Naafic media

Naafic media war la hubo public health services

27/03/2026
26/03/2026

Abwaanka wuu hadlaay xaqiiqdii...

  Tacaddiga lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hoygiisa mag...
26/03/2026


Tacaddiga lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hoygiisa magaalada Muqdisho la dul-dhigay ciidan, lagana qaaday xorriyaddiisa, waa fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah, wuxuuna u muuqdaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu qaaday waddadii kali-talisnimada (dictatorship).

Beegsiga sii kordhaya ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo Wasiirrada, Xildhibaannada, Saraakiisha iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageersan qabsoomidda doorashada deegaankooda waxa ay caddaynaysaa in Madaxweynuhu uu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed.

Annaga oo ku baaqayna in degdeg loo siidaayo Taliyaha la afduubtay, waxaan uga digaynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaanayo ku takri-falka awoodda iyo sii wadidda damaciisa shakhsiga ah ee halista gelinaya dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Waxaan ka xumahay, si adagna u cambaareynayaa falka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xabsi guriga ku galisay...
26/03/2026

Waxaan ka xumahay, si adagna u cambaareynayaa falka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xabsi guriga ku galisay taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Tallaaban waa dhaqan gurracan oo ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya, kana soo horjeedda dimoqraadiyadda, shuruucda dalka, xuquuqda muwaadinta, iyo curfiga dowladnimada.

Waxaa ayaandarro ah in iyadoo dalku wajahayo xaalado adag, abaaro dabadheeraaday, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku hawllan tahay xayiraadda madaxda, xannibaadda safarrada xildhibaannada, boobka dhulka danta guud, siyaasadeynta hay’adaha dowladda iyo ciidamada qaranka, burburinta nidaamka federaalka, iyo hurinta colaado sokeeye.

Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu ka baxo dhalanteedka uu ku jiro inta aysan sharciyadda haysto, u turo qaranka, taladana dhexda dhigo, si dalka loogu jiheeyo doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay; dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeedna looga samatabixiyo halis hor leh iyo hubanti la’aanta siyaasadeed.

Address

Dayniile
Mogadishu

Telephone

+252619671022

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naafic media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Naafic media:

Shortcuts

Share