Abdirizak M Ibrahim

Abdirizak M Ibrahim Education is the key of development

22/02/2026

Waxaan hadda ku suganahay guri ay ku nool yihiin 8 carruur ah oo agoon ah. Aabbahood wuxuu ku dhintay halgankii. Geeridii aabbahood kadib, cid k**a warqabin, wax gargaar ahna lama siin.

Hooyadood ayaa u shaqayn jirtay, balse iyaduna hadda waxba ma haysato. Markii h**e baasto ayay iibin jirtay, laakiin way ka socon wayday oo ku fadhiisatay. Markale ayay isku dayday inay hilib iibiso, se dayn badan ayaa lagaga yeeshay, hilibkiina wuu ka socon waayay.

Cid ka war haysa ma jirto, wax gargaar ahna ma helaan. Xataa inay saddexda wakhti cunto helaan ayaa ku adag.

Deris ayaan nahay, xogtoodana waxaa ila wadaagtay walashay oo xafadda deggen. Shalay markaan shaqada ka imid ayaan u imid iyada oo ilmeynaysa. Markaan waydiiyayna, waxay ii sheegtay in reer agoon ah oo waxba haysan, cidna ka war qabin, ay daris nala yihiin. Runtii aad baan uga calool xumaday xaaladda qoyskaas. Waxaa calool xumo kale ah in aabbahood u dhintay degaanka iyo dadka ay ku dhex gaajoonayaan carruurtaasi.

Muqaal ayaan isla afgaranay inaan ka duubo, haddana waxaan is tusay in laga marmari karo in wajiga hooyada la keeno baraha bulshada oo aan idiin qoro magaceeda iyo lambarkeeda, si wixii aad u awoodo aad ugu dirtaan.

Haddii ay suurtagal noqoto, mar kale muqaal ayaan ka soo duubi doonaa hooyada. Qoraalkan waxaan ka soo dhigayaa xoggaa kahor Snapchatkayga iyo WhatsApp-kayga. Waxaa jira laba dhalinyaro ah oo asxaab nahay oo sheegay inay wax la baxayaan, iyagana waxaan u diray lambarkeeda iyo magaceeda.

Magaca Hooyada: Hodan Cabdillaahi Maxamed Axmed
Lambarka: 0634997326

Soo gudbiye Nasra Buuhoodle

25/01/2026

Mamulka waqooyi bari waa midnimada somaliya.

Dastuur ama axdi qarameed waxaa qoraya kooxo ama hay'ado gaar ah oo ka kooban xubno kala duwan, waxaana muhiim ah in haw...
29/01/2025

Dastuur ama axdi qarameed waxaa qoraya kooxo ama hay'ado gaar ah oo ka kooban xubno kala duwan, waxaana muhiim ah in hawshan loo maro hab sharci ah iyo hab-sami u socod. Qoraalka dastuurka ama axdiga qarameed waxaa inta badan sameeya:

1. Golayaasha ama Baarlamaanka – In badan, dastuurka ama axdi qarameed waxaa diyaariya xubno ka tirsan golaha baarlamaanka ama urur gaar ah oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan diyaarinta iyo ansixinta dastuurka. Tusaale ahaan, golaha dastuurka ama guddiga sharci dejinta.

2. Hay'adaha Dowliga ah – Qaar ka mid ah dastuurka ama axdiga waxaa sidoo kale soo saari kara hay’adaha dowladda sida madaxweynaha, wasiirro, ama xukuumadaha maxalliga ah. Xeerarka dastuurka ee cusub waxaa badanaa soo jeediya madaxda dowladda si loo cusbooneysiiyo ama loo hagaajiyo xeerarka jira.

3. Khubarada iyo Sharciyaqaanada – Qoraalka dastuurka ama axdiga qarameed wuxuu sidoo kale ku lug leeyahay kooxo khubaro sharci ah, sida qareenada, aqoonyahannada, iyo cilmi-baarayaasha, kuwaas oo bixinaya talooyin iyo fikrado ku saabsan sida loo dejiyo xeerarka iyo mabaadi'da dastuurka.

4. Wacyigelinta iyo Ka qaybgalka Bulshada – Mararka qaar, gaar ahaan marka laga hadlayo dastuur cusub ama isbeddelka dastuurka, waxaa la sameeyaa dood cilmiyeed iyo wacyigelin bulsho si loo hubiyo in dadka ay ka qayb qaataan habka diyaarinta dastuurka, isla markaana ay ku jiraan ra'yiga bulshada.

5. Guddiyo Dastuur oo Gaar ah – Dowladuhu waxay mararka qaar magacaabaan guddi gaar ah oo ka kooban xubno khubaro iyo mas’uuliyiin si ay u diyaariyaan qoraalka dastuurka ama axdiga qarameed.

Si guud, qorista dastuur ama axdi qarameed waa hawl ballaaran oo loo baahan yahay iskaashi ka dhaxeeya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dowladda, iyadoo la tixgelinayo xuquuqda dadka, mabaadi'da demokraasiyadda, iyo qiyamka dalka.

Madaxwayanaha SSC-Khatumo abdulqadir ahmed awcali (firdhiye)Share iyo like
22/01/2025

Madaxwayanaha SSC-Khatumo abdulqadir ahmed awcali (firdhiye)

Share iyo like

Try to recognize this capital as one of the 18 regions of Somalia?So qor taa u malaynasid
20/10/2024

Try to recognize this capital as one of the 18 regions of Somalia?
So qor taa u malaynasid

19/05/2024

Department of health science.
Faculty of Nursing
🕯picnic day🕯🕯✔✍

Bahda caafimaadka meel kasta ay joogto guuleyso❤

20/04/2024

labo kiis baa si degdeg kula kulantay.
1. mid waa dhiiga baxaya
2. midna ogsajiintii baa dhacday.

kee baad h**eysiin lahayd⁉️.

20/02/2024
01/12/2023

Waxaan rabaa inaan maanta idiin faa'iideyo salaad dhamaanten layanagu tukan doono oo dadkeena badi aysan aqoon waxa la akhriyo xiliga lagu gudajiro xitaa dad badan oo aqoonyahan ah,

Salaadda Janaasada sida loo tukadaa?

Waxaa laga yaaba qaar inaga mid ahi Inaanay aqoon waxaa la akhriyo marka la tukanayo Salaad Jaanzo ah, hadaba wax yar Igala akhriso halkaan:

Ugu h**eyn sida caadiga waa Inaad soo buuxisa Shuruudihi ay Salaadu ku ansaxeysay.

1:- Takbiirta ugu h**eysa waxaa la akhriyaa Suuratul Faatixa.

2:- Takbiirta labaad: Saliga Ibraahimiga oo ah:

"ALLAHUMA SALLI CALAA MUXAMMADDII WACALAA AALI MUXAMADDI KAMAA SALEYTA CALAA IBRAAHIIMA WACALAA AALI IBRAAHIM, WABAARIK CALAA MUXAMMADI WACALAA AALI MUXAMADDI KAMAA BAARAKTA CALAA IBRAAHIMA WACALAA AALI IBRAAHIMA FIL CAALAMINA INNAKA XAMIIDDU MAJIID".

3:-Takbiirta Saddexaad:- Qofka Meydka ah ayaad u Duceyn, Ducooyinka soo aroorey waxaa kamid ah Ducadaan

" ALLAHUMA AGFIR LAHU WARXAMHU ,WACAAFIHI WACFU CANHU ,WANAQIHII MINA ALKHADHAAYA KAMAA YUNAQAA ATHOWBUL ABYADU MINA DANASI ,WA ABDILHU DAARAN KHEYRAN' MIN DAARIHII ,WA AHLA KHEYRAN MIN AHLIHII WA ZAWJAA KHEYRAN MIN ZAWJATIHI ,WADKHILHUL JANNAT WA ACIDHU MIN CADAABUL QABRI WAMIM CADAABI ALNAAR"

4:Takbiirta Afaradna: waxaad dhahaysaa

" ALLAHUM LAA TAXRIMNAA AJRAHU WALAA TAFTINAA BACDAHU".

Meydka Iyo dhamaan Muslimintaba waad u duceyn kadibna dhinaca Midig baad u Salaam noqsaneysaa

Cilmiga Diiniga inuu qof waliba faafiya waa arin uu Nebigenna NNKH nagala dardaarmey.
__________🤲

18/07/2023

bari laascaanood hadda dagaal ka bilowdey

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirizak M Ibrahim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share