01/08/2026
Qaniinyada walxaha aadka u adag, sida lowska Betel-ka, barafka, ama firida saloolka aan qarxin, waxay abuuri karaan dildilaacyo yar-yar oo enamelka (lakabka ugu sareeya ilkaha) ah.
dildilaacyadaasi oo ayna suurtagal ahayn in lagu arko isha, waxa kaliya lagu arki karaa microscope.
Waqti ka dib, dildilaacyadaas yaryar ayaa u oggolaan kara bakteeriyada afka ku jirtaa inay si qoto dheer u dhex gasho iliga.
Calaliska caadiga ah ayaa dildilaaca ka dhigi kara mid sii bata ama sii waynaada, taas oo sahlaysa in bakteeriyadu ay gudaha ku ururto ama kusii badato.
Haddii aan la daweyn, waxyeelladan qarsooni waxay keeni kartaa saliilyo, suus, iyo in iligu dhuuxa ka bukoodo, iligaas marka dambe wuxu u baahan doonaa daawaynta xididka.
F.G. Fadlan ka taxadar inaad ilkaha ku qaniinto waxyaalaha aadka u adag.