08/06/2026
Maxaa keena caabuqa beerka A(Hepatitis A) ?
Waxa keena fayraska la yidhaahdo fayraska caabuqa ku keena beerka ee A (hepatitis A virus=HAV) ,waana mid burburin ku keena unugyada beerku ka samaysan yahay.
Fayraskan waxa hoygiisu yahay kaliya bili'aadamka,wakhtiga uu jidhka soo galo ilaa inta calaamadaha uu muujinayaa waa 15-50 cisho inta u dhaxaysa. Sida lagu kala qaadi karo ama lagu gudbiyaa waa af iyo dabo oo ka dhigan saxarada bukaanka oo afka u gasha qof kale siday ugu galaysaana waa biyo aan nadiif ahayn oo uu cabo ama qofka qaba oo isagoon faro dhaqan qofka kale cuno uu soo taatabtay siiya. Qofka qabana waa sababtay u tahay inaanu wax u karinin cid aan qabin gaar ahaan cunada aan dab la soo galin.
Calaamaddaha
Calaamaddaha waxa ka mid ah daal badan,yalaalugo,hungaaco,oboc xanuun ama halka beerka ku beegan oo qofka xanuunta,iyo laabatooyinka oo qofka xanuuna,sidoo kale maadaama beerku aanu si sax ah shaqadiisa u gudanayn waxa jidhka ku badanaya bilirubinta taas oo ah waxa midabka u heela kaadida iyo saxarada waxaana imanaysa in indhaha iyo jidhku yeeshaan midab hurdi ah ama cagaar khafiifa waana calaamadaha Soomaalidu kala yaqanaan Joonis (jaundice) ama Cagaarshaw(jaundice),walaw xanuunada beerka ku dhaca ee talaxgabka ku rida ay iyaba keeni karaan markaa cagaarshaw ama joonisku waxaynu odhan karnaa maaha xanuun ee waa calaamad cilad beerreed tilmaamaysa walaw bahda caafimaadka gaar Hepatitis ku sheegaan Joonis ama Cagaarshaw waana qalad dhanka eray bixinta ah !
Si gaar ah waxaynu mar u qaadaa dhigi doonaa xanuunada leh calaamada Jooniska markaynu noocyada caabuqa beerka ee fayrasyadu keenaan soo dhamayno (hepatitis A,B,C,D,E) in shaa Allaah 💯.
Calaamaddaha kale waxa ka mid ah cuncun,beerka oo bararra, haddii qofku marka h**e uu qabo xanuunnada beerkana wuxuu ku keeni karaa talaxgab degdeg ah ama qofka ku kadiya (acute liver failure).
Hepatitis A gu ma noqdo mid jiitama oo qofka haya mudo dheer (chronic pancreatitis) sida noocyada ka midka ee aynu soo qaadan doonaa ay noqdaan.
Baadhitaanka,sida loola tacaalo iyo sharaxaad dheeraad ah ka daawo halkan
https://youtu.be/NiFte0vAF3g?is=HU04oYDcTcN0ou3G