Somalia CoronaVirus

Somalia CoronaVirus Waxaad ka heleysaan corona virus wararkii ugu dambeeyay iyo macluumaad ku saabsan

Heerka Corona Virus Somaliya
15/04/2020

Heerka Corona Virus Somaliya

Waxaa soo kordhay xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka Corona ee wadanka gudihiisa

13/04/2020

DEG DEG AH- 32-qof oo kusugan Muqdisho oo maanta laga helay Coronavirus,waana tiradii ugu badneed ee 24-gudahood la helo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

Address

Km4
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia CoronaVirus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Somalia CoronaVirus:

Shortcuts

Share