Dr-Tahlil

Dr-Tahlil medical wroter

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka). Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno ...
22/05/2022

Fayruska Africka ka qarxay wax ka ogow monkeypox ( furuq daayeerka).

Monkeypox (Furuqa daanyeeradda) waa cudur uu keeno il ma'araga virus ka, oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan famil ka Poxviridae.

Monkeypox Waa Cudur fayruus ah oo ku dhaca xayawaaanka una gudba Bani aadamka (zoonotic disease) badanaana lagu arko kaymaha Africada Dhexe iyo Africada galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah
●Qandho
●nabaro afka biyo iyo malax ku wata
●qanjiro barar (fever, rash and swollen lymph nodes).

Monkeypox badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 asbuuc gudahood ah (self-limited disease with the symptoms lasting from 2 to 4 weeks).

Xaaladdo aad u daran ayaa dhici kara mararka Qaarkood oo dhimasho keeni kara (Severe complicated cases can occur).

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xawaan qaba cudurkaas.

Calaamadaha lagu garto cudurkaan waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hada ka hor laga daba jaray iyadoo la isticmaalay Talaal xaaladii ugu danbaysayna cudurka furuqa dunida oo idil waxaa lagu arkay somalia gaar ahaan jubadda hoose.

Monkeypox waa ka faafid yaryahay, waana ka dhimasho yaryahay marka loo eego cudurka furuqa ( smallpox).

Monkeypox Waxaa looga hortagaa Talaalkii cudurka furuqa lagu daba jaray, kuwa cusubna hada ayaa loo helay. Sidoo kale waxaa dhawaan la helay dawooyin lagula tacaalo xaaladaha cudurkaa uu soo rito.
Dr zarqaawi

04/03/2022

Maxay Dadka Qaar U Jecel Yihiin Inay Gaariga Ka Raacaan Dhanka Daaqadda Xigta?

Dadku marka ay gaari raacaan qofba wax ayuu jecel yahay, dadka qaar kalama jecla kursiga ay fariisanayaan nooca uu yahay iyo meesha uu xigo halka dadka qaar ay jecel yihiin in ay dhinaca geeska daaqada xigta fariistaan.

Suaasha is waydiinta ah ayaa ah maxay dadku qaar ku jecel yihiin inay gaariga ka fariistaan dhinaca daaqada xigta.

Culimada Cilmi nafsiga waxay sheegaan dabeecado ay ka siman yihiin dadka gaariga ka fariista dhinaca daaqada xigta. Waxyaabaha la isku waafaqsan yahay dadkaasna ka siman yihiin waxaa ka mid ah

1. Dadka noocan ah inay yihiin dad aad u neceb in sirtooda la ogaado, saaxiibo badan ayay leeyihiin sidaas ay tahay ma jecla meelaha dadka badna ku sheekaystaan
2. Waa dad dabeecadoodu aad u wanaagsan tahay balse aan ku fiicneen ballanta
3. Waa dad fahmadoodu aad u sarayso ceebta ay leeyihiin ayaase ah inay xusuustoodu aad u yar tahay
4. Dadkan waxay aad u neceb yihiin marka ay wax akhrinayaan inay kor u akhriyaan, aamusnaan ayay jecel yihiin inay wax ku akhriyaan
5. Dadkaan intooda badan waa dad deeqsiyaal ah, aad u jecel maqaayadaha inay wax ka cunaan sidoo kalana

Astaamahan wa kuwa inta badan ay ka siman yihiin dadka jecel inay gaariga ka raacaan dhanka daaqada xigta, mid iyo labo way ku kala duwanaan karaan balae intooda badan way ka siman yihiin

By : Dr waahen sabriye

꧁RAMADAANKA IYO MACAANKA꧂Bal hal daqiiqo akhri maadama ey inagu soo fool-leedahay bishii barakaysnayd ee Soon-Qaad, waxa...
28/02/2022

꧁RAMADAANKA IYO MACAANKA꧂

Bal hal daqiiqo akhri

maadama ey inagu soo fool-leedahay bishii barakaysnayd ee Soon-Qaad, waxaan wax ka sheegi doonnaa habka la isugu wadan karo soonka iyo dawada macaanta.

inkastoo qofka xanuunsan ee aan awoodin ruqsad eebbe u'siiyey in uu afuri karo bisha barakaysan ee ramadaan, haddana haddii qofka xanuunkiisu sahlan yahay oo uu rabo in uu soomo waxaa muhiim ah in uu dawada uu qaadanayey ramadaanti ka hor sii wato,balse ogyahay habka loo qaadanayo.

Qofka macaanka qaba, isla markaana qaata kiniinada sida "metformin'', kaas oo ah 500mg, lana qaato inta badan saddex waqti, afurka ayuu qaadanayaa laba xabo, halka kii saddexaadna uu qaadanayo suxuurta.

qofka qaata insulin/irbadda, wuxuu kala bar ka qaadanayaa intii horay uu u' qaadan jirey irbadda xilliga suxuurta,wuxuuse si caadi ah u qaadanayaa tii afurka.

Fiiro gaar ah: qofka qaba macaan isla markaana kelyo,wadne ama cudurkale u'weheliyo waxaa muhiim ah in uu dhakhtar la tashado inta aanu soomin.

Walal faafi xogtaan adoo mahadsan, waxay anfici doontaa qof aan ogeyn ama awoodin in uu dhakhtar tago,mahadsanid
Dr zarqaawi.

20/02/2022

ᴅᴀᴀᴅᴀꜱʜᴀᴅᴀ ᴛɪᴍᴀʜᴀ

• inay ka go’aayan maalin 50-100 waa caadi, waxay
Ka mid cusboonaynta wareega timaha.

Timo daadashada qaybaheed waxa ka mid

1. Androgenetic alopecia waa nooca ugu badan ee Rag iyo dumarka ku dhacda. Raga waxay ku samaysa bidaar, dumarkana timihaa dhumucdooda yaraada . Waxa ugu badan ee keena wa hido, iyo hormoonada oo is bedla.

2. Alopecia areata waa xaalada ay timuhu madaxa meelo ka mid ah goobo goobo u go’aan.
Waxa lagu arka madaxa, sunniyaha, badadka/xiribo
Xaaladan waxa keenta marka difaaca jidhku la dagaalamo timiha Autoimmune disorders.

3. Anogen effuvium xaaladan way ku badan tahay dadka qaat daawooyinka cancer.

Sababah u badan ee keena timo daadashada

1. Medical conditions (sababo xanuun)
2. Malnutrition (nafaqo daro )
3. Pregnancy (uur )
4. Hormonal imbalance (ganjidhada oo is dheeli tiri waaya
5. Stress ( werwer / booq )
6. Medication (dawooyinka )
7. Hereditary ( hido )

Hadad isku argtid inay timahagu aad u daadanayaan ama meelo goobo goobo ah, taasi waxay ku sheegaysa inay jirto xaalado caafimad oo dawo u baahan. La xidhidhi dhakhtarka maqaar ee kugu dhow.

Dr Shaahid

◼Waa maxay waji saliidka? Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ...
13/02/2022

◼Waa maxay waji saliidka?

Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ama haaro.

Eebe wuxuu oogada biniaadanka ku abuuray qanjirro howshoodu ay tahay inay soo daayaan saliid si ay u subkaan maqaarka kore, loogana hortago kor qallaylka.
Qanjirradaas oo loo yaqaano "Sebaceous glands", saliida ay soo saaraane waxaa loo yaqaanaa "Sebum", hadii qanjirradaasi si saa'id ah u shaqeeyaan qofka wuxuu yeesha maqaar saliiddu ku badan tahay khaas ahaan wajiga.

◼Maxaa keeno Waji Saliidka?

-Dhaxal: dadka ugu badan waxay arrintaan ugu dhacdaa dhaxal ahaan, kuwaasoo ku dhasho qanjir saliid firfircoon.

-Welwelka: wuxuu kiciyaa qanjirrada saliida.
Isbadallada hormoonka: waxay keentaa in saliid soo saarista qanjirrada ay badato ama wajiga ay ka soo yaacaan finan, waxaana xaaladaan la dareemaa xilliga caadada, kadibne way baaba'daa.

-Safarka: qofka galo safarrada badan, una kala goosho wadamo kala duwan cimilladooda waxay keentaa in maqaarkiisu uu saliida ku bato.

-Daawooyinka la isku qurxiyo, qaar badan oo ka mid ah waxay keenaan waji saliid.
Daawada looga hortago uurka, waxay keenaan waji saliidka.

-Nafaqo darrida, waxay keentaa waji saliidka.
Hawada sumaysan ama magaalooyinka ay warshadaha ku badan yihiin dadka ku nool waxay u bataan waji ku saliidlayaal.

◼Maxay dhibaato ah ayuu keenaa waji saliidka?

Dhibaatada ugu badan waa in wajiga uu yeesho nabro ama haaro kuwaas oo si dhakhso ah u faafi karo.

◼Sidee looga hortagaa waji saliidka? ama lagu yareeyaa?

Jooji waji dhaqista badan: tan waa qaladka ugu horreeyo oo lagu dhaco, dadku waxay aaminsan yihin hadduu qofka uu wajiga dhaqo in badan in saliiddu ay yaraanayso, waa caksi, saliidda waa sii badataan, marka waxaa wajigaaga dhaqdaa labo jeer kaliya, markaa soo kacdid iyo markaa seexanayso, taasoo dareensiinayso qanjirka saliidda in baahi wayn aysan jirin. (k**a haleeyno weysa salaada) maxaa yeelay wajidhaqa salaada waa waajib

◾Ku dhaq wajigaaga biyo diirran: qaladka labaad waa in wajigaaga aad ku dhaqdaa biyo kulul ama qabow, taasoo labadoodaba wajiga qallajiya, hadduu qalleel yimaadane saliidu waa imaanaysaa.

Haddii aad wajigaaga saliid ka dareento, ku tirtir maro khafiif ah oo jilcan oo wajigaaga aanan dhaawacaynin aad u qallajinaynin
Cabitaanka badso: cabitaanka badan waxuu jirka ka ilaaliyaa qallaylka, wuxuuna hoos u dhigaa shaqada qanjirrada saliidda soo saaro, ogow haddii biyo cabitaankaagu uu yar yahay, saliida way jiraysaa.


Yarey sonkorta, cusbada, dufanka iyo cunnada shiilan: kullamaa cuntada aad cunayso ay caafimaad leedahay, kullamaa shaqada jirkaagu uu dabiici yahay.

Ka fogow in aad isticmaasho waxyaabo ay ku jiraan saliid ama dufan oo wajiga la marsado.
Ka fogow sigaar cabista:

sigaarku wuxuu cariiriyaa xididada dhiiga siiyo maqaarka, tan waxay keentaa kor qallayl iyo saliid badan.
Waxaa jiro waxyaabo badan oo dabiici ah oo ay dadka qaar sheegaan in ay wax iskaga garteen sida wajiga oo lagu tirtiro ama la mariyo khalka ama dheecaanka tufaaxa, malabka, karootada iyo waxyaabo kale oo badan.

-Ku dadaal in aad hesho hurdo kugu filan, tan waa muhiim.

Haddii aad tahay waji ku saliidle, wixii talo ah oo aad wax iskaga garatay waa la wadaagi kartaa akhristayaasheena.

DHAQTARKA CUDDURADA MAQAARKA
DR.Cabdishaahid cabduqadir maxamad (Dr.shaahid)

dheh oo lawadaag asxbtada

Wadno xanuun iyo oodimo joogto ah oo adan lahaan jirin ma isku aragtaa?Inta badan wadna xanuunka iyo oodimaha waxay yima...
12/02/2022

Wadno xanuun iyo oodimo joogto ah oo adan lahaan jirin ma isku aragtaa?

Inta badan wadna xanuunka iyo oodimaha waxay yimaadaa marka socodka dhiigaagu qalqal badan ka jiro ama uusan isku dheelitirneen sidoo kale astaamahan waxaa keeni kara cudurada dheefshiidka sida gaaska ama infakshanada xameetida. Xalka ugu fiican oodimaha, koolba-aariyada jirkaaga uga saari karto ayaa ah in aadan ku seexan barkin dheer sidoo kalana waa inaad subax iyo habeen maalintii laba waqti cabto shaah qarfuhu aad ugu badan yahay. Qarfuhu waa maadada ugu muhiimsan socodka dhiiga isku dheelitirta sidoo kale qarfuhu wuxuu sifeeyaa dheefshiidka wuxuuna meesha ka saaraa halista gaaska, oodimaha iyo aariyada ku wareegata caloosha

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252612730766

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr-Tahlil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category