Dr. Mohammed M. Farah

Dr. Mohammed M. Farah Your Health Is your Real Wealth.

20/03/2022

Not all Dead Babies are actually dead..They just need PROFESSIONAL HANDS.

(Watch till the end)

06/03/2022

Real.

03/03/2022

Isticmaalka Taabuuga oo sii noqonaya mid bulshada ku sii faafaya “Hyper-Endemic”.
Waxaa jirtay, waqti uu ahaa naadir “rare”, balse hada aan aad uga dhex arkaya dhalinta yar yar dhexdooda.

Saameenta taabuuga kuma eko caafimaad darada ka dhalan karta (Physiological problem -e.g. Oral Cancer), balse wuxuu ku reebay dhalinta mid “Psychological -Addiction-“.
Waxaa intaasi sii dheer saameenta dhaqaale “Economical” iyo mida la xirirta hab dhaqanka “behavioral” da’ yarta soo koreyso.

Waxaaan ku baaqayaa in aanan marnaba la dhayeelsanin waxyaabaha saameeya “Negative impact” jiilka soo koraya.

Mohamed Ganow.

16/02/2022

Hyperreflexia with Clonus (Upper Motor Neuron Lession, UMNL).

DHIBAATOOYINKA DAWOOYINKA LAISKUNAAXAIYO.1. Waxaa Lagaqaadaa Cudurka Sonkorta.2. Waxa Ay Jilciyaan Lafaha ilaa Ay jabiya...
07/02/2022

DHIBAATOOYINKA DAWOOYINKA LAISKUNAAXAIYO.

1. Waxaa Lagaqaadaa Cudurka Sonkorta.

2. Waxa Ay Jilciyaan Lafaha ilaa Ay jabiyaan.

3. Waxay Hoos Udhigaan Difaaca Jidhka.

4. Waxay Sababaaan Niyad jab Nafsiya.

5. Waxay Sababaan Inuu Kugudhaco C. Dhiikarka.

6. Waxay Keenaan Hamada Oo Yaraata.

7. Waxay keenaan In Qofku Naaxo.

8. Waxay Sababikaraan In Caad Indhaha Fuulo.

Fadlan Kataxadar Dawooyinkaa Hadaan Dhakhtar Kuuqorin.

FADLAN SII SHARE GAREE.

Cudurada   Runtii Waa Ay kusoobadanayaan Dalkeena Somaliya Sidaad Awgeed Waa Muhiim1. In Korlooqaado Wacyiga Bulshada Ee...
04/02/2022

Cudurada Runtii Waa Ay kusoobadanayaan Dalkeena Somaliya Sidaad Awgeed Waa Muhiim

1. In Korlooqaado Wacyiga Bulshada Ee Cuduradan ,Siay Ufududaato In Xilihore laogoodo Cudurka.

2. In Lahelo Dhakhaatiir Khutakasustay Maadadan.

3. In Dawladu Maalgaliso Xarumo Ugaara Latacaalida
Cuduradan Siloogusoo Refeergareeyo Bukaanada Ubaahan Una dajiso hindise ugaara.

4. In Bahda Caafimadku Kubaraarugsanadan Cudurkan Markii Aybukaanada Qaabilayaan, Lanatashadan Dhakhatiirta Baadhitaana Cudurada Khutakhasusay(Pathologist) Iyo kuwa Qalabka lagubadho Cudurada bartay(Radiologist) Si loogabaaqsado In Lacagta Bukaanka kaga Qasaarowdo Ogaanshaha Cudurka.

5. In Laxoojiyo Cilmibaadhista Caafimad Ee Dalka.

Waxaan Bogaadinayaa Isbitaalka Jamacada Iyo Xarunta Baadhitaanada Dheecaanada iyo Cadadka(Sagal Pathology Center) Munaasabad Cudurkaa looga hadlayey Ee Ay Sooqaban Qaabiyeen.

Xuska Maalinta Kansarka Aduunka.

23/01/2022

PNEUMONIA/OOFWAREEN.

1.WAA MAXAY CUDURKA OOFWAREENKA/WAASE SIDEE SAAMAYNTIISA DUNIDA?

2. MAXAA SABABA OOFWAREENKA/IMISAASE LOOQAYBIYAA?

3. WAAMAXAY CALAAMADAHA LAGU GARTO OOFWAREENKA?

HALITOSISI ( Af Ur) waa qaac ama neef ka soo baxa dadka qaba xaalad caafimaad daro ama Nadaafadooda aysan wanaagsaneyn; ...
21/01/2022

HALITOSISI ( Af Ur) waa qaac ama neef ka soo baxa dadka qaba xaalad caafimaad daro ama Nadaafadooda aysan wanaagsaneyn; waana ur dhibaysa dadka kula jooga ama kaa ag dhaw.

CAUSES ( Sababta)
Af urka wuxuu yeelan karaa Sababo kala duwan ama wuxuu ku imaan karaa wajiyo badan.
Waxaanse u kala qaadaynaa dhawr qaybood oo badanaa sababa Af urka.
FG.

1:Poor Dental hygiene ( nadaafad xumo) ilkaha oo aan la nadaafin ama qofka oo aan ku dadaalin cadayga cunada ka dib.

2:Xerostomia (Af qalal ama candhuufta oo yaraata) candhuufta waxa ku jira dhecaano (Enzymes) kuwaas oo loogu talo galay inay nadiifiyaan afka iyo carabka; sidaas darteed Afka oo qalala wuxuu samayn karaa Ur daran.

3: Infections in your mouth ( Caabuq afka ah ) caabuqyada ku yimaada afka, ciridka ama Ilkaha ayaa ah mid ka mid sababaha keena af urka.

4: Other mouth, nose and throat conditions. (Xaalado kale sida afka, Hanqalaalka ama tuubada neefta oo caabuqyo qaba ama dhawaac soo gaadho) dhaawac ama caabuq ku yimaada afka, sanka iyo tuubada hawo mareenka.

5:Medication (Dawooyin) waxa jira sababo af urka keena oo la xiriira noocyo daawo ah oo si dadban u keena afka oo ura; dawooyinkaas oo sababa innuu afku qalalo ama ay yaraato candhuuftu taasina ay sababto af ur.

6: Smoking and Tobaco ( sigaar cabida iyo Tubaako cunista) dadka caba sigaarka iyo kuwa tubaakada cuna ayaa badanaa wajaha af ur dhib badan.

7: Onions and Garlic ( Basasha iyo Toonta ) ayaa ah kuwo sababi kara ur an la jeclaysan.

8:kissing (dhunkasho) dhunkashada qof leh Af ur ama caabuq afka ah ka dibna aanad ku dadaalin nadaafada isla wakhtigaasi ayaa sababikarta inaad Yeelatid af ur.

9: Other Causes ( sababo kale) waxa jira xanuuno ku yimaada Organda gudaha sida; Kansarada qaar iyo xanhuno kale oo ku yimaada habdhiska dheefshiidka iyo gastriga.

PHT . Mukhtar muhiyadin Ahmed.

Most Comman Serious illness in Children in One Chart.
06/01/2022

Most Comman Serious illness in Children in One Chart.

 .
06/01/2022

.

Ma xanuun magaciisu INFEKSHAN”infection” yahay ayaa jira ?Badanaa waxaan arkaa dad igala tashanaya caafimaadkooda oo igu...
23/11/2021

Ma xanuun magaciisu INFEKSHAN”infection” yahay ayaa jira ?

Badanaa waxaan arkaa dad igala tashanaya caafimaadkooda oo igu yidhaahda waxa laygu sheegay infekshan ,ilaa waa aan dhawayna waxaan rabay inan bulshada bal mar u iftiimiyo.

Waa maxay infekshan"infection"ku ?

Infekshanku maaha xanuun ee waa jeermis sidayaashu markay jidhkaaga soo galaan sida bakteeriya fayrus ama fangasku ciladna kugu keenaan ciladaas ayaa ah caabuq”infection”,waxaanay sababi karaan xanuuno kala duwan oo magacyo kala duwan leh oo kuwooda ugu halisaysan lagu barto maadada “infectious diseases”ka oo ay tahay in badhitaan”diagnosis” lagu kala saaro lana sheego magaca xanuunka ay jeermis sidayaashu sababeen ee maaha in inta qofka la baadho layska yidhaahdo uun infekshan ayaa ku haya loona miiso dawooyinka lagula dagaalama jeermis sidayaasha”antibiotics”.

Wadamada horumaray dhakhtarku dawo uma qori karo qof ilaa uu ogaado jeermiska keenay xanuunka iyo xanuunka magaciisa oo lagu sheegayo halka waraaqda baadhitaanka ay ku taalo”diagnosis”se sidaan markasta arko inaga bulshadeena waraaqaha ay ii soo diraan badankooda oo dhan kuma yaalo waxa qofka laga helay ee laga dawaynayaa ,sababta mooyi ma waxay ka baqayaan in marka dhakhtar kale la tuso dawada iyo xanuunku is yeelan waayaan ? mise danba k**a laha oo waa iga gee ilayn cid dabagalaysaa ma jirto oo odhanaysa bukaankan xanuun noocma ah ayaad ka dawaynaysaa aad dawo u qortide ?mise maadaama aanu infectologist ahayn ama xubinta bukaanku ka cabanayo aanu ku takhasusin xanuunada ku dhaca darteed ayay ku dhex anbadaan xanuunka haya umana diraan dhakhtar ku takhasusaye infekshan ayaa ku haya ayuunbay yidhaahdaan si aanu bukaanku uga tagine antibiotics ayuunbay u qoraan ?

Waxaan ku soo koobayaa waa marka kobaade xanuun magaciisu infekshan yahay ma jiro e marka dhakhtar kugu yidhaahdo infekshan ayaa lagaa helay magaca xanuunka ii sheeg dheh uu sababay jeermiska jidhka soo galay ee caabuqa aad sheegayso keenay,waana inuu waraaqda baadhitaanka ku xusaa xanuunkuu kaa dawanayo si hadii uu dhakhtarku wuu qaldami karaaye aad cadayn u haysato aad maxak**ad ula tiigsan karto haduu waxaan ku hayn dawo kuuqu qoro halisna naftaadu u gasho.

Marka labaadna hadiiba dhakhtar kuu qoro dawooyinka lagula dagaalamo jeermis sidayaasha “antibiotics”ha wadin uun qaadashadooda waayo wakhti gaar ah ayaa loogu talo galay oo cayiman oo lagula dagaalamayo jeermis sidayaasha se hadaad adigu iska soo iibsato ama wakhti ka badan intuu ku yidhi dhakhtarku qaado qaadato waxa suurta gal noqon karta inaad disho jeermisyada jidhka manfaca u leh ee la yidhaahdo”normal flora”adoo is lahaa is daweena aad cilad kale isku rido.

Adoo mahadsan la wadaag(share)casharkaas bulsho u faa’idaynta ah bulshada inteeda kale si ay uga faa’idaystaan,ila soco”follow” hadaanad bogan ku taxnayn si aad cilmi korodhsi halkan uga hesho.

01/11/2021

Xoriyada caqliga Iyo Dhaqada Aqoonyahanka Sh. Mustafe.

Address

Mogadishu

Telephone

+252634803522

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Mohammed M. Farah posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr. Mohammed M. Farah:

Share

Category