Dr.Sowdo Feisal Ahmed

Dr.Sowdo Feisal Ahmed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr.Sowdo Feisal Ahmed, Doctor, Mogadishu.

Tips to help you stay healthy during Ramadan.World Health Organization (WHO)
14/03/2024

Tips to help you stay healthy during Ramadan.

World Health Organization (WHO)

Wacyi galin ku saabsan isticmaalka daawooyinka lagula dagaalamo il-ma aragtada( Anti-microbials).Dawooyinkaan oo si qald...
18/11/2023

Wacyi galin ku saabsan isticmaalka daawooyinka lagula dagaalamo il-ma aragtada( Anti-microbials).

Dawooyinkaan oo si qaldan loo isticmaalo ama ayada oo aan jirka u baahneyn oo la qaato waxaa ka dhasha iska caabin ka dhan ah daawada oo ay sameyneyso il-ma argtada cudurka sababay, sidoo kale waxaa la xariiro qatar caafimaad oo ay bukaanka u leedahay.

Asbaabaha keena in la xakameyn waayo isticmaalka daawooyinkan, waxa ay ka timaadaa 2 dhinac:
Xaga dhaqtarka/dawo qoraha iyo dhinca bukaanka:

1) Qaar ka mid ah bukaanada waxa ay aaminsanyihiin in dawooyinkan qaadshadooda aysan kala kulmeynin dhibaato weyn, sidaas darteed uma arkaan in ay u baahantahay ka fiirsasho iyo la tashi.

2) Qofka daawada qoraayo oo raba in uu qanciyo sidoo kale dhameystiro filashada bukaanka.

3) Shaqaalaha caafimaadka ee daawada qoraayo oo aan waqti badan u heyn falanqeynta xogaha u danbeeyay ee qaadshada daawooyinka.

Lasoco qeybta 2aad

Cudurka Macaanka/Sokoroowga waa cudur uu la noolaanaayo qofka, wuxuuna sabab u yahay dhibaatooyin badan oo bukaanka laso...
14/11/2023

Cudurka Macaanka/Sokoroowga waa cudur uu la noolaanaayo qofka, wuxuuna sabab u yahay dhibaatooyin badan oo bukaanka lasoo gudboonaada kuwaas oo xumeyn doono tayada nolosha.

Caqabadaha uu cudurkan leeyahay waxaa ka mid ah; araga in uu yareeyo taas oo ugu danbeyn bukaanka ka dhigi karta in uu araga beelo, kaliyaha in ay shaqadooda gabaan , faali ama stroke ayuu sababaa, iyo in bukaanka laga jaro adimada oo ay ugu badantahay lugta.

Cudurkan wuxuu ka koobanyahy 2 nuuc: Nooca 1aad oo aan laga hortagi karin, iyo nuuc 2aad oo laga hortagi karo.

Nooca 2aad ee macaanka waxaa loogu hortagi karaa in la sameeyo waxyaabahan soo socda:

• Cunto isku dheeli tiran oo caafimaad leh in la qaato.

• Culeyska jirka in lagu haayo cabirka loogu talagalay.

• Jimicsi joogto ah iyo jirka oo laga shaqeysiiyo.

• In laga fogaado balwada xun oo ay ka mid yihiin isticmaalka tubaakada iyo cabida sigaarka.

Bukaanada sokorta qaba waxaa lagula talinayaa in ay la socdaan xaaldooda caafimaad oo ay sameeyaan baaritaano joogto ah oo ay ku ogaanayaan badqabka xubnaha jirkooda.

Daryeelka ay helaan bukaanada la nool sokorowga waxa ay sare u qaadeysaa yareynta dhibaatooyinka ka dhasha cudurka.

Badqabkaa dhimirka waa xuquuq caalami ah ee uu aadane kasta leeyahay.Xaaladaha ugu caansan ee caafimaadka dhimirka sida ...
10/10/2023

Badqabkaa dhimirka waa xuquuq caalami ah ee uu aadane kasta leeyahay.

Xaaladaha ugu caansan ee caafimaadka dhimirka sida niyad jabka iyo walwalka waxaa lagu xalin karaa in la isticmaalo dawooyin.

Si joogta ah oo loola socdo bukaanada qaba cudurada dhimirka ee daran waxay ka hortageysaa tayada nolosha in ay xumaato iyo dhimasho deg deg ah.

Ciid mubaarakFarxad iyo caafimaad ku ciida.
20/04/2023

Ciid mubaarak

Farxad iyo caafimaad ku ciida.

Waqtiyada ugu wanaagsan ee biyaha la cabo jirkane faa'ido u ah: • Aroortii markaad hurdada kasoo toosto.• Cuntada ka hor...
16/02/2023

Waqtiyada ugu wanaagsan ee biyaha la cabo jirkane faa'ido u ah:

• Aroortii markaad hurdada kasoo toosto.
• Cuntada ka hor
• Ka hor jimicsiga iyo kadibba.
• Xilliyada aad xanuunsantahay ama aad madax xanuun dareemeyso.
• Inta aanad seexan kahor.

Qormadan waxaan kugula wadaagi doono qiimeynta cabirka xanuunka ayadoo lagu saleynaaayo nambaro. # 0: Wax xanuun ah ma j...
28/09/2022

Qormadan waxaan kugula wadaagi doono qiimeynta cabirka xanuunka ayadoo lagu saleynaaayo nambaro.

# 0: Wax xanuun ah ma jiro

# 1-3: Xanuun yar ayuu dareemayaa bukaanka, balse howlihiisa caadiga ah wax saameyn ah kuma yeelanaayo xanuunkaas.

# 4-6: Waxaa jiro xanuun dhex dhexaad ah, saameynna ku leh shaqooyinka uu qabsan lahaa bukaanka.

# 7-10: Xanuun daran ayaa qofka haya, awood uma lahan in uu wax qabto.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Sowdo Feisal Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Sowdo Feisal Ahmed:

Shortcuts

Share

Category