09/06/2026
Maanta waxay ii tahay maalin gaar ah, maadaama ay ii buuxsantay 9-sano oo aan ka tirsana hay bahda caafimaadka. Alxamdulillaah, waa nimco weyn oo aan Alle uga mahadcelinayo, maadaama mihnaddan ay ahayd mid aan muddo dheer ku taamayay inaan ka mid noqdo.
Sagaalkan sano waxay ii ahaayeen safar ay ku dheehan yihiin waxbarasho, waayo-aragnimo, dulqaad iyo adeeg bulsho.
Waxaan fursad u helay inaan la shaqeeyo bulshada qaybaheeda kala duwan, anigoo mar walba dadaal ugu jiray sidii aan u gudan lahaa waajibaadkayga si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh.
Waxa ugu qiimaha badan ee aan mihnaddan ka helay ma aha oo keliya aqoonta iyo khibradda, balse waa sharafka aan ugu adeegayo dadkayga iyo dalkayga.
Markaan dib u milicsado safarkan, waxaan xusuustaa maalmo adag iyo duruufo kala duwan oo aan soo maray. Waxaa jiray habeenno dheer oo shaqo ah, xaalado caafimaad oo deg-deg ahaa, safarro shaqo iyo waqtiyo u baahnaa samir, adkaysi iyo go'aan adag.
Inkastoo ay jireen caqabado badan, haddana dhammaantood waxay noqdeen casharro nololeed oo qiimo leh, kuwaas oo ii kordhiyay aqoon, khibrad iyo dareen masuuliyadeed.
Bahda caafimaadku waa laf-dhabarta bulshada marka ay timaaddo badbaadinta nolosha iyo daryeelka dadka. Sidaas darteed, waxaan dareemayaa sharaf iyo farxad inaan sagaal sano ka mid ahaa dadka u taagan adeeggaas muhiimka ah.
Xilli kasta oo aan arko bukaan caafimaadkiisu soo hagaagayo ama qoys farxad ku helaya bogsashada qof ay jecel yihiin, waxaan dareemaa qiimaha dhabta ah ee mihnaddan.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Alle SWT oo ii suurtageliyay inaan gaadho heerkan, sidoo kale waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan macallimiintii, asxaabtii, madaxdii iyo bulshada aan la shaqeeyay ee qaybta ka qaatay safarkaygan xirfadeed.
Anigoo ku faraxsan sannad-guuradan 9-aad, waxaan rajaynayaa in sannadaha soo socda aan sii wadi doono adeegga bulshada, korna u qaadi doono aqoontayda iyo xirfaddayda si aan uga jawaabo baahiyaha caafimaad ee bulshada.
9-sano oo adeeg, samir, dadaal iyo u-heellanaan bulshada ah. Alxamdulillaah.
Alle ha inagu asturo adeegga bulshada, hana inoo barakeeyo waqtigeenna iyo dadaalkeenna. Aamiin.