20/01/2025
๐ช๐ฎ๐ฐ๐๐ถ๐ด๐ฒ๐น๐ถ๐ป ๐ธ๐ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐ป ๐๐๐ฑ๐๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐๐ฟ๐ผ๐ธ๐ฒ (๐๐๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ด/๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ด๐ฎ)
Waayahan dambe wadankena somaliya tuulo ilaa degmo waxaa aad ugu soo batay cudurka Stroke (Istaroog/Faaliga)
Istarooga waa xaalad caafimaad oo degdeg ah oo dhaca marka dhiigga aan si habboon ugu wareegayn maskaxda, taas oo keenta in qayb ka mid ah maskaxda ay lumiyaan hawshooda.
๐ช๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐ท๐ถ๐ฟ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ฏ๐ฎ ๐ป๐ผ๐ผ๐ฐ ๐ผ๐ผ ๐ถ๐๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ด ๐ฎ๐ต:
๐ญ. ๐ฆ๐๐ฟ๐ผ๐ธ๐ฒ ๐ถ๐๐ฐ๐ต๐ฒ๐บ๐ถ๐ฐ:
Waxaa keena marka xididdada dhiigga ay xirmaan (badanaa sababta ugu weyn waa xinjirowga dhiigga), taasoo keenta in maskaxdu hesho dhiig yari (oxygen yari). Waa nooca ugu badan ee stroke-ga,
๐ฎ. ๐ฆ๐๐ฟ๐ผ๐ธ๐ฒ ๐ต๐ฒ๐บ๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ต๐ฎ๐ด๐ถ๐ฐ:
Waxaa dhaca marka xidid dhiig uu dillaaco, dhiigguna maskaxda ku fido, taasoo dhaawac u geysata unugyada maskaxda. Waxaa sababi kara dhiig-karka xad-dhaafka ah, aneurysm (xididka dhiigga oo daciifa), ama dhaawacyo kale.
๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ด๐ ๐บ๐๐ต๐ถ๐ถ๐บ๐๐ฎ๐ป ๐ฒ๐ฒ ๐ถ๐๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ฎ๐ต
โ
Wajiga oo hal dhinac hoos u dhacaya."
โ
Dhibaato ku timaadda hadalka, sida in qofku aan hadli karin, hadalkiisu isku qasmo, ama uusan fahmi karin waxa loo sheegayo."
โ
Gacmaha ama lugaha oo awood la'aan noqda, gaar ahaan dhinaca midig ama bidix ee jirka.
โ
Madax xanuun aad u daran oo aan la garaneyn sababtiisa."
๐ฆ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ด๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ฒ๐๐ป ๐ฒ๐ฒ ๐ธ๐ฒ๐ฒ๐ป๐ฎ ๐๐๐ฟ๐ผ๐ธ๐ฒ (๐ถ๐๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ด/๐ณ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ด๐ฎ) ๐๐ฎ๐
๐ฎ๐ฎ ๐ธ๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ฎ๐ต"
โ
Dhiig-karka & Sonkorowga โ Labaduba waxay sare u qaadaan halista stroke. Dhiig-karka xad-dhaafka ah waa sababta ugu weyn ee keenta stroke hemorrhagic."
โ
Cunto Xumo โ Cuntooyinka dufanka badan (sida cuntooyinka la shiilay) iyo cusbada badan waxay kordhiyaan halista dhiig-karka, kolestaroolka xun (LDL) iyo xinjirowga dhiigga."
โ
Jimicsi laโaan: Dad badan ma sameeyaan wax dhaqdhaqaaq jireed ah oo ku filan."
โ
Sigaar & Qaad โ Waxay dhaawacaan xididdada dhiigga, taasoo sare u qaadda stroke.
โ
Walbahaar & Stress โ Xaaladaha nololeed ee adag waxay kordhiyeen cudurrada wadnaha.
โ
Daryeel Caafimaad Oo Liita โ Dad badan ma helaan baadhitaanno & daryeel degdeg ah.
๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฒ๐ฒ ๐น๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐๐ฎ๐ด๐ถ ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ?
โ
La soco cadaadiska dhiigga iyo hubinta inuu yahay mid xasilan oo dagan
โ
Cunto caafimaad leh: Cuntooyinka hodan ku ah fiitamiinada, khudaarta, iyo miraha.
โ
Ka fogaanshaha sigaarka iyo xadgudubka alkoolka.
โ
Jimicsi joogto ah si aad u ilaaliso caafimaadka wadnaha.
๐ซ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
โ๏ธ Yaree cusbada & dufanka.
โ๏ธ Samee jimicsi joogto ah.
โ๏ธ Iska jooji sigaar tubaagada & qaad.
โ๏ธ Hubi cadaadiska dhiigga & sonkorta.
โ๏ธ Maaree walbahaarka si caafimaad leh.
๐๐ฎ ๐๐ฎ๐๐ต๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐พ๐๐ฎ๐ฟ ๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฑ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ป๐๐ผ ๐ฐ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ต๐ผ๐ฟ๐ฒ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฟ๐ผ๐ธ๐ฒ-๐ธ๐ฎ ๐๐ถ ๐น๐ผ๐ผ ๐ต๐ฒ๐น๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐๐ฒ๐๐ป ๐ฑ๐ฒ๐ด๐ฑ๐ฒ๐ด ๐ฎ๐ต.
๐
๐๐๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ข๐ค๐ ๐ฌ๐๐๐ซ ๐ฉ๐๐ ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐ ๐๐ก๐๐ก ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฎ ๐๐ซ๐ค๐๐๐ง ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ข๐๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐๐ง