Shabelle Institute Of Education

Shabelle Institute Of Education This page is for health advice and health education for all

  Difaaca Thesis-kaWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa   Farah Hussein, oo si guul leh u difaacatay Thesis-keeda Jaam...
26/08/2026

Difaaca Thesis-ka

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Farah Hussein, oo si guul leh u difaacatay Thesis-keeda Jaamacadda Plasma, Heerka 1-aad.

Guusha aad maanta gaartay waa mid ka dhalatay dadaal, dulqaad iyo juhdi badan oo aad gelisay waxbarashadaada. Waxaan kuu rajaynayaa in guushan ay noqoto bilowga guulo ka waaweyn oo aad mustaqbalka gaarto.

Ayan Farah Hussein!
Guul iyo horumar joogto ah ayaan kuu rajaynaynaa.

  CAAFIMAAD: SALMONELLA OO UK KA DILLAACAYDalka Boqortooyada Midowday (UK) waxaa hadda socda baaritaan ku saabsan cudur-...
26/08/2026

CAAFIMAAD: SALMONELLA OO UK KA DILLAACAY

Dalka Boqortooyada Midowday (UK) waxaa hadda socda baaritaan ku saabsan cudur-dillaac Salmonella ah, kaas oo laga yaabo inuu xiriir la leeyahay ukumo dibadda laga soo dhoofiyey.
Salmonella waa bakteeriyo sababi karta infekshan ku dhaca hab-dhiska dheefshiidka. Qofka qaba waxaa ka muuqan kara shuban, calool-xanuun, qandho, lallabbo iyo matag.
Ukunta iyo cuntooyinka kale ee wasakhaysan waxay noqon karaan meel uu Salmonella ka gudbo, gaar ahaan haddii aan si wanaagsan loo karin ama loo maamulin.
Carruurta yaryar, gaar ahaan kuwa da'doodu ka yar tahay 5 sano, waxay u nuglaan karaan infekshannada cuntada ka dhasha. Sidoo kale dadka waayeelka ah iyo dadka qaba xaalado caafimaad oo kale waxay halis ugu jiri karaan xanuun daran.
Sidee looga hortagi karaa?
•Gacmaha si fiican ugu dhaq saabuun iyo biyo.
• Ukunta iyo cuntooyinka kale si wanaagsan u kari.
• Ka fogow is-dhaafsiga wasakhda ah ee u dhexeeya ukunta cayriin iyo cuntada diyaar u ah in la cuno.
• Qalabka iyo meelaha cuntada lagu diyaariyo si joogto ah u nadiifi.
• Haddii qof uu yeesho shuban ama matag daran, gaar ahaan ilmo yar ama qof waayeel ah, la xiriir adeeg caafimaad.
Fariin muhiim ah: Salmonella qof walba wuu ku dhici karaa, sidaas darteed nadaafadda cuntada iyo gacmaha ayaa ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee ka hortagga.

  SHABELLE OO U FARIISTAY IMTIXAANADAArdeyda Machadka Shabelle Institute of Education ayaa maanta u fariistay imtixaanna...
20/08/2026

SHABELLE OO U FARIISTAY IMTIXAANADA

Ardeyda Machadka Shabelle Institute of Education ayaa maanta u fariistay imtixaannada maadooyinka & Delivery iyo Terminology.

Imtixaannadan waxaa u fariistay ardeyda barata iyo ardeyda barata , kuwaas oo muujiyay dadaal, diyaar-garow iyo xiise ay u qabaan kororsiga aqoontooda caafimaad.

Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardeyda guul iyo natiijo wanaagsan. Guushu waxay raacdaa dadaalka iyo aqoonta.

INSTITUTE OF EDUCATION
“Aqoonta waa furaha guusha mustaqbalkaaga berri.”

Ardeyda h**e ee Batch 8 Nursing waxay muujiyeen dadaal, karti iyo adkaysi weyn. Waxay tusaale u yihiin in guushu ku tima...
16/08/2026

Ardeyda h**e ee Batch 8 Nursing waxay muujiyeen dadaal, karti iyo adkaysi weyn. Waxay tusaale u yihiin in guushu ku timaaddo waxbarasho, dulqaad iyo dadaal joogto ah. Waxaan ku faanaynaa horumarkooda iyo dadaalka ay sameeyeen. Guul ayaan idiin rajaynaynaa!

  Labaad (2aad) ee PHC – Shabelle Institute of Education​Tababarka iyo barnaamijka caafimaadka bulshada ee Primary Healt...
10/08/2026

Labaad (2aad) ee PHC – Shabelle Institute of Education

​Tababarka iyo barnaamijka caafimaadka bulshada ee Primary Health Care (PHC) ee uu qabto Shabelle Institute of Education wuxuu ka mid yahay dadaallada muhiimka ah ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo wacyigelinta bulshada.

   Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, and Obstetric Emergencies. @topfans
07/08/2026

Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, and Obstetric Emergencies. @topfans

  TABABARKAWaxaa si guul leh u soo gabagaboobay tababarkii saddexda maalmood socday ee cinwaankiisu ahaa "Training on An...
05/08/2026

TABABARKA

Waxaa si guul leh u soo gabagaboobay tababarkii saddexda maalmood socday ee cinwaankiisu ahaa "Training on Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, and Obstetric Emergencies."

Mudadii uu tababarku socday, ka qaybgalayaashu waxay kororsadeen aqoon iyo xirfado la xiriira daryeelka hooyada uurka leh (Antenatal Care), maaraynta foosha caadiga ah iyo tan aan caadiga ahayn (Normal & Abnormal Labor), iyo sida degdegga ah ee loola tacaalo xaaladaha halista ah ee umulaha (Obstetric Emergencies). Tababarku wuxuu isugu jiray casharro cilmiyeed, doodo wax-ku-ool ah iyo tusaalooyin ku salaysan xaaladaha dhabta ah ee caafimaadka.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhaqaatiirtii aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda la wadaagay ka qaybgalayaasha:

Dr. Caato
Dr. Gago
Drs. Muna

Doorkiinna muhiimka ah wuxuu qayb weyn ka qaatay guusha tababarkan iyo kobcinta aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qaybgalayaashii muujiyay dadaalka, waqtiga iyo ka go'naanta ay u hayeen horumarinta xirfaddooda. Waxaan rajeynaynaa in aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen ay si togan uga muuqan doonaan adeegyada caafimaadka, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Hambalyo dhammaan ka qaybgalayaasha! Waxaan idiin rajeynaynaa guul iyo horumar joogto ah.
fans Shabelle Shine

04/08/2026

2-aad ee Practical Training-ka oo Si Guul Leh u Socota

Waxaa si habsami leh u socda maalintii 2-aad ee tababarka xirfadeed ee cinwaankiisu yahay:

Practical Training in Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, and Obstetric Emergencies

Tababarkan waxaa si hufan u bixisay . Muna Xaji Mukhtar, iyadoo ka qaybgalayaasha siisay casharro isku dhafan oo isugu jira aqoon iyo tababar gacanta lagu qabanayo (hands-on practical training). Ardaydu waxay si qoto dheer u baranayaan daryeelka hooyada uurka leh (Antenatal Care), maaraynta foosha caadiga ah iyo tan aan caadiga ahayn (Normal & Abnormal Labor), iyo sida degdegga ah ee loo maareeyo xaaladaha umulisooyinka ee halista ah (Obstetric Emergencies).

Ujeeddada tababarkan waa in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha ardayda si ay u bixiyaan adeeg caafimaad oo tayo leh, badbaado leh, kuna saleysan habraacyada casriga ah ee daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Waxaan u mahadcelineynaa . Muna Xaji Mukhtar dadaalka iyo aqoonta ay la wadaageyso ka qaybgalayaasha, waxaana u rajeyneynaa dhammaan ardayda guul iyo horumar.

fans Mohamed Sheiknor Gudle

Shabelle Institute of Education oo Qabtay Tababar Heer Sare ah oo Ku Saabsan Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, an...
03/08/2026

Shabelle Institute of Education oo Qabtay Tababar Heer Sare ah oo Ku Saabsan Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, and Obstetric Emergencies.

Tababarkan wuxuu ardayda siiyay fursad ay ku bartaan xirfado Caafimaad oo muhiim ah iyagoo adeegsanaya qalab tababar casri ah iyo xaalado dhab ah, taas oo kor u qaadaysa aqoontooda iyo Xirfadooda Caafimadka.

Waxaa tababarka Bixinaayay khubaro Caafimaad oo khibrad u leh daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka:

👨‍⚕️ Dr-Salmaan Caato
👩‍⚕️ Dr. Muna Haji Mukhtar
👨‍⚕️ Mr-Maxamed Mursal Yacqub Viola

Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan Macalimiinta fududeeyay iyo ardayda kasoo qeybgashay

SHABELLE INSTITUTE OF EDUCATION (SHINE)
Aqoonta waa furaha guusha mustaqbalka.

03/08/2026

Practical Training in Antenatal Care, Normal & Abnormal Labor, and Obstetric Emergencies

Workshop Duration: 3 Days
Time: 4:00 PM – 6:00 PM
Target Participants: Medical Students
Facilitators: Dr. Salman, Dr. Muna & Dr. Mursal
fans

Address

Via
Merca

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shabelle Institute Of Education posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share