05/05/2026
𝟓-𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐣𝐨, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐔𝐦𝐮𝐥𝐢𝐬𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 #𝐈𝐃𝐌𝟐𝟎𝟐𝟔
Sannad kasta, 5-ta Maajo, waxaa loo dabbaal-degaa maalinta caalamigaa ee Umulisooyinka adduunka.
5-tii Maajo, sanadkii 1991-dii, ayaa la asteeyey xuska maalinta umulisada. Xuska maalintaan waxaa looga gollahaa in lagu sharfo shaqada umulisada iyo in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda ay u leedahay bulshada, daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
“Sanad kasta, in ka badan 300k oo haween ah ayaa u geeriyooda sababo la xiriira uur, illaa 2 milyan oo dhallaan ah ayaa dhinta waxyar ka dib markay dhashaan. Sidoo kale illaa 2.6 milyan ayaa uurka ku dhinta oo aan ifka nolol ku imaan”
Maalinkaaan waa maalin loogu talo galay in la weyneeyo shaqadda adag ee umulisooyinku u hayaan hooyada iyo dhallaanka iyo kaalinta ay uga jiraan bulshada.
Halku dhigga sanadkaan ayaa ah “In loo baahanyaay 𝗵𝗮𝗹 𝗠𝗶𝗹𝘆𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗨𝗺𝘂𝗹𝗶𝘀𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 𝗗𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮𝗮𝗱 𝗮𝗵 adduunka oo dhan”
Hadafka dhaqdhaqaaqa "Hal Malyan oo Umulisooyin Dheeraad ah" waa in loogu baaqo madaxda caafimaadka caalamka iyo dawladaha inay kordhiyaan, taageeraan, oo ay joogteeyaan cududda shaqada umulisooyinka.
Soomaaliya, 563 haween ah ayaa ka dhinta 100,000 kasta ee dhalmo ah. Haddii aan helno umulisooyin badan, waxaynu wax ka beddeli karnaa dhimashada Hooyada iyo dhallaanka.
Helitaanka hal malyan oo umulisooyin dheeraad ah waxay ka hortagi kartaa 67% dhimashada hooyada, 64% dhimashada dhallaanka, iyo 65% dhimashada uur-jiifka.
Sidoo kale waxay badbaadinaysaa ku dhawaad 4.3 malyan oo nafood sanad kasta marka la gaaro 2035.
Sidaas awgeed, waxaa loo baahanyahay maalgashi degdeg ah oo lagu sameeyo waxbarashada, nidaaminta, iyo hoggaanka umulisooyinka.
Umulisadu waa qof loo tababaray in ay kaalmeyso dumarka xilliga dhalmada. Xirfadda umulisanimadu waxa ay soo jirtay qarniyo badan, iyaga oo guryaha ku umuli jiray. Horraantii 1800-meeyadii ayey billaabatay in la tago xarumaha caafimaadka.
Umulisanimadu waa xirfad, karti iyo daryeel jaceyl lagu hagoogay oo la siiyo hooyada uurka leh, xilliga dhalmada, dhallaanka ay dhasho, iyo in lala socdo dhalmada ka dib illaa iyo dhawr asbuuc.
Waxa ay bixiyaan daryeelka ugu horreeya ee ubadka, waana gacanta koobaad ee nolosha kusoo dhaweysa. Waxay garab istaagaan hooyada xilliga ay ugu baahi badan tahay.
Badbaadinta hooyada iyo dhallaanka waa masuuliyad aan lagu cabiri karin erayo kooban, waa shaqo naf-hurnimo ah oo u baahan aqoon, qibrad, naxariis iyo dulqaad.
Umulisadu waxay laf-dhabar u tahay faya-qabka iyo daryeelka hooyada iyo dhallaanka, waxayna buddhig u tahay istaraatijiyadda lagu yareynayo heerka dhimashada hooyada iyo dhallaanka.
Umulisadu waxay ku wacyigalisaa hooyada uurka leh ama nuujineysa inay daryeesho caafimaadka nafteeda, qaadashada cuntooyinka nafaqada leh iyo in ay si joogto u booqato xarumaha caafimaadka.
Sidaas darteed, umulisooyinku waxay u baahanyihiin in ay helaan tababar tayo sare leh oo dhameystiran, si kor loogu qaado xirfaddooda daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
Umulisooyinka soomaaliyeed waxay ku shaqeeyaan xaalado adag iyo duruufo kala gadisan, una baahan in wax laga badalo, anigoo ku dhiiragalinaya shaqada adag ee bulshada u haayan.
Meertadaan sanad laha ah waa in looga faa’iideysto tayeynta iyo horumarinta goobaha loogu shaqeeyo hooyada iyo dhallaanka.
In ay helaan mushaar ku filan oo cadaalad ah, shaqo amni ah, agab caafimaad oo dhamystiran iyo xirfad sare oo tayo leh ayaa lagu dhimi karaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka.
Ugu dambeyn, aniga oo ka faa’iideysanaya munaasabadda maalinta caalamigaa ee umulisooyinka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhamman umulisooyinka soomaaliyeed oo had iyo jeer u taagan soo saaridda jiil cusub oo badqaba iyo u adeegidda bulshada.