Dr. Ismail Mohamed Ali

Dr. Ismail Mohamed Ali Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dr. Ismail Mohamed Ali, Otolaryngologist (ENT), Mogadishu.

Daaweynta iyo Qaliinka Cuduradda ku dhaca CUNAHA, DHAGAHA & SANKA(ENT), ahna khabiir qalimada dhegaha iyo dhagoolnimada kana howl gala Hospitalka Shaafi Magalada Mogadishu/0619992697 call&whatsapp

🩩 Ma la tacaalaysaa qufac uu la socdo dhiig ?Qufaca dhiigga, oo caafimaad ahaan loo yaqaan Hemoptysis, wuxuu noqon karaa...
23/08/2026

🩩 Ma la tacaalaysaa qufac uu la socdo dhiig ?

Qufaca dhiigga, oo caafimaad ahaan loo yaqaan Hemoptysis, wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa xaalado kala duwan oo ku dhaca hab-dhiska neef-mareenka. Waxaa muhiim ah in aan la iska indho tirin, gaar ahaan haddii uu soo noqnoqdo ama dhiiggu bato.

Waxyaabaha sababi kara waxaa ka mid ah:

πŸ”Ή Caabuqyada ku dhaca hab-dhiska neef-mareenka
πŸ”Ή Qaaxada (Tuberculosis)
πŸ”Ή Oof-wareenka (Pneumonia)
πŸ”Ή Dhaawac ku yimaada dhuunta ama marinnada neef-mareenka
πŸ”Ή Xaalado kale oo u baahan baaritaan caafimaad

Haddii aad isku aragto calaamadahan, la kulan dhakhtar si loo sameeyo baaritaan sax ah loona ogaado sababta keentay.

πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Ismail Mohamed.
Dhakhtarka Cunaha, Sanka iyo Dhegaha

πŸ“ž Ballan qabso maanta
WhatsApp/Call: +252 61 9992697

Baaritaan h**e iyo ogaansho sax ah ayaa muhiim u ah helitaanka daaweynta ku habboon.

23/08/2026

🦻 Qalliinka Hagaajinta Lafaha Maqalka
Bukaankeenna ayaa muddo dheer la noolaa malax iyo dheecaan dhegta ah, taasoo ugu dambayn sababtay in uu burburo mid ka mid ah saddexda lafood ee yaryar ee masuulka ka ah gudbinta codka gudaha dhegta β€” Incus.

🩺 Intii lagu guda jiray qalliinka, waxaan si taxaddar leh u hagaajinay nidaamka lafaha maqalka, annagoo dib u isku xirnay labadii lafood ee haray, (Mallostepedialfixation). si loo soo celiyo gudbinta codka loona hagaajiyo awoodda maqalka bukaanka.

✨ Qalliinnada noocan ah waxay muhiim u yihiin soo celinta shaqada maqalka iyo hagaajinta tayada nolosha bukaanka.

Caafimaad wanaagsan, maqal wanaagsan. 🦻❀️

21/08/2026

πŸ”· Ma la tacaalaysaa dhibaatooyin ku saabsan Cunaha, Dhegaha ama Sanka?
πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Ismail Mohamed Ali waa dhakhtar ku takhasusay daweeynta iyo qalliinnada Cunaha, Dhegaha iyo Sanka (ENT), isagoo bixiya adeeg caafimaad oo tayo leh iyo daryeel xirfadeed.

Adeegyadayada waxaa ka mid ah:
βœ… Daweeynta & Qalliinka Qumanka (Carruurta iyo Dadka Waaweyn)
βœ… Daweeynta & Qalliinka Hilbaha Sanka
βœ… Daweeynta & Qalliimada Dhegaha
βœ… Qalliinka Burooyinka Dhuunta
βœ… Qalliinka Jabka Daanka iyo Wajiga
βœ… Qalliinka Qanjirka Tiroidka

✨ Waxaan ku siinaynaa:
βœ”οΈ Baaritaan caafimaad oo dhammaystiran
βœ”οΈ Ogaansho sax ah
βœ”οΈ Daaweyn casri ah
βœ”οΈ Daryeel iyo la-talin xirfadeed

πŸ“ž Ballan qabso maanta
WhatsApp/Call: +252 61 9992697

Caafimaadkaagu waa mudnaantayada. Kusoo dhawoow daryeel caafimaad oo aad ku kalsoonaan karto.

.

19/08/2026


Xasaasiyadda sanka waxay saameyn karta nolol maalmeedka. Haddii xasaasiyadda sanka ay kugu soo noqnoqoto, la tasho khabi...
18/08/2026

Xasaasiyadda sanka waxay saameyn karta nolol maalmeedka. Haddii xasaasiyadda sanka ay kugu soo noqnoqoto, la tasho khabiir si aad u hesho daaweyn ku habboon.

πŸ”Ή Baaritaan iyo qiimeyn sax ah
πŸ”Ή Ogaanshaha sababta xasaasiyadda
πŸ”Ή Daaweyn ku habboon xaaladda bukaanka
πŸ”Ή Talooyin ku saabsan ka hortagga xasaasiyadda

πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Ismail Mohamed
Dhakhtarka Cunaha, Sanka & Dhegaha

πŸ“ž Contact Me: +252 619 992 697

18/08/2026

/Stapedectomy ( ), oo ah qalliin lagu soo celiyo maqalka bukaannada uu saameeyay cudurka Otosclerosis.

Qalliinkan waxaan ku beddelnay lafta Stapes, oo ah lafta ugu yar jirka bini'aadamka, si codku si dabiici ah ugu gudbo dhegta gudaha (Inner Ear), taasoo u sahasha bukaanka inuu dib u helo maqalkiisa.

Farxadda ugu weyn ee qalliinkan waa in bukaanku inuu maqalka dareemo isla marka uu ka soo kaco suuxinta, taasoo ah daqiiqad qiimo gaar ah u leh bukaanka, qoyskiisa, iyo kooxda caafimaadka.

Qalliinnada noocan ah waxay u baahan yihiin aqoon qoto dheer, khibrad sare, iyo takhasus gaar ah oo ku saabsan qalliinnada dhegaha (Otology).

Waxaan Alle uga mahadcelineynaa in uu noo fududeeyay inaan bulshada u soo bandhigno adeeg caafimaad oo horumarsan, si bukaannadu ay ugu helaan daryeel tayo leh gudaha dalka.

OP: Dr. Ismail Mohamed Ali
ENT, Head & Neck Surgeon
Fellowship in Otology, Neurotology & Cochlear Implant Surgery

"Maqalku waa albaabka isgaarsiinta, soo celintiisuna waa dib u soo celinta tayada nolosha."

Burooyinka ka samaysma afka, madaxa ama dhuunta waxay u baahan karaan baaritaan iyo qiimeyn caafimaad oo sax ah. Haddii ...
16/08/2026

Burooyinka ka samaysma afka, madaxa ama dhuunta waxay u baahan karaan baaritaan iyo qiimeyn caafimaad oo sax ah. Haddii aad isku aragto buro, barar ama isbeddel aan caadi ahayn, la tasho dhakhtarka

πŸ”Ή Baaritaan iyo qiimeyn caafimaad
πŸ”Ή Ogaanshaha xaaladda burada
πŸ”Ή Qalliinnada burooyinka afka, madaxa & dhuunta
πŸ”Ή Daryeel iyo la-socod ku habboon

πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Ismail Mohamed
ENT, Head & Neck Surgeon

πŸ“ž Ballan qabso maanta
WhatsApp/Call: +252 61 9992697
Caafimaadkaagu waa mudnaantayada. Kusoo dhawoow daryeel caafimaad oo aad ku kalsoonaan karto.
.

16/08/2026

Wacyigelin Caafimaad
Subxaanallaah! πŸ˜”
15 jir uu ku dhacay kansarka cunaha.
⚠️ Fadlan ha suginβ€”xilli h**e iska hubi dhuuntaada!

Haddii aad isku aragto calaamadahan, la xiriir dhakhtar:

Liqidda oo kugu adkaata
Xabeeb joogto ah
Xanuun dhuunta ama dhegta ah oo aan kasoo rayneynin
πŸ‘¨β€βš•οΈ Dr. Ismail Mohamed Ali
Dhakhtarka Cunaha, Dhegaha iyo Sanka (ENT)
πŸ“ž Kala xiriir: 619992697
Si aad ballan u qabsato.

❀️ Caafimaadkaaga ha dayicin. Baaritaan h**e wuxuu muhiim u yahay ogaanshaha iyo daaweynta cudurrada.

14/08/2026

Guul kale iyo badbaadin nololeed! πŸ₯✨Qaalid oo gobollada dalka inaga soo booqday, wuxuu markii h**e isbitaalka la yimid xaalad caafimaad oo aad u adag. Ka dib baaritaanno guud, Dr. Ismaaciil Maxamed Cali ayaa u sameeyay qalliinkii uu u baahnaa.Alxamdulillaah! Qalliinkii si guul leh ayuu u dhammaaday. Maanta xaaladda Qaalid aad ayay u wanaagsan tahay, waxaana loo fasaxay inuu isbitaalka ka baxo asagoo caafimaad qaba. πŸŽ‰β€οΈQaalid iyo qoyskiisu waxay si weyn ugu mahadceliyeen Dr. Ismaaciil Maxamed Cali, waxayna dib ugu laabanayaan gobolkoodii iyagoo ku faraxsan soo kabashadiisa dabiiciga ah.Waxaan u rajaynaynaa caafimaad waara iyo safar amni ah! πŸ™

Address

Mogadishu
2526

Telephone

+252619992697

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Ismail Mohamed Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Ismail Mohamed Ali:

Shortcuts

Share