11/10/2026
Somali Mental Health Association ayaa qeyb libaax ka qaadatay xuska Maalinta πππππ’π¦ππππ€π ππ‘π’π¦π’π«π€π ππππβππππ.
Muqdisho, 10, October 2026; waxaa Munaasabadda ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Munaasabadda oo ka dhacday Jazeera hotel -Muqdisho ayaa lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka, oo sannad kasta la xuso 10-ka Oktoobar.
Munaasabdda waxaa sidoo kale ka qeyb galey Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Fartuun Shariif Maxamed; Maareeyaha Hayβadda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin; iyo Madaxa Caafimaadka Dhimirka ee Wasaaradda, Dr. Seynab Axmed Nuur, xubno ka socday Ururka Caafimaadka dhimir somaliyeed.
Sidoo kale Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Hayβadaha caalamiga sida WHO kuwa maxaliga ah, Jamacadaha dalka Urarada Caafimaadka iyo arday barata Cilmi nafsiga ee ka socday jamacadaha kala duwan ee wadanka.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda caafimaadka dhimirka, kor u qaadista wacyigelinta bulshada iyo baahida loo qabo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Dr. Seynab Axmed Nuur iyo masβuuliyiinta kale ee madasha ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka ceebeynta iyo takoorka, iyagoo ku baaqay in dadka la nool dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka la siiyo daryeel, naxariis iyo taageero ku habboon.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa munaasabadda ka daahfuray Siyaasadda Qaran ee Caafimaadka Dhimirka ee Soomaaliya 2026β2030, taas oo ah siyaasaddii ugu horreysay ee heer qaran ee Soomaaliya yeelato. Siyaasaddan ayaa hagitaan u noqon doonta qorsheynta, isku-duwidda iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dhimirka muddada shanta sano ee soo socota, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka daryeelka caafimaadka dhimirka ee dalka.
Daahfurka siyaasaddan ayaa ah tallaabo muhiim u ah xaqiijinta helitaanka adeegyo caafimaadka dhimirka oo tayo leh, loo dhan yahay, isla markaana daboolaya baahiyaha bulshada. Masβuuliyiinta ka qaybgalay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga dowladda, xarumaha caafimaadka, jaamacadaha, hayβadaha bah-wadaagta ah iyo bulshada, si loo ilaaliyo xuquuqda iyo karaamada dadka la nool dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, loogana hortago takoorka iyo faquuqa.
Ugu dambayn waxaa halkaas wasiirku shahaado sharaf ku gudoonsiiyey arday somaliyeed oo qayb libaax ka qaadataywacyi gelinta bulshada iyo qabsoomidda munaasabad.
----------------