06/02/2024
GAAS CALOOLEED( GASTRITIS)
Xanuunka gastritis Ama Gaas calooleed ka waa Infekshin (infection) kudhaca caloosha, waxaana sababa wax yaabo kaladuwan sida Bacteeriya (Bacteria), looyaqaan H Pylori iyo qaab nololeedka qofka. Gaas calooleedku waxuu noqonkara mid si dhaqsi ah ku bilowda( Acute Gastritis), ama mid Bukaanka mudo soo haayay, (Chronic Gastritis), mararka qaar gaas calooleedku waxuu Keenaa in caloosha uu nabar ku sameesmo( Peptic Ulcer) ama Kansarka caloosha Isku badalo.
CALAAMADAHA LAGU GARTO QOFKA QABA GAAS CALOOLEEDKA.
•Bog xanuun ama laabta oo qofka hurta siina darsata markuu cuntada cuno kadib
• Lalabo iyo Mataga
• Qofka oo dareemo dibiryo marka uu wax cuno
• Qofka oo cuntadu ka carara ama ka xiranto
WAXYAABAHA SABABA
1•Qofka oo gaajada isku daawado ama ina badan gaajo hayso oo an waxba cunin.
2•Isticmaalka alcohol ama khamriga.
3•In badan inuu qofku matag joogta yeesho.
4•Stress ka ama isku buuqa.
5•. Inaad isticmaasho daawooyinka anti-inflammatory drugs ama xanuun baabiyaasha sida Aspirin iyo ibuprofen
6 Bakteeriya: gaar ahaan mida looyaqaan H Pylori
WAX YAABAHA KADHASHA GAAS CALOOLEED KA
Hadii aan ladaaween Gaaska waxuu sababi karaa in Caloosha ay nabaro kasoo baxaan , nabarkaas oo sababi kara Dhiiigbax Gudaha calosha ah, sidoo kale kansar ku dhaca caloosha ayaa kadhalan kara hadii aan ladaaween.
SIDA LOOGA HORTAGO
• Xanuunkaan waxaa looga hortagi karaa In Bukaanku Qaab nololeedkiisa wax kabadalo (life style change)
• sida Inuu Cabo Biyo Kufilan Socod kana Badsado.
•In aad cuntid Raashin Dheelitiran oo Nadiif ah Lana Diiriyay ama qandac ah.iskana ilaali cuntooyinka kulul basbaaska ku badan (spicy)
•Inaad kafogaato wax kasta oo gaaska kugu kicinkara.
•Inaadan Qaadan xanuun baabiiyaasha ( NSAIDS) iyadoon dhaqtar kuu qorin. Sida asprin iyo ibuprofen
SIDA LAGU OGAADO
A. Dhiiga
B. Saxarada
C. In Tuubo caloosha laga galiyo Bukaanka (endoscopy)
D. Qofka oo neeftiisa laga baaro Urea(Urea Breath Tes)
E. Cabashada Qofka (clinically).
DAWEENTIISA.
1) Dawooyinka Gaaska damiya, ( Anti Acid) sida PPI(Omeprazol)
2) Qalajiyaal: Triple therapy ( Antibioic) Hadii ay sababtay Gaas calooleedka H-Pylori, waxaa lasiiya Sadex kaniini oo la isku darayo Bukaanka sida Amoxillin, clarithromcin iyo PPI. Ama Afar Daawo oo la isku daraayo (Bismuth+Metronidazole+Tetracyclie+PPI) FG: Latasho Dhaqtarkaaga Markasta
3) Qofka oo kafogaado wax kasta oo ku kiciya Gaaska.
&