Ayuub Fakat

Ayuub Fakat Abwaan,Qoraa iyo la taliye ka faalooda Arimaha Xiriirka jaceylka iyo qoyska. Ha waaro jaceylka.

Life coach,Personal trainer and self developer who has nearest 10 years of professional personal trainer & life coaching.

๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—ž๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” ๐—ค๐—ข๐—™๐—ž๐—” ๐—”๐—”๐—— ๐—๐—˜๐—–๐—Ÿ๐—”๐—”๐—ง๐—œ๐——! "Bal aan kaa qanciyo, guur marbuu qiimo leeyahaye" ๐€๐›๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐๐š๐œ๐š๐๐ฅ๐ž .Subax subxaha ...
17/05/2026

๐—›๐—” ๐—š๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—ž๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” ๐—ค๐—ข๐—™๐—ž๐—” ๐—”๐—”๐—— ๐—๐—˜๐—–๐—Ÿ๐—”๐—”๐—ง๐—œ๐——!

"Bal aan kaa qanciyo, guur marbuu qiimo leeyahaye"
๐€๐›๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐๐š๐œ๐š๐๐ฅ๐ž .

Subax subxaha ka mid ah ayaad soo kici doontaa adiga oo nafsad ahaan u daallan, xaaladdu kugu culus tahay, xanuun badanna dareemaayo; meel lagaa daarayna aan aqoon, balse jawiga uu kaa qaldan yahay, maalinku wuxuu kuu bilaabmi doonaa, quraacdii oo aanan kuu dhadhameyn. Waxaadna ku war heli doontaa adiga oo nolol isku dhex daadsan badhtankeeda taagan; diiqad ayaa ku qaban doonta, kolkaas ayaad hiifi doontaa jiraalka, nolosha iyo dhammaan wax kasta oo dhex ahaaday. Haa, way dhacdaa!

Subxahaas aad culayska nafsiga ah dareemayso, waxaad u baahnaan doontaa in aamusnaanta laguugu deddaalo oo aan lagu qallindaarin; waxaad u baahnaan doontaa in adiga iyo naftaada la isu kiin daayo oo aan lagaa akhrisan danayn laโ€™aan ama dagaal jaalkaaga ku jeeda.

Waxaad u baahan doontaa qof garanaya in aanay qasab ahayn in mar walba kalgacalka kor loo qaado oo lagu muujiyo ficil iyo qawl, balse ay tahay in mararka qaar qof walba tiisa lagu ixtiraamo, oo aan qallubka qaylo loogu darin.

Subaxaas oo kale waxaa kuu nasiiba qofka isaga oo aan hadal iyo sabab midna kaa raadin garabkaaga soo istaagga niyadda kuu qaboojiya ama ugu yaraan aan culeyskaaga mid kale kuugu darin.

Ogoow, ugu dambayn noloshiinnu waxay isu beddeli doontaa qulqulka maalmo, saacado iyo daqiiqado iska caadi ah, oo aanay wax weyni dhacayn . Qulqulkaas nolosha inaad nabad iyo degganaan ku hesho, ama aad culays iyo ciriiri ku dareento, waxaa goโ€™aamin doona cidda aad calmato. Xalladda iyo xiisaha safarkaaguna waxa uu ku xidhan doonaa rafiiqaaga iyo jaalka nololeed ee aad jidkaas wada mari doontaan.
Noloshuna jaceyl oo keliya uma baahno ee waxey u baahan tahay is fahan, is garab istaag, is caawin, isku samir iyo isku kalsoonaan.

Ka feker sida ruuxani u maarrayn karo niyad-jabka; intee in leโ€™eg ayay cadhadiisa kantarooli karaan? Hantida iyo maalka adduun --wax hel iyo wax waa-- sidee bay uga fikiraan? Dadka kale saameyn intee la eg ayay ku yeelan karaan?

Ogoow, Kalgacalku ma aha oo keliya sida uu ruuxu gacanta kuu qabsado kolka aad badhaadhaha ku jirtaan; ee waa isha gacaltooyo ee ay kugu dhugtaan marka aanu jewigu kuu saxnayn ee ay kaa jajaban tahay.

Waxaan moodi jiray in isku habboonaanta laga ogaan karo haddba sida hiwaayadka nololeed ee dadku isu waafaqaan; Laakiin, noloshu waxay i bartay in arrintu intaas ka salbadhaantahay. Waxaan bartay in isku habboonaantu tahay sida aad u maaraysaan cadhadiinna; intee in leโ€™eg ayuu midkiinba yahay ruux dareen ahaan u xasilloon. Sida aan ogaaday isku habboonaantu ma aha inaad isku qaylisaan ama kala aamustaan kolka uu is-maandhaaf idin dhex maro, balse waa sida aad uga soo noqotaan cadhada, sida aanu midkiina midka kale ugu hallayn ee aad ugu kala hormartaan is-raalligelinta. Isku habboonaantu waa dunta idin midaysa ee aad labadiinuba gun u ogtihiin in aan waayuhu abid goyn doonin.

Jacaylka dhabta ah; midka sii jira muddada dheer, midka waara ee sheekooyinka lagu weriyaa, ma aha midka aynnu filimada ka daawanno. Jacaylka dhabta ahi wuxuu ku dhex nool yahay joogtaynta; wuxuu ku jiraa isa-sugitaanka aan la is dhibsanayn, wuxuu ku jiraa inaad sugto inta uu qofku degayo ka hor intaadan markaaga hadlin.

Jacaylku, marka uu dhab yahay, dabcigiisu waa sugaalโ€”sababtu ma aha inaad dabeecad ahaan samirka u dhalateen, ee waa in xidhiidhkiinnu ka weyn yahay waxaad aad isku heysaan.

Ugu dambayn, jacaylku iin laโ€™aan iyo ceeb ka saliim ma uu aha. Lammaanahaagu wuu khaldami doonaa; marar badan buuna ku qalbi jebin doonaa, waayo waa BASHAR. Adiguna sidaas oo kale ayaad samayn doontaa.

Sidaas weeye gacaltooyada dhabta ahi. Quruxda jacaylkuna waa in la daalacdo dhantaalnaanteenna, haddana la inoo arko inaan weli nahay ruux mudan in la sii jeclaado.

Markaad hesho qof sidaan ah, ha u qaadan wax iska caadi ah. Ha u malayn deggenaanta wax lagu caajisayo. Ha sii raadin jahawareer adiga oo habeeno badan ku duceysan jiray deggenaansho. Xasuusnoow, caashaqa oo keli ahi kuma filna ilaalinta guurka iyo dhisnaanshaha gurigiina, waxaad u baahan tahay qof aad la noolaan karto, qof aad xamili karto, qof is garawsan oo garanya waxa kaa geya.

Ogsoonow, jacaylka waara ee jiraalkiisu dheeraadaa dibadda wuxuu uga ekaan doonaa wax iska caadi ah, dadkuna waxa ay dusha ka arki doonaan -guri deggan iyo laba qof oo hadda uun baranaya sida loo wada noolaado ee la isu saamaxo. Laakiin gudaha, gudaha wuxuu uga ekaan doonaa mucjiso; gurigiinu waxuu ahaan doonaa qasri jacaylku leeyahay -waxa uu ahaan doonaa mid xasillooni iyo qanaaco buuxisay, noolashiinuna waxay ahaan doontaa janno gaaban oo aad jannadii Eebbe ku sugaysaan.

๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ
Haddaba, ha guursan qofka aad jeceshahay haddii aadan dhinnaanshiyahiisa ku aqbali karin.
๐—ฆ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ ๐˜๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ๐˜๐—ฎ ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜‚ ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฏ.

FG: Qormadani waa haltebin iyo turjumaad ujeeddo xambaar ah oo diiradda saaraysa gudbinta isla fikraddii qoraalka โ€œThink Beyond Romanceโ€ ee Substack lagu baahiyey.

W/Q: Eng Barre.

30/09/2025

5 Calaamadood oo aad ku garan kartid qofka sida dhabta ah kuu jecel....

14/09/2025

๐—ค๐—”๐—”๐—•๐—ž๐—œ๐—œ ๐—จ๐—จ ๐—œ๐—ก๐—ข๐—ข๐—š๐—จ ๐—ค๐—”๐—•๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—ฌ ๐—•๐—”๐—ก๐——๐—›๐—œ๐—š๐—š๐—” ๐—•๐—จ๐—จ๐—š๐—š๐—” ๐—•๐—”๐——๐—•๐—”๐—”๐——๐—ข ๐—ค๐—ข๐—ฌ๐—ฆ...

14/08/2025
02/08/2025

Aan is barano Gacallayaal ee soo dhawaada..

02/08/2025
08/07/2025

Tallaado: 8/7/2025 ๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ; Waxaan maanta kullan gaar ah ku yeelanay Muqdisho dhallinyaro kala duwan oo aqoonyahano ah, kuwaas oo isugu jiray ๐—ฆ๐—ผ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ๐—น ๐˜„๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฒ๐—ฟ๐˜€ ka kala yimid kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadaha, dhalinyaradaas oo isugu jiray kuwa ka baxay heerka labaad (master), heerka koobaad (Bachular) iyo arday jaamaceedba. Waxaan halkaas isku dhaafsanay khibrado kala duwan iyo aqoon kala duwan, waxaana ku midownay sidii aan ugu adeegi laheyn ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ, inagoo kala dagaalameyna ๐™…๐™–๐™๐™ก๐™ž๐™œ๐™–.

Bar Oo Badbaadi Bulshadada ๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ 2, Wax weyn ayaa soo socda inshaallaah, nala socda.

๐™๐™‚: ๐™ƒ๐™–๐™™๐™™๐™ž๐™ž ๐™–๐™–๐™™ ๐™ง๐™–๐™—๐™ฉ๐™ž๐™™ ๐™ž๐™ฃ ๐™–๐™–๐™™ ๐™™๐™–๐™™๐™ ๐™–๐™–๐™œ๐™– ๐™จ๐™ž ๐™ž๐™จ๐™ ๐™–๐™– ๐™ฌ๐™–๐™ญ ๐™ช ๐™ฆ๐™–๐™—๐™จ๐™ค ๐™–๐™ ๐™–๐™–๐™™ ๐™ช๐™œ๐™ช ๐™–๐™™๐™š๐™š๐™œ๐™ฉ๐™ž๐™™ ๐™ค๐™ค ๐™–๐™–๐™™ ๐™ ๐™– ๐™ข๐™ž๐™™ ๐™ฃ๐™ค๐™ฆ๐™ค๐™ฉ๐™ž๐™™ ๐™ข๐™–๐™˜๐™–๐™ก๐™ก๐™ž๐™ข๐™ž๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™Š๐™ก๐™ค๐™ก๐™–๐™๐™– ๐™ฌ๐™–๐™ญ๐™–๐™–๐™™ ๐™ฃ๐™–๐™œ๐™–๐™ก๐™– ๐™จ๐™ค๐™ค ๐™ญ๐™ž๐™ง๐™ž๐™ž๐™ง๐™ž ๐™ ๐™–๐™ง๐™ฉ๐™–๐™– 61 4539122 .

Address

Kismaayo

Telephone

+252617991877

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ayuub Fakat posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share