo Daryeelka Xaaladaha Culus.

Waxaan si gaar ah u maamuusaynaa dedaalkooda, xirfaddooda iyo masuuliyadda weyn ee ay ka qaataan badbaadinta nolosha bukaannada, sugidda badqabka qalliinnada iyo daryeelka xaaladaha caafimaad ee khatarta ah.

𝗦𝗜𝗟𝗘𝗡𝗧 𝗛𝗘𝗥𝗢𝗘𝗦, 𝗟𝗜𝗙𝗘𝗦𝗔𝗩𝗜𝗡𝗚 𝗛𝗔𝗡𝗗𝗦.

17/10/2026

𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗜𝗬𝗢 𝗕𝗢𝗚𝗔𝗔𝗗𝗜𝗡 | 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗦𝗨𝗨𝗫𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗔𝗗𝗗𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔🌍

𝗢𝗖𝗧𝗢𝗕𝗘𝗥 𝟭𝟲, 𝟮𝟬𝟮𝟲

Munaasibadda xuska 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗦𝗨𝗨𝗫𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗔𝗗𝗗𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 awgeed, Maamulka iyo Dhakhaatiirta 𝗠𝗮𝗻𝗵𝗮𝗹 𝗦𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮𝗹𝗶𝘁𝘆 𝗛𝗼𝘀𝗽𝗶𝘁𝗮𝗹 – 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝗶𝘀𝗮 waxay hambalyo, bogaadin iyo mahadnaq u dirayaan dhammaan bahda 𝗤𝗮𝘆𝗯𝘁𝗮 𝗦𝘂𝘂𝘅𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝗮𝗿𝘆𝗲𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗖𝘂𝗹𝘂𝘀 (Anesthesia & Critical Care Department).

Waxaan si gaar ah u bogaadinaynaa 𝗱𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮, 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱𝗮, 𝗵𝗲𝗲𝗹𝗹𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻𝘁𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗻𝗮𝗳-𝗵𝘂𝗿𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮, iyagoo door weyn ka qaata badbaadada bukaannada, suuxdinta qalliinnada iyo daryeelka bukaannada xaaladahoodu culus yihiin.

Bahda suuxdintu waa 𝗵𝗮𝗹𝘆𝗲𝗲𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱 oo shaqadooda qiimaha badan ay udub-dhexaad u tahay badbaadinta nolosha iyo xaqiijinta daryeel caafimaad oo ammaan ah.

𝗘𝘃𝗲𝗿𝘆 𝗕𝗿𝗲𝗮𝘁𝗵 𝗠𝗮𝘁𝘁𝗲𝗿𝘀, 𝗘𝘃𝗲𝗿𝘆 𝗟𝗶𝗳𝗲 𝗖𝗼𝘂𝗻𝘁𝘀.

15/10/2026

𝗤𝗔𝗟𝗟𝗜𝗜𝗡 𝗖𝗔𝗦𝗥𝗜 𝗔𝗛, 𝗦𝗢𝗢 𝗞𝗔𝗕𝗔𝗦𝗛𝗢 𝗗𝗘𝗚𝗗𝗘𝗚 𝗔𝗛!

Bukaankan ayaa Cusbitaalka Manhal loogu sameeyey qalliin casri ah oo xameytida ah iyadoo la adeegsanayo Laparoscopic Surgery, kaasoo aan u baahnayn jeexitaan weyn.

Faa’iidooyinka Qalliinkan casriga ah ayaa lagu yaqaannaa xanuun yar, nabaro yaryar, soo kabasho degdeg ah iyo in bukaanku muddo kooban ku qaato cusbitaalka marka loo eego qalliinka furan.

13/10/2026

🏥 𝗞𝗛𝗔𝗠𝗜𝗜𝗦 𝗞𝗔𝗦𝗧𝗔, 𝗞𝗔𝗔𝗗𝗛𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗟𝗜𝗧𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗟𝗔𝗕𝗔𝗗𝗔𝗡 𝗗𝗛𝗔𝗞𝗛𝗧𝗔𝗥 𝗪𝗔𝗔 𝗕𝗜𝗟𝗔𝗔𝗦𝗛!

Cusbitaalka Manhal Speciality Hospital wuxuu bulshada ogeysiinayaa in Khamiis kasta kaadhka galitaanka labadan dhakhtar ee takhasuska ahi uu BILAASH yahay.

👨‍⚕️ 𝗗𝗿. 𝗠𝘂𝘀𝗲 𝗛𝗮𝘀𝘀𝗮𝗻 𝗙𝗮𝗿𝗮𝗵
𝗚𝗮𝘀𝘁𝗿𝗼𝗲𝗻𝘁𝗲𝗿𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆 𝗦𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮𝗹𝗶𝘀𝘁

🔹 Baadhitaanka iyo daawaynta Gaastariga iyo cudurrada caloosha.
🔹 Endoscopy – Kamarada lagu baadho hunguriga, caloosha iyo mindhicirrada.
🔹 Daawaynta iyo la socodka cudurrada caloosha iyo mindhicirrada.

👨‍⚕️ 𝗗𝗿. 𝗚𝗵𝗮𝘁𝗵 𝗝𝗮𝗺𝗮𝗹
𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝗹 𝗠𝗲𝗱𝗶𝗰𝗶𝗻𝗲 & 𝗖𝗮𝗿𝗱𝗶𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆 𝗦𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮𝗹𝗶𝘀𝘁

🔹 Baadhitaanka wadnaha – ECG & Echocardiography.
🔹 Daawaynta cudurrada wadnaha iyo dhiig-karka.
🔹 Daawaynta macaanka iyo kolestaroolka.
🔹 Daawaynta cudurrada qanjidhka Thyroid-ka.
🔹 Baadhitaanka iyo daawaynta cudurrada guud ee gudaha.

🗓️ 𝗞𝗛𝗔𝗠𝗜𝗜𝗦 𝗞𝗔𝗦𝗧𝗔 – 𝗟𝗔𝗕𝗔𝗗𝗔 𝗚𝗔𝗟𝗜𝗡𝗕𝗔
🕒 7:30 AM – 12:30 PM | 4:00 PM – 8:00 PM

📍 𝗠𝗔𝗡𝗛𝗔𝗟 𝗦𝗣𝗘𝗖𝗜𝗔𝗟𝗜𝗧𝗬 𝗛𝗢𝗦𝗣𝗜𝗧𝗔𝗟 – 𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔
📞 633337774 / 653337774

Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

𝗪𝗔𝗥𝗚𝗘𝗟𝗜𝗡 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛Waxa la ogeysiinayaa bukaanadii sugayey 𝗗𝗿. 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗲 in dhakhtarku yimid, isla markaana uu shaqada ka bi...
10/10/2026

𝗪𝗔𝗥𝗚𝗘𝗟𝗜𝗡 𝗠𝗨𝗛𝗜𝗜𝗠 𝗔𝗛

Waxa la ogeysiinayaa bukaanadii sugayey 𝗗𝗿. 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗲 in dhakhtarku yimid, isla markaana uu shaqada ka bilaabi doono Cusbitaalka Manhal maalinta 𝗜𝘀𝗻𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮, 𝟲:𝟯𝟬𝗔𝗠 𝗦𝘂𝗯𝗮𝘅𝗻𝗶𝗺𝗼.

𝗗𝗿. 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗻𝗲 waxa la heli doonaa maalmaha 𝗦𝗮𝗯𝘁𝗶𝗱𝗮, 𝗜𝘀𝗻𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗿𝗯𝗮𝗰𝗮𝗱𝗮, inta uu joogo.

𝗞𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗻𝗵𝗮𝗹 𝗦𝗽𝗲𝗰𝗶𝗮𝗹𝘁𝘆 𝗛𝗼𝘀𝗽𝗶𝘁𝗮𝗹

08/10/2026

𝗚𝗨𝗨𝗟 𝗧𝗔𝗔𝗥𝗜𝗜𝗞𝗛𝗜 𝗔𝗛: 𝗤𝗔𝗟𝗟𝗜𝗜𝗡𝗞𝗜𝗜 𝗨𝗚𝗨 𝗛𝗢𝗥𝗥𝗘𝗘𝗬𝗘𝗬 𝗘𝗘 𝗦𝗛𝗔𝗕𝗔𝗞𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗔𝗥𝗔𝗚𝗚𝗔 𝗢𝗢 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗚𝗨𝗨𝗟𝗔𝗬𝗦𝗧𝗔𝗬 𝗖𝗨𝗦𝗕𝗜𝗧𝗔𝗔𝗟𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗡𝗛𝗔𝗟!

Munaasibadda Maalinta Aragga Adduunka (World Sight Day), Cusbitaalka Manhal Speciality Hospital – Hargeisa waxa uu si rasmi ah u daahfuray adeegga casriga ah ee Vitreoretinal Surgery, iyadoo maanta si guul leh qalliinka shabakadda dambe ee aragga (Retina) loogu sameeyey bukaankii ugu horreeyey. Adeeggan oo bukaanno badani ay h**e dalka dibaddiisa ugu doonan jireen ayaa hadda laga heli karaa Cusbitaalka Manhal.

Qalliinkan casriga ah ee Vitreoretinal Surgery waa qalliin takhasus sare ah oo lagu daweeyo cudurrada iyo dhaawacyada saameeya shabakadda dambe ee aragga (Retina), sida go’itaanka shabakadda aragga (Retinal Detachment), dhiig-baxa gudaha isha (Vitreous Hemorrhage), dhaawacyada Retina-da iyo dhibaatooyinka shabakadda aragga ee ka dhasha cudurrada macaanka iyo dhiig-karka, iyadoo ujeeddadu tahay in la ilaaliyo aragga, laga hortago lumistiisa, lana soo celiyo aragga marka ay suurtagal tahay.

Adeeggan casriga ah waxa hadda wixii ka dambeeya si JOOGTO AH looga heli doonaa Cusbitaalka Manhal labada galinba, waxaana fulinaya dhakhaatiir ku takhasusay cudurrada iyo qalliinnada shabakadda aragga.

Manhal Speciality Hospital – Hormuudka Horumarka Caafimaadka.

Manhal Specialty Hospital is a modern & high-tech medical facility providing exceptional patient care

Address

Manhal Speciality Hospital
Hargeisa

Telephone

+252633337774

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Manhal Speciality Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Manhal Speciality Hospital:

Shortcuts

Share

Nearby clinics