28/07/2021
Gastritis ama ((gaass calooleeed)))
Waa caabuq ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid dabadheeraada(chronic).
Maxaa sababab gasric(gastritis)?
●Isticmaalka alcoholka
●In badan inaad mantagto
●Stress ka
●In aad in bdn gaajooto
●In aashatada calooshu ayna dheeli tirnayn
●In cuntada xawaashka badan la isticmaalo (spicy)
●Inaad isticmaasho daawooyinka layidhaah anti-inflammatory drug sida asprin ta.
Waxaa kaloo sababbikara loona aaneeyaa:
●Helicobacter pylori (H. pylori) waa bakhtitire (bacteria) ku nool xuubka (mucus) ku dahaaran caloosha. Haddii la daaweyn waayana caabuq ama humbuluuluq (infection) ayuu kuu horseedayaa boog ama nabar (ulcer) dadka qaarna cancer xagga caloosha ahi ayey ku sababtaa.
Pernicious anemia:
Waa dhiig la’aan timaadda marka calooshu ay weydo waxyaabihii dabeeciga ahaa ee looga baahnaa in si sax ah ay u soo nuugaan ama ay u burburiyaan vitamin B12.
Bile reflux: in bile-ka uu dib ugu noqdo caloosha, xanuun ayaana imaanaya.
Infection: ay keenaan bakhtire (bacteria) ama virus ayaa iyadana loo aaneeyaa.
NB: haddii la daaweeyn waayo gastric waxa imanaaya dhiigbax daarana waxaana saa’idayaa cancer calasha inuu kugu yimaado.
Calaamadaha lagu garto gaaska(gastritis)?
●labolabo,
●mantag,
●laabjeex iyo
●mantag dhiig la socdo.
●Inuu soo noqnoqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale. ●Caloosha oo dibbirta, apitet xumo. Miisaanka oo yaraada.
Sidee lagu garan/ aqoonsan karaa magaca cudurka iyo astaanta saxda ah?
Waxaa la sameeeyaa baaritaan.
●Upper endoscopy: waa qalab (tuubbo afka kamarad ku wadata) bukaanka afka laga geliyo ilaa caloosha lagu dhaadhiciyo, waxaa hubinayaa in calooshuay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ama gaskeeda) ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
●Baadhitaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga cas (red blood cell) uu ku yaryahay bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemic).
●Fecal occult blood test (stool test) (baadhitaan saxaro): waxaa lagu ogaadaa in saxarada bukaanka dhiig la socdo.
Ku wani waxay yaraynayaan acidka waxaana ka mid ah:
●histamine (H-2) blockers, waxay yareynayaa acidka lagu soodeeynaayo marakin dheefsiidka iyo waliba xanuunka badan.
Sidee loo yarayn karaa khatarta gaaska?
Wuxuu u baahanyahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan.
1) Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.
2) Qaado cunto baal leh (ama buunsho leh, diir leh, buushi leh, gal leh, qolof leh nin ba siduu u yaqaanno sida gallayda, garawga, hadhuudh yaryaraha ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii) ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada, digirt iyo hadhuudhka.
3) U qaado si sax ah talada uu ku siiyo adeegahaaga caafimaad.
F.G: Cudurkan inkastoo aad u dhib badan yahay hadana waa la ciribtiri karaa.
Hadaba si laguu caawiyo la xiriir
Whatsapp: +252 614424610https://wa.me/message/RKOAQ7IEIKQSP1