Himilo Hospital - Galdogob

Himilo Hospital - Galdogob Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Himilo Hospital - Galdogob, Medical and health, Mogadishu.
(1)

𝐊𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐨𝐨𝐰 𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐇𝐢𝐦𝐢𝐥𝐨,
𝐆𝐚𝐥𝐝𝐨𝐠𝐨𝐛, 𝐌𝐃𝐆 𝐏𝐋 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚
Tell: ☎️ 090-5564992 /5564982
HOOYADA & DHALLAANKA
QALLIIMADA GUUD
CUDURRADA GUUD & CARRUURTA
DHAKHTARKA NEERFAHA & MADAXA
D- X-RAY/ULTRASOUND/ ECG

7 jir wiil ah oo aw kusoo booday qabsin, kadibna ku dillaacay oo 7 bari aan helin adeeg caafimaad oo ku habboon ayaa loo...
11/06/2026

7 jir wiil ah oo aw kusoo booday qabsin, kadibna ku dillaacay oo 7 bari aan helin adeeg caafimaad oo ku habboon ayaa loo sameeyay qalliin culus.

Ilmahaan wuxuu yeeshay caloon xanuun dhanka bidix ah, qandho & matag marka aw wax cuno.

Baaris kadib waxaa la ogaaday in qabsin kusoo booday, caabuq sameeyay, aw dillaacay haddana aw ku jiro xaalad culus (Gen. Peritonitis).

Qalliinkisa oo socday 2 saacadood & bar (Laporatomy + Abd wash + Appendicectony) waa lagu guulaystay haddana wuxuu ku jiraa xaalad dagan.

Maxay tahay sabata dadkeenu u baran la'yihiin xanuunno ay sahlanthay ka shakigoodu sida qabsinka, ayna isugu sheegaan xanuunno ay culus tahay helistoodu sida Burseelka, Gaaska iwm?

11/06/2026

Muuqaalka 4AAD : 𝗧𝗮𝘅𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝗮 & 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮

|| Uurka kahor iyo bilaha ugu horreya isdaryeel

Dr. Abdulkadir Ibrahim
Duubista: Jaleelo Media
Nadwa cilmiyeedka qoyska, Galdogob.

08/06/2026

Muuqaalka 3AAD: 𝗧𝗮𝘅𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝗮 & 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 || Dhakhtar gaar ah yeelo.

Soojeediye: Dr. Abdulkadir Ibrahim
Duubistii: Jaleelo Media

Wargalin - Fursad shaqo - Himilo Hospital, Isbitaalku wuxuu qaadanayaa boos shaqo;Jagada:   [ QUALIFIED].Qeybta: Materni...
07/06/2026

Wargalin - Fursad shaqo - Himilo Hospital,
Isbitaalku wuxuu qaadanayaa boos shaqo;

Jagada: [ QUALIFIED].
Qeybta: Maternity & NICU
Shaqada: Midwifery Nursing
Qabashada codsiyada: 8 June 2026
Xirmashada codsiyada: 20 June 26, 8:00 PM.

keen xafiiska isbitaalka: Codsiga shaqada + Updated CV + Copy Midwifery degree kahor 8:00pm, 20 June 2026.

SHURUUDAHA : KA EEG SAWIRKA.

FG- HIMILO waxay leedahay siyaasad daahfuran oo ah qaadashada shaqaalaha, booskaan wuxuu maraya heerarka qaadashada ee kala ah Codsi, imtixaan qoraal ah & Waraysi (INTERVIEW), guulaystaha 1aad ayaa booska loo qaadanayaa waxaana loo diiwaangalinayaa guulaystaha 2aad, & 3aad boos lamid ah haddii uu bannnaanaado muddo 18 bilood ah.

07/06/2026

𝗧𝗮𝘅𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝗮 & 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮
Muuqaal : 2AAD
Ciwaanka: daryeelka xilliga uurka.

Goorma ayay tahay? Sideese loo sameeyaa hubinta caafimaadka hooyada xilliga uurka.
Dr. Abdulkadir Ibrahim , dhakhtar guud.

Duubiatii: Jaleelo Media

07/06/2026

𝗧𝗮𝘅𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝗮 & 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮

Waa muuqaallo koo-kooban oo aad kaga bogan doontaam halbeegyada aasaasiga ah ee 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘆𝗮𝗱𝗮 & 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗹𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 iyo bulshadeennu waxa ay u baahantahay si gaar ah.

Waxaa soojeediyay Mid kamid ah dhakhaatiirta isbitaalka Himilo Hospital - Galdogob oo ah Dr. Abdulkadir Ibrahim , dhakhtar guud.

Waxaa mahad gaar ah leh Al-Minhaaj oo soo qabanqaabisay kulan cilmiyeedka oo wali socda.

Gabagabada soojeedinta dhakhtarka, waxaa la socda jawaabaha 19 waydiimood oo laga keenay mawduuca, dhakhtarkuna ka jawaab celiyay.

Duubistii Jaleelo Media

Hooyadaan oo ilmaheeda 6aad uurkiisa lahayd ayaa wadday mataano, sidkeeda oo bisha 7aad uun hadda galay ayaa fool waqtig...
03/06/2026

Hooyadaan oo ilmaheeda 6aad uurkiisa lahayd ayaa wadday mataano, sidkeeda oo bisha 7aad uun hadda galay ayaa fool waqtigeeda kasoo hormartay qabatay kaddib xanuun hooyada ku dhacay, waxaa la keenay isbitaalka ayada oo fooshu isqaadatay, dhaaftay xilli la joojin karo waxayna dhashay 2 wiil oo mataano ah 40 daqiiqo gudeheedba, waxay ahaayeen kuwo aan bilo dhamaysan ay ku adagtahay in ay si badbaado leh u neefsadaan, adeegsiin kaddib waxaa la galiyay dhalada ilmaha lagu koriyo ee taalla qeybteenna daryeelka culus ee ilmaha bisha kayar ( ), hadda waa kuwo halkaas si caafimaad qabta ugu koraya, Eebbe ayaa mahad leh.
usoo duceeya, qof walba oo qoyskaan danaynaya caawintooda waa qoys danyar ah, dadka abaaruhu saameeyen kamid ah, hkray waxaa uga baxay laba ilmood, waxayna u baahanyihiin in maanta ilmahoda mataanaha ah ay u helaan garab, waxaad kalasoo xariiri kartaa Isbitaalka ama 905-564992 ama 905 564 982 .

Waa inoo farxad bixinta adeeggaan oo u ah muhiim adeegyadeenna hooyada iyo dhallaanka.

A gravida 6 Para 5 mother at 29weeks with identical (MCDA) twins, known case in our ANC , came on 1st June 2026 with frequent, strong pre-term contractions 2° to maternal infection (UTI) and cervix 5 cm dilated, soon after assessment she progressed to second stage and savely delivered two baby boys, Preterm each with 1.2kg weight! And admitted to the NICU for live saving care, helped them breath well, warm and started basic care then kept in the Incubator per local Himilo Hospital - Galdogob standards.

Life in the infant - really an amazing one

Hanbalyo qoyska   &  Abdishakur oo ku guulaystay abaalmarinta (Best ANC award) Hooyada ugu daryeel-uurrey fiican ee barn...
27/05/2026

Hanbalyo qoyska & Abdishakur oo ku guulaystay abaalmarinta (Best ANC award) Hooyada ugu daryeel-uurrey fiican ee barnaamijka hooyo-kaab.

" waa midkamid ah adeegyada aan siinno hooyada & dhallaanka kuwa ugu muhiimsan, kaasoo hooyadu bilawga uurkeeda iskadiiwaangalinayso isbitaalka, lasiiyo kaar lagula soconayo 9-ka biloodba ayada oo aan kharash danbe oo aragtida dhakhaatiirta, umulisada & iskaanka uurjiifka midna laga qaadi doonin, loo wacayo booqashooyinkeeda si joogto ah, loo qabanayo umuliso u khaas ah, lasiinayo tallaaladeeda islamarkaana lala tacaalayo xaaladaha ku imaanka kara uurka & 42 bari ee umushaba".

Caaiaho waxay ahayd hooyada ugu booqashooyinka badnayd, uguna dhaga-nuglayd talooyinka hawlwadeenka caafimaadka xilliyo ay lasoo gudboonaadeen xaalado caagimaad oo ay martay dhamaan xaaladaha bukaan-socodka, bukaan-jiifka & umushaba, waxayna abaalmarin uheshay si loo boorriyo (ANC) hadyaddo Himilo Hospital - Galdogob ugu talagashay ilmeheeda, & qiima dhimis 50% ah.

Markale hanbalyo - بارك الله لموهبكما
𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼 𝗖𝗶𝗶𝗱𝘂𝗹 𝗔𝗱𝘅𝗮 𝗔𝗹-𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸
𝗖𝗶𝗶𝗱 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻

CIID ADXA WANAAGSAN DHAMMAAN MUSLIMKA      HAPPY EID AL - ADHA TO ALL MUSLIMS ☪️Maamulka isbitaalka Himilo Hospital - Ga...
26/05/2026

CIID ADXA WANAAGSAN DHAMMAAN MUSLIMKA
HAPPY EID AL - ADHA TO ALL MUSLIMS ☪️

Maamulka isbitaalka Himilo Hospital - Galdogob wuxuu la wadaagayaa farxad tahniyadda ciidda awgeed, inta xanuunsan ALLAAH ha caafiyo.

Ciid wanagsan hawl-wadeenkeenna heeganka ah mar walba sigaara, ciidda ciiddeeda caafimaad ku gaara.

- sida aad nooga barateen qaybaha gar-gaarka dag-dagga ah, qeybta dhalmada & umusha iyo qeybaha bukaan jiifku waa kuwa furan mar walba xata maalmaha ciidda, halka bukaan-socod eegtadeennu ay fasax ahaan doonto 27 ilaa 29 May 2026 (MAALMAHA CIIDDA Sannadka & asbuuca)

#1447

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252905564982

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo Hospital - Galdogob posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Himilo Hospital - Galdogob:

Share