Dufle Specialist Hospital

Dufle Specialist Hospital Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dufle Specialist Hospital, Hospital, Taleex Road, Hodan District, Mogadishu.

Prof/Dr. Cusmaan Max'uud Dufle waa dhaqtar ku taqasusay daweynta Cudurada gudaha (Internal medicine) Cudurada ku dhaca Caloosha, Beerka, iyo Dheefshiidka (Gastroenterology & Hepatology) iyo qalabka lagu baaro (Endoscopy and Ultrasound)

31/05/2026

Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2026 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, (WORLD NO TO***CO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan.

PROF. DUFLE: “HA U OGGOLAAN SIGAARKA IYO TUBAAKADA INEY NOQDAAN SABABAHA HORSEEDA DHIMASHADAADA”Maanta oo ay bishu tahay...
31/05/2026

PROF. DUFLE: “HA U OGGOLAAN SIGAARKA IYO TUBAAKADA INEY NOQDAAN SABABAHA HORSEEDA DHIMASHADAADA”

Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2026 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, (WORLD NO TO***CO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2026 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo hal-ku-dhigga sanadkaan uu yahay “FASHILINTA XEELADAHA DHALANTEEDKA AH EE AY ADEEGSADAAN WARSHADAHA TUBAAKADA IYO NIKOTINKA SOO SAARA “Unmasking the Appeal: Exposing Industry Tactics on To***co and Ni****ne Products” taasoo si gaar ah diiradda loogu saarayo sidii looga hortegi lahaa warshadaha tubaakada ineysan ku soo jiidan dhalinyarada, dhaldhalaalka iyo dhadhanka beenta ah iyo waxyaabaha kale oo lagu daro tubaakada iyo sigaarka (flavors).

Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa halis caafimaad haba ku kala badnaadeene.

Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.25 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraaya.

Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, in ka badan 7 milyan waa dadka si tooska ah u caba sigaarka halka 1,000,000 oo qof ay yihiin dadka sida dadban ku caba sigaarka (Second-hand Smoke).
Isticmaalka Tubaakada iyo Cabista sigaarka waxaa la sheegay iney ku jiraan in ka badan 400 maado oo kiimika ah oo qaar ka mid ah ay yihiin sun, 70 ka mid ahna ay sababi karaan cudurka halista ah ee kansarka. Waxaana ka mid ah maadooyinkaas: Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide, amooniyo iyo qaar kaloo badan. Waxaa kaloo ku jirta maadada Nicotin-ka ee sababta in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Halista dadka sigaarka caba waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.

Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti h**e in khatarta cudur ee uu keenayo iney sii yaraan karto.

Cabista Sigaarka & Saameynta Caafimaadka

Cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada waxay sababaan 25 cudur ku dhawaad waxaana ka mid ah kuwa ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD) (Sambabka oo weynaada ama adkaada Emphysema iyo Chronic Bronchites); wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xametida, xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo.

Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).

Wuxuu kaloo caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer).

Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.

Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhacda taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu kacsan tahay.

Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha taasoo sababi kara indha la’aan, Maqalka dhagahana wuxuu u keenaa dhego la’aan, sidoo kale wuxuu sababaa midabdoorsiga ku dhaca Maqaarka, wuxuuna wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.

Waxyeelada Sigaarka Iyo Tubaakada

Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) sida guryaha caruurtu joogaan ama goobaha bulshada isugu timaaddo kuwaasoo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkooda lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu h**ey u soo saaray Qaraar mamnuucaaya cabista sigaarka ee goobaha bulshadu ay ku kulmaan sida: suuqyada, garoomada, goobaha waxbarashada, hotellada & maqaayadaha, basaska & baabuurta kale. Sidoo kale waxaa reebban xayeysiinta, suuq-geynta sigaarka iyo tubaakadaba looga sameeyo Iddacadaha, telefishinnada, iyo baraha bulshada.

Waxaa kaloo jirta in canshuurta tubaakada iyo sigaarka kor loo qaado si loo yareeyo isticmaalkooda loona daryeelo caafimaadka bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed 30kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaas oo ku keeni karaaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.

BAAQ

Waxaan dhammaan ugu baaqeynaa hay’adaha daneeya joojinta cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada iney ka hortagaan beegsiga dhalinyarada ay ku hayaan warshadaha tubaakada iyo sigaarka soo saara, iyagoo ku soo jiidanaya dhadhanka iyo waxyaabaha kale ee lagu daro tubaakada iyo sigaarka (flavors).

Waxaan kaloo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada bacdamaa diinteenna Islaamka ay nooga digto in nafta la tahluukeeyo ama dhimasho loo horseedo.

قال الله تعالى : وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ ۛ وَأَحْسِنُوا ۛ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُحْسِنِينَ.
وقال عزوجل: وَلَا تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا

Wa-Billaahi-Tawfiiq

Sen./Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, M.D.,
Senior Consultant of Internal Medicine, Gastroenterology, & Hepatology
Muqdisho – Somalia

🚭 31-ka May – Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tubaakada iyo Sigaarka (World No To***co Day)Maanta oo ku beegan 31-k...
31/05/2026

🚭 31-ka May – Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tubaakada iyo Sigaarka (World No To***co Day)

Maanta oo ku beegan 31-ka May, dunidu waa xuska Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tubaakada, taas oo lagu xusuusinayo bulshada khatarta caafimaad, dhaqaale iyo bulsho ee ay leedahay sigaarka iyo dhammaan noocyada tubaakadu.

Sigaarku wuxuu sabab u yahay malaayiin dhimasho ah sannad kasta, wuxuuna kordhiyaa halista cudurrada wadnaha, kansarka, dhiig-karka, neef-mareenka iyo xanuunno kale oo badan. Sidoo kale wuxuu saameyn taban ku yeeshaa qoysaska iyo dhaqaalaha bulshada.

Maalintan muhiimka ah waxay fursad u tahay qof kasta oo isticmaala sigaarka ama tubaakada inuu qaato go’aan geesinimo leh oo uu ku joojinayo, si uu u ilaashado caafimaadkiisa, qoyskiisa iyo mustaqbalkiisa.

✅ Joojinta sigaarku waxay hagaajisaa caafimaadka wadnaha.
✅ Waxay kordhisaa awoodda neefsashada.
✅ Waxay yaraysaa khatarta kansarka iyo cudurro kale oo badan.
✅ Waxay badbaadisaa lacag iyo waqti.

Aan wada dhisno bulsho caafimaad qabta oo ka madax-bannaan sigaarka iyo tubaakada.

***coDay
***co


CIID WANAAGSAN
26/05/2026

CIID WANAAGSAN

26/05/2026

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dufle oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciidul Adxaa Mubaarak

26/05/2026

Maxay tahay sababta Bukaanada qaar ee qaba Sokorta loo siiyo cirbada Insulin?

Dr. Abdikariin Cibaar oo taqasusay
Cudurada gudaha iyo Uur-ku jirta

25/05/2026

Maxaa keena xiranka ku yimaada Mindhiciraha? Sideese wax looga qaban karaa?

Dr. Xassan Cali Cabdulle
dhaqarka Qaliimada Guud & Leysarka ee
Isbitaalka Taqasusig ah ee DUFLE

𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗵 𝗘𝗲 𝗞𝗮𝗹𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮.Waxaan u hambalyeyneynaa Dhammaan Kalkaaliyaasha Soomaaliyeed,si gaar a...
12/05/2026

𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗵 𝗘𝗲 𝗞𝗮𝗹𝗸𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮.
Waxaan u hambalyeyneynaa Dhammaan Kalkaaliyaasha Soomaaliyeed,
si gaar ah hawlwadeennada Isbitaalka.


08/05/2026

Muxuu yahay hargabka Maalmahan magaalada ku jira ee Waalidiin badana ay si weyn uga walaacsan yihiin?

Dr. Abdikariim Ahmed Mohamed
Dhaqtarka Caruurta ee Isbitaalka Dufle

05/05/2026

Sidee loo xalin karaa Welwelka ama (Stress-ka) ay hooyada dareento Xiliga Uurka?

Dr. Najmo Cali Cadde oo ku taqasustay
Cudurada Haweenka, Dhalmada iyo Qaliimadooda, kana howlgasha
Isbitaalka taqasusiga ah ee Dufle

Address

Taleex Road, Hodan District
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dufle Specialist Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category