Duunyo Veterinary Service

Call Directions Contact the practice

Duunyo Veterinary Service Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Duunyo Veterinary Service, Hospital, Mogadishu.

13/09/2026

Duunyo Veterinary Service

09/09/2026

🐄 HAL SAC, LABA QALLIIN OO CULUS!

Sacaan waxaa lagu sameeyay laba qalliin oo kala duwan. Qalliinkii koowaad waxaa looga soo saaray ilmo meyd ah, halka qalliinkii labaad calooshiisa laga soo saaray 60 KG oo baco ah.

⚠️ Bacaha lagu daadiyo deegaanka waxay khatar weyn ku yihiin caafimaadka iyo nolosha xoolaha.

♻️ Ilaalinta deegaanka waa badbaadinta xoolaha.

04/09/2026

🐄💔 KUUL WUXUU CALOOSHIISA KU SIDAY 45KG OO BACO AH!

Muddo ayuu Kuul la noolaa xanuun aanu hadal ku sheegi karin. Cuntadii wuu ka faa’iidaysan waayay, jirkiisuna maalinba maalinta ka dambaysa wuu sii daciifayay.

Markii qalliin lagu sameeyay, calooshiisa waxaa laga soo saaray 45 kiiloogaraam oo baco iyo qashin ah.

Kuul maanta wuxuu helay fursad cusub oo nololeed. ❤️‍🩹

Fadlan bacaha ha ku tuurina meelaha ay xooluhu wax ka daaqaan—bac aad maanta tuurto waxay berri dili kartaa neef aan waxba galabsan.

🎥 Daawo qisada Kuul iyo dadaalkii lagu badbaadinayay.

02/09/2026

🐄 SACII KUUL OO LAGA SOO SAARAY 45KG OO BACO AH!

Sac lagu magacaabo Kuul ayaa lagu sameeyay qalliin, waxaana calooshiisa laga soo saaray 45 kiiloogaraam oo baco iyo qashin ah.

Bacahaasi waxay muddo ku urursanaayeen calooshiisa, waxayna halis weyn geliyeen caafimaadkiisa iyo noloshiisa.

⚠️ Bacaha lagu daadiyo deegaanka waxay xannibaan caloosha xoolaha, waxayna sababi karaan caatoobid, cunto-diid iyo dhimasho.

♻️ Ilaalinta deegaanka waa badbaadinta xoolaha.

🎥 Daawo muuqaalka qalliinka lagu badbaadinayay Kuul.

01/09/2026

🐄 QISADII SACA MADOOBE – BEFORE & AFTER

Afar bilood ka hor, Madoobe wuxuu ku jiray xaalad aad u halis ah. Aad buu u caatoobay, caanihiina way yaraadeen, wuxuuna geeri u dhawaa sababo la xiriira baco calooshiisa ku ururay.

Waxaan qalliin ugu samaynay degmada Kaaraan, waxaana laga saaray bacihii dhibaatada ku hayay.

Maanta, afar bilood kadib, Madoobe si wanaagsan ayuu u bogsaday. Meeshii qalliinka iyo tolmadiiba way baaba’een, wuu cayilay, caanihiina way bateen. Qoyska milkiilaha Shiine oo ku tiirsanaa saca ayaa dib u helay rajadoodii.

🎥 Daawo farqiga u dhexeeya xaaladdii Madoobe ee BEFORE iyo xaaladdiisa maanta ee AFTER, iyo wareysiga Shiine oo ka warramaya qisada oo dhan.

⚠️ Bacaha si masuuliyad leh u tuur—ilaalinta deegaanka waa badbaadinta xoolaha.

30/08/2026

🐄⚠️ 40KG OO BACO AH IYO RAADADKII XOOLO KU NAF WAAYAY!

Waxaan booqannay xero aan h**e qalliin uga samaynay sac aan calooshiisa ka soo saarnay 40 kiiloogaraam oo baco ah. Intii aan xerada dhex soconnay, waxaan dul istaagnay bacihii laga soo saaray laba sac oo h**e u dhintay. 💔

Bacahan dhulka yaalla waxay xambaarsan yihiin sheeko murugo leh iyo digniin ku socota dhammaanteen.

♻️ Qalliinka keliya kuma filna haddii bacuhu weli yaallaan meelaha xooluhu wax ka cunaan. Aan ka fogeyno bacaha calafka iyo xerada, qashinkana si ammaan ah u ururinno.

🎥 Daawo booqashada iyo farriinta aan bulshada la wadaagnay.

Xoolihii dhintay dib uma soo celin karno, laakiin kuwa nool waan ka ilaalin karnaa khatartan.

📢 La wadaag si wacyigelintu u gaarto xoolo-dhaqato badan.

29/08/2026

Minerals ku waxay muhiim u yihiin xoolaha loo rabo fattening-ka waayoo looma stress, bac iyo qashin ay cunaan , deganaan la'aan ay ku dareemaan xerada iwm sidaas darteed waa muhiim inuu yaalo xeradaada i.a

kaliya waxyar ayay ku dhameeyeen dhagaxaan waxaa dareemee sida ay ugu baahnaayeen durbana u leefeen.

Naga soo wac 0619604160

29/08/2026

🐄 SUBAX KALE IYO QALLIIN KALE!

Maanta waxaan qalliin ku sameynay sac calooshiisa ay ku urureen xargo, carro, caagado, biro iyo waxyaabo kale oo aan dheefshiidkiisu qaadi karin.

Waxyaabahan waxay saca ku keeneen xanuun, cunto-xumo iyo calool-fadhi. Qalliinka ayaa loogu sameeyay si looga saaro qashinka loona badbaadiyo noloshiisa.

⚠️ Fadlan deegaanka ha lagu daadin qashinka. Ilaalinta deegaanka waa badbaadinta xoolaha.

🎥 Daawo muuqaalka qalliinka iyo waxyaabihii laga soo saaray caloosha saca.

28/08/2026

🩺 ATRESIA ANI – PART TWO | NATIIJADA QALLIINKA

Maanta waxaan si guul leh u xallinnay kiis lagu magacaabo Atresia ani. Waa cillad lagu dhasho oo neefku ku dhasho isaga oo aan lahayn daloolka dabada, taasoo ka hor istaagta in saxaradu dibadda u soo baxdo.

Qalliinka kadib, orgiga waxaa si guul leh loogu sameeyay daloolkii saxaradu ka soo bixi lahayd. Muuqaalka waxaad ku arki doontaan goobtii qalliinka oo la xiiray iyo saxaradii oo si wanaagsan uga soo baxaysa.

✅ Qalliinku waa guuleystay, xaaladda orgiguna waa wanaagsan tahay.

🎥 Daawo Part Two iyo natiijada qalliinka.

27/08/2026

🩺 ATRESIA ANI – PART ONE | HORDHACA QALLIINKA

Maanta waxaan xalinnay kiis lagu magacaabo Atresia ani. Waa cillad lagu dhasho oo neefku ku dhasho isaga oo aan lahayn daloolka dabada, taasoo sababaysa in saxaradu dibadda u soo bixi weydo.

Xaaladdani waxay keeni kartaa calool-barar, xanuun iyo khatar caafimaad haddii aan si degdeg ah qalliin loogu sameyn.

🎥 Qaybta koowaad: Daawo hordhaca iyo diyaarinta qalliinka.

Address

Mogadishu
00252

Telephone

+252619604160

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Duunyo Veterinary Service posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Duunyo Veterinary Service:

Shortcuts

Share

Category