13/08/2026
Isbitaalka Takhasusiga ah ee Al Ihsan ayaa u fidiyay bulshada danyarta ah adeegyo caafimaad oo bilaash ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanno caafimaad iyo qalliinnada cataract-ka (cadka indhaha).
Dr. Shiine ayaa qalliinnada cadka indhaha ka fuliyay Isbitaalka Al Ihsan, iyadoo bukaannada danta yar loogu sameeyay si bilaash ah.
Ujeeddadu waa in bulshada danyarta ah loo fududeeyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, lana taageero bukaannada u baahan adeegyada indhaha.
Al Ihsan Specialist Hospital – Caafimaadkaaga, Mudnaanteenna.