Tanaad Pediatric Hospital

Tanaad Pediatric Hospital Tanaad Hospital

10/09/2024

waxaa loo kala saraa dhoor nooc lakiinse waxaa ugu muhiimsan A,B,C.

A waxaa laga qadaa biyaha wasaqda qudaarta aan la dhaqin iyo nadafada oo hooseysa.

B waa mid lala noolaado waana xanuun si joogta aad u dareemi kartid inkastoo uusan laheen calaamado xanuun ah.

B waxaa keena caabuqa viralka ah waxaana la isku gudbin karaa galmada tusaale qof qaba B wuxuu u gudbin karaa qofkii uu la galmooday waa haddii uu yahay midka activeka ah.

Sidoo kale hooyada uurka leh haddii ay la ildaran tahay waxay u gudbin kartaa ilmaha ay caloosha ku siddo.

Sidoo kale waxaa la isku gudbin karaa qalabyada la wada isticmaalo tusaale Cidiyo gurta,timo jaraha cirbadda iwm .
B waxaa la nool dad badan.

C waa kan ugu daran wuxuu ka yimadaa B qofka marka uu qabo B wuxuu ku noqon karaa C oo ah in uu dhaawac gaarsiiyo beerka wuxuuna isku sii badali karaa kancer

Hadda haddii aadan wali iska talaalin Hepatitis B iska talaa waa xanuun halis ah.

Ee Si Degdeg ah uso dalbo Dawadan oo Dabiiciga ah Taaso kaa ciribtirayso gabi ahaanba Cagaarshowga

Faa,iidada daawada cagaarshowga:

(1) waxey dhiiga ka sifeyn wixii ku jira oo caabuq ah

(2) waxey xoojin shaqada beerku u hayo jirka

(3) waxey daawo u tahay cagaarshowga noocyadiisa kala duwan

(4) waxey u roon tahay dhamaan xanuunada ku dhaca beerka

Fiiro gaar ah: daawadan loogu talagalay cagaarshowga waxey soconeysaa mudo sadax bilood ilaa lix bilood oo xidhiidh ah.
Sadax bilood kadibna ilaahey idankii waad kaga bogsoon cagaarshow nooc walboo uu yahay.

09/09/2024

𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐈𝐃𝐀𝐇𝐀
Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:
1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.
Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐛𝐚𝐠𝐚 𝐈𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐨𝐫 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐮𝐬𝐚𝐲?
Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,
waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,
Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.
Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:
1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.
2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".
Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.
Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.
Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.
Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.
Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.
Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.
Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.
Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.
Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.
Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.
𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc

AUTISM(Dhakaake)AUTISM :ma ahan cudur balase waa fakar  ilmuhu ay ufahmaan nolosha sida caruurtakale aysan u fahmeen .Ma...
10/08/2022

AUTISM(Dhakaake)

AUTISM :ma ahan cudur balase waa fakar ilmuhu ay ufahmaan nolosha sida caruurtakale aysan u fahmeen .

Maxalagu gartaa in ilmuhu uu xaladaas kujiro

●In uu kuyimaado dib udhac koritaanka ilmaha.dhinacyada dad ladhaqanka xifradaha kala duwan sida hadlka iyo ciyaarta .
● Taabashada ilmaha oo dhibta ama ayasan jeclaan in loso dhawaado.
● ILmaha yar oo an kuso egi kari /fiirin karin
● Dhadhanka oo kaluma wax walbo o sikale ugu dhadhamo.
● in uu ku cel celiyo wixii la dhaho sida magacaa in uu kugu so celiyo magacaa.
●Dhib kunoqosho hadii su aal la weydiiyo
●ILmaha o codkodu kaduwanado ilmaha kale

Ugudanbeen hooyo ama aabe lasoco ilmahaaga inta uu yar yahay koriimada maskaxeed iyo tan jireedba.

MAHAD SANIDIIN

Nafaqa darada caruurta ku dhacda Nafaqa daradu waa in uu jirku kayarado waxa uu u baahnaaa, ayada oo saameyn ku imaato m...
05/08/2022

Nafaqa darada caruurta ku dhacda

Nafaqa daradu waa in uu jirku kayarado waxa uu u baahnaaa, ayada oo saameyn ku imaato maskaxiyan iyo jismiyanba dhalaanka yar .
Nafaqadarada ilmaha ku dhacda waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah.
■nafaqada dhalaanka uu qaadanaayo oo yar taasi waxa ey sababi kartaa caabuqa ilmaha ku dhaca .
■ Nnafaqada dhalaanka uu qaadanaayo oo isku dheeli tirneen tan ayaa sabata in ilmuhu nafaqadaro lagu arko.

Maxaad ku garan kartaa.
● IN miiskaanka ilmaha uu hoos udhaco
●IN timaha ilmaha ey qalalaan
● IN daamanaka ilmaha eey caato yihiin
●IN uu ilmuhu dabecad xun yahay (oyinbadan
●IN uu jirka ilamaha uu yeesho nabro
●IN uu ilmuhu cuntada kaa diido
●IN uu ilmuhu dhiig la aan ku dhacdao
● UGUDANBEEN caloosha oo so bararto

Latacaalida ilmaha nafaqadarada heysa badanaa malahan latacaalid guriga ah waa in aad geysaa isbitaaal.

Hooyo kataxadar ilmahaaga inta eysan nafaqa laaan kudhicin oo sii cuno isku dheelitiran

MHDSANIDIIN

Address

Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tanaad Pediatric Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category