Somalia Hepatitis Trust

Somalia Hepatitis Trust Fighting Hepatitis in Somalia (La-dagaalanka ). Join us at https://somhep.so

๐ŸŒ Maalinta Cagaarshowga Adduunka, 28 Luulyo 2026Maanta oo ku beegan Maalinta Cagaarshowga Adduunka, Somali Hepatitis Tru...
28/07/2026

๐ŸŒ Maalinta Cagaarshowga Adduunka, 28 Luulyo 2026

Maanta oo ku beegan Maalinta Cagaarshowga Adduunka, Somali Hepatitis Trust waxay ku boorrinaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay kaalin firfircoon ka qaataan ka hortagga iyo ciribtirka cudurka cagaarshowga.

Cagaarshowgu waa cudur saameyn ku yeelan kara qof kasta, balse waxaa laga hortagi karaa tallaal, wacyigelin, baaritaan h**e, iyo daaweyn waqtigeeda lagu bilaabo.

๐Ÿ’™ Fariinteennu waa: โœ” Is baar si aad u ogaato xaaladdaada. โœ” Is tallaal marka ay suurtagal tahay. โœ” Ka faa'iidayso adeegyada caafimaadka. โœ” Faafi wacyiga, badbaadi nolosho.

Aan si wadajir ah u xaqiijinno bulsho ka xor ah cagaarshowga.

"Let's Break It Down" Break the barriers. Break the stigma. Break hepatitis.

26/07/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga (World Hepatitis Day) 2026 ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga 2026, waxaan ugu baaqayaa bahwadaagta caafimaadka Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga qayb qaataan Toddobaadka Wacyigelinta Cagaarshowga, si aan kor ugu qaadno wacyiga bulshada, una dardargelinno dadaallada lagu ciribtirayo cudurrada Cagaarshowga.

Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada, hayโ€™adaha Qaramada Midoobay, hayโ€™adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, jaamacadaha, kulliyadaha caafimaadka, ururrada ardayda, isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, xarumaha caafimaadka, shaybaarrada, bangiyada dhiigga, farmashiyeyaasha, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, umulisooyinka, shaqaalaha caafimaadka, ururrada bulshada rayidka ah, culumada , odeyaasha dhaqanka, warbaahinta, ganacsatada, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay qabtaan munaasabado iyo ololeyaal lagu xoojinayo wacyiga ku saabsan ka hortagga, tallaalka, baaritaanka h**e, iyo daaweynta Cagaarshowga.

Aan ka wada shaqaynno sidii aan u yareyn lahayn faafitaanka cudurkan, uga hortagi lahayn takoorka dadka la nool Cagaarshowga, isla markaana aan u xaqiijin lahayn in qof walba helo adeegyada baaritaanka, tallaalka, iyo daaweynta.

Wadajir ayaan ku gaari karnaa Soomaaliya ka xor ah Cagaarshowga. Qofna yaan laga tegin.

๐Ÿ“ข Casuumaad Rasmi ahSomali Hepatitis Trust, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ur...
26/07/2026

๐Ÿ“ข Casuumaad Rasmi ah

Somali Hepatitis Trust, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo SIMAD University Faculty of Medicine & Health Sciences, waxay si sharaf leh ugu casuumaysaa ardayda caafimaadka iyo dhammaan daneeyayaasha inay ka qayb galaan aqoon-is-weydaarsigan muhiimka ah.

Mowduuca

Awood-siinta Jiilka Cusub ee Ciribtirka Cagaarshowga Fayraska

Cinwaanka Aqoon-is-weydaarsiga

Hoggaamiyeyaasha Mustaqbalka ee Cagaarshowga, Laga Bilaabo Aqoonta Ilaa Saameynta Bulshada

Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heli doonaan inay kororsadaan aqoon iyo xirfado ku saabsan:

Fahamka cagaarshowga fayraska.

Ka hortagga, tallaalka iyo xakamaynta caabuqyada.

Baaritaanka h**e, ogaanshaha iyo isku xirka daryeelka.

Istaraatiijiyadaha caafimaadka bulshada ee ciribtirka cagaarshowga.

Hoggaaminta, wacyigelinta iyo doorka bulshada.

๐Ÿ—“ Taariikh: 26 Luulyo 2026
๐Ÿ“ Goobta: SIMAD University, Town Campus
๐Ÿ•’ Waqtiga: 3:00 Galabnimo

Aan si wadajir ah u dhisno jiil cusub oo hoggaamin doona dadaallada lagu ciribtirayo cagaarshowga Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ministry of Health- Somalia Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Somalia, Jaamacadda SIMAD ...
23/07/2026

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ministry of Health- Somalia Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Somalia, Jaamacadda SIMAD University Faculty of Medicine and Health Sciences, iyo Somalia Hepatitis Trust waxay si sharaf leh idiinku casuumayaan ka qaybgalka aqoon-is-weydaarsi gaar ah oo loogu talagalay ardayda diirada lagu saarayo cagaarshowga.

๐Œ๐š๐ฐ๐๐ฎ๐ฎ๐œ๐š:
"Empowering the Next Generation to Eliminate Viral Hepatitis"
Xoojinta jiilka soo koraya si loo ciribtiro Cagaarshowga Fayraska.

Kaalay oo ka faa'iidayso casharro iyo doodo ay soo jeedinayaan khubaro ku takhasusay caafimaadka, si aad u kordhiso aqoontaada ku saabsan ka hortagga, ogaanshaha, iyo xakamaynta cagaarshowga fayraska.

Si aad u hesho xogta ugu dambeysa ugana mid noqoto ka qaybgalayaasha, ku soo biir WhatsApp Group-ka adigoo gujinaya link-kan: https://chat.whatsapp.com/FGSyaRJVLGT6jVGQqCzEm0?mode=gi_t

SIMAD University
SIMAD University Health Student's Association-SUHSA

Toddobaadka Wacyigelinta Cagaarshowga Soomaaliyeed 2026Beer caafimaad qaba waa nolol caafimaad qabta. Ha sugin calaamada...
23/07/2026

Toddobaadka Wacyigelinta Cagaarshowga Soomaaliyeed 2026
Beer caafimaad qaba waa nolol caafimaad qabta.
Ha sugin calaamadaha cudurka.

โœ… Is baar Hepatitis B & C
โœ… Qaado tallaalka Hepatitis B
โœ… Ilaali qoyskaaga iyo bulshadaada
โœ… Faafi xog sax ah, jooji takooridda

Aan si wadajir ah uga shaqayno Soomaaliya oo ka xor ah Cagaarshowga marka la gaaro 2030.

๐Ÿ“… 23โ€“30 Luulyo 2026

Somali Hepatitis Awareness Week 2026
A healthy liver means a healthier life.
Don't wait until symptoms appear.

โœ… Get tested for Hepatitis B & C
โœ… Get vaccinated against Hepatitis B
โœ… Protect your family and community
โœ… Share facts and help end stigma

Together, we can build a Hepatitis-Free Somalia by 2030.

๐Ÿ“… 23โ€“30 July 2026



of health
Hepatitis Trust

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia Hepatitis Trust posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somalia Hepatitis Trust:

Shortcuts

Share