23/07/2026
🩺 Soo Dhawaynta Ardayda Practical-ka – Jaamacadda Somaville
Waxaa farxad weyn noo ah anagoo ah maamulka Isbitaalka Degmada Luuq inaan si rasmi ah u soo dhoweynno ardayda Jaamacadda Somaville – Faraca Luuq, oo maanta ka bilaabay tababarkooda (Clinical Practical Training) ee isbitaalka.
Ardayda waxaa si rasmi ah u qaabilay Agaasimaha Isbitaalka Degmada Luuq iyo Medical Officer-ka Degmada Luuq, kuwaas oo siiyay warbixin ku saabsan adeegyada isbitaalka, habraacyada shaqada, anshaxa xirfadeed, iyo waajibaadka laga filayo inta ay ku guda jiraan tababarkooda.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Madaxda Jaamacadda Somaville – Faraca Luuq kalsoonida ay ku qabaan Isbitaalka Degmada Luuq iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa labada dhinac. Waxaan rajeyneynaa in iskaashigan uu sii xoojin doono tayada waxbarashada caafimaadka iyo soo saarista xirfadlayaal aqoon iyo karti leh oo u adeega bulshada.
Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda guul iyo horumar inta ay ku guda jiraan tababarkooda.
“Maanta waa arday, berri waa xirfadlayaasha daryeeli doona bulshada.”