14/08/2023
3da CALAAMAD DIGNIIN OO MUUJINAYA IN KELYAHAAGU AY KHATAR KU JIRAAN
Kelyihu waa xubinta jirka ugu muhiimsan oo hadii ay howlgab noqoto dhamaan shaqada jirku ay wada istaageyso,
Xanuunka kelyaha ku dhaca horey lagama ogaado ilaa qofku ay kelyihu howl gab noqdaan,
Balse waxaa jira 3 calaamadood oo hordhac u ah howlgab ku yimaado kelida waxayna kala yihiin.
1= KAADIDA OO IS BADASHA
kaadida oo yaraataa ama kalarkeedu is badalo ama ur yeelata ama dhiig uu la socdo ayaa ah calaamado kamid kuwa ugu caansan ee kelyaha marka ay howlgab ku dhawyihiin.
2= XANUUN DHABARKA QAYBTA HOOSE AH
xanuun dhinacyada hoose ee dhabarka aad ka dareento oo wata madax xanuun daal iyo tabar yaro umateetka oo yaraada iyo dhiig yaraan ayaa ah calaamadaha kale ee muujinaya in kelyaha aad ka jirantahay.
3= KAADIDA OO LAGU ARKO MAADADA BOROTIINKA
Ma ogaan kartid adigu in kaadidu ay lasocoto protein balse dhakhtarkaada ayaa kuu sheegi kara taas marka uu baaritaan ku sameeyo kadidaada,
Waana calaamad kale oo mujineysa khatar kajirta keyahaaga.
3daas calaamood qayb kamid ah hadaad isku aragto fadlan dhakhso u aad goob caafimaad oo kelyaha lagu dabiibi karo.
Gaarsii asxaabtaada una SHARE garee lana socodsii hadii ay calaamadahaan qayb kamid ah arkaan horey dhakhtar haka tagaan.
Dr Mohamed Yusuf 🧑⚕️