28/09/2026
WORLD HEART DAY 2026
Maanta oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha (World Heart Day), waxaan xusuusaneynaa muhiimadda uu wadnuhu u leeyahay nolosheenna iyo baahida loo qabo in aan si joogto ah u daryeelno caafimaadkiisa.
Cudurrada wadnaha ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhimashada adduunka, balse badankood waa laga hortagi karaa iyadoo la qaato nolol caafimaad leh, la sameeyo jimicsi joogto ah, la cuno cunto dheellitiran, lana sameeyo baaritaanno caafimaad oo joogto ah.
❤️ Daryeel wadnahaaga.
❤️ Ogoow xaaladda caafimaadkiisa.
❤️ Qaado tallaabooyin yar yar oo saameyn weyn leh.
"Wadnahaada Daryeel, Noloshaadana Ilaali."
📍 Redsea Hospital
❤️🫀