Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital

Call Directions Website Contact the practice

Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital Official account of , offering advanced and modern care with a devoted and compassionate team approach.

Isbitaalka Tababarada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan - Faraciisa Labaad oo ay ka howlgalaan dhaqaatiir takhasus...
04/10/2026

Isbitaalka Tababarada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan - Faraciisa Labaad oo ay ka howlgalaan dhaqaatiir takhasus leh sida;

Dhaqtarka Cudurada Guud
Dhaqtarka Qaliimada Guud
Dhaqtarka Kilyaha iyo Kaadi Maraynka
Dhaqtarka Neerfaha
Dhaqtarka Caruurta
Dhaqtarka Ilkaha
Dhaqtarka Cudurada Faafa
Dhaqtarada Haweenka iyo Qaliimadooda
Dhaqtarka Maqaarka
Dhaqtarka Lafaha Iyo Kala goosyada
Dhaqtarka Radiology (Ultrason)

📍Kusoo booqda Isbitaalka Tababarada iyo Cilmi-baarista Recep Tayyip Erdoğan
- Faraciisa Labaad WadadaAbdiqaasim, si aad u heshaan daryeel caafimaad oo lagu kalsoonaan karo.

Recep Tayyip Erdoğan Eğitim ve Araştırma Hastanesi 2. Ek Hizmet Binası'nda alanında uzman hekimler aşağıdaki branşlarda hizmet vermektedir:

Dahiliye
Genel Cerrahi
Üroloji
Nöroloji
Çocuk Sağlığı ve Hastalıkları
Diş Hekimliği
Enfeksiyon Hastalıkları
Kadın Hastalıkları ve Doğum
Dermatoloji (Cildiye)
Ortopedi ve Travmatoloji
Radyoloji (Ultrasonografi)

📍 Recep Tayyip Erdoğan Eğitim ve Araştırma Hastanesi 2. Ek Hizmet Binası'nı (Eski Deva Binası), Abdiqasim Caddesi üzerinde ziyaret ederek güvenilir ve kaliteli sağlık hizmetlerinden yararlanabilirsiniz.

NAGALA SOCO/BIZE TAKIP EDIN
• Facebook: SomaliaTurkiyeHospital
•Instagram:
TikTok:somaliturkiye2015
•Email:[email protected]
Website: somaliaturkiyehospital.com
Linktree: linktr.ee/SomaliaTurkiye
Tel: +252 771 807447

03/10/2026

Pediatric Intensive Care Unit (PICU)

PICU waa qeybta isbitaalka ee lagu daryeelo carruurta aadka u xanuunsan ama u baahan kormeer iyo taageero caafimaad oo joogto ah.

Carruurta waxaa loo keeni karaa xaalado kala duwan sida caabuqyo daran, neefsashada oo ku adkaata, dhaawacyo culus, qalal, qalliinka kadib, iyo xaalado kale oo u baahan daryeel gaar ah.

PICU waxaa lagu isticmaalaa qalab lagu kormeero xaaladda ilmaha, waxaana daryeelka bixiya koox caafimaad oo si dhow ula socota ilmaha habeen iyo maalin.

Xusuus muhiim ah:
In ilmaha PICU la dhigo macnaheedu ma aha in rajadu dhammaatay.

PICU waa meesha ilmaha lagu siiyo daryeelka iyo taageerada ugu badan ee uu u baahan yahay si looga caawiyo inuu ka gudbo xaaladdiisa culus.

Daryeel. Kormeer. Rajo.



Çocuk Yoğun Bakım (ÇYB)

ÇYB, ağır hastalığı olan veya sürekli yakın takip, özel tedavi ve yoğun tıbbi desteğe ihtiyaç duyan çocukların tedavi edildiği özel bir ünitedir.

Çocuklar ÇYB’ye ağır enfeksiyonlar (sepsis), solunum sıkıntısı, nöbetler, ciddi travmalar, ameliyat sonrası takip veya hayati organların desteğe ihtiyaç duyduğu durumlar nedeniyle yatırılabilir.

ÇYB’de çocuğun solunumu, kalp atım hızı, tansiyonu, oksijen düzeyi ve diğer önemli yaşamsal bulguları sürekli takip edilir. Gerektiğinde ilaç, sıvı, oksijen veya solunum desteği uygulanabilir.

Önemli bir mesaj:
Bir çocuğun ÇYB’ye yatırılması, umudun bittiği anlamına gelmez.

ÇYB, çocuğun kritik durumunu atlatabilmesi için ihtiyaç duyduğu yakın takip, tedavi ve yoğun desteğin sağlandığı yerdir.

Bakım. Takip. Tedavi. Umut.

NAGALA SOCO/BIZE TAKIP EDIN
• Facebook: SomaliaTurkiyeHospital
•Instagram:
TikTok:somaliturkiye2015
•Email:[email protected]
Website: somaliaturkiyehospital.com
Linktree: linktr.ee/SomaliaTurkiye
Tel: +252 771 807447

01/10/2026

🫘 KANSARKA KELYaha — KANSAR AAMUSAN, LAKIIN XILLI H**E LOO OGAAN KARO

Dr. Faysal Farah, Dhaqtarka Kelyaha iyo Taranka, ayaa ka hadlaya muhiimadda Isbuuca Kelyaha iyo Taranka (Urology) Week 2026 iyo baahida loo qabo in la jebiyo aamusnaanta ku saabsan Kansarka Kelyaha.

Kansarka kelyaha mararka qaar calaamado muuqda ma keeno marxaladaha h**e, waxaana lagu ogaan karaa baaritaan ama sawir-qaadis loo sameeyay sabab kale.

⚠️ Calaamadaha waxaa ka mid noqon kara:
🔴 Dhiig kaadida ku jira
🩸 Xanuun joogto ah oo dhinaca/kelyaha ah
🤒 Miisaan dhicid aan sabab lahayn
🌡️ Qandho soo noqnoqota ama daal
🫧 Buro ama barar dhinaca caloosha ah

Haddii kansarka kelyaha goor h**e la ogaado, waxaa jira fursado daaweyn oo wax-ku-ool ah, iyadoo ku xiran nooca iyo marxaladda kansarka.

🩺 Ha sugin calaamaduhu inay bataan. Haddii aad leedahay calaamad aan caadi ahayn ama arrimo halis ah, la tasho dhakhtar.

Dr. Faysal Farah
Dhaqtarka Kelyaha, Kaadimareenka & Taranka
Urology | Fertility Specialist
📍 Mogadishu – Türkiye Hastanasi



🫘 BÖBREK KANSERİ — SESSİZ İLERLEYEBİLİR, ANCAK ERKEN DÖNEMDE TESPİT EDİLEBİLİR

Dr. Faysal Farah, Üroloji Uzmanı, 2026 Üroloji Haftası kapsamında böbrek kanseri konusunda farkındalığın artırılmasının ve bu konudaki sessizliğin kırılmasının önemine dikkat çekiyor.
Böbrek kanseri, özellikle erken evrelerde bazen belirgin herhangi bir belirtiye neden olmayabilir. Bazı vakalar, başka bir nedenle yapılan tetkik veya görüntüleme sırasında tesadüfen tespit edilebilir.
⚠️ Belirtiler arasında şunlar yer alabilir:
🔴 İdrarda kan görülmesi
🩸 Böbrek veya yan bölgede sürekli ağrı
🤒 Nedeni açıklanamayan kilo kaybı
🌡️ Tekrarlayan ateş veya halsizlik
🫧 Karın veya yan bölgede kitle ya da şişlik
Böbrek kanseri erken dönemde tespit edildiğinde, kanserin türüne ve evresine bağlı olarak etkili tedavi seçenekleri bulunmaktadır.
🩺 Belirtilerin artmasını beklemeyin. Olağandışı bir belirti veya risk faktörleriniz varsa bir doktora başvurun.
Dr. Faysal Farah
Üroloji ve Üreme Sağlığı Uzmanı
📍 Recep Tayyip Erdoğan Hastanesi – Mogadişu, Somali-Türkiye


NAGALA SOCO/BIZE TAKIP EDIN
• Facebook: SomaliaTurkiyeHospital
•Instagram:
TikTok:somaliturkiye2015
•Email:[email protected]
Website: somaliaturkiyehospital.com
Linktree: linktr.ee/SomaliaTurkiye
Tel: +252 771 807447

🎓 Hambalyo Guul Weyn! 🎓Maamulka isbitaalka waxa ay si diirran ugu hambalyeynaayaan Dr Yahye Abshir Nor oo dhameystirtay ...
30/09/2026

🎓 Hambalyo Guul Weyn! 🎓

Maamulka isbitaalka waxa ay si diirran ugu hambalyeynaayaan Dr Yahye Abshir Nor oo dhameystirtay maanta takhasuska caafimaadka (Residency Program) oo muddo 4 sano ah ka diyaarinaayay isbitaalka, Dr Yahye oo ku guulaystay Imtixaanka Takhasusiga oo ay qabatay Jaamacada Culuumta Caafimaadka ee dalka Turkiga Sağlık Bilimleri Universitesi ,Dhaqtarkan ayaa ka mid noqonaya dhaqaatiirta ka qalinjabisay Waxbarashada Sare ee takhasuska Ophthalmology Specialization, Wuxuna kusoo gabagabeeyay Waxbarashadiisa Takhasuska isbitaal ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Waxay inoo tahay sharaf wayn, Waxaanna u rajaynaynaa dhaqtarka qalinjabiyay guul iyo mustaqbal ifaayo.
Hambalyo

🎓 BÜYÜK BİR BAŞARIYI KUTLUYORUZ! 🎓

Hastane yönetimi Dr Yahye Abshir Nor’u 4 yıl süren uzmanlık (Residency) eğitimini başarıyla tamamlaması dolayısıyla en içten dileklerimizle tebrik ediyoruz.
Dr. Yahye Abshir Nor, Türkiye Sağlık Bilimleri Üniversitesi tarafından gerçekleştirilen uzmanlık sınavını başarıyla geçerek, Göz Hastalıkları Uzmanlık Eğitimini tamamlamıştır.
Uzmanlık eğitimini Türkiye’nin Ankara şehrinde bulunan bir hastanede başarıyla tamamlayan Dr. Yahye Abshir Nor, artık uzman hekim olarak sağlık hizmetine katkı sunmaya devam edecektir.
Bu önemli başarı bizim için büyük bir gurur ve mutluluk kaynağıdır. Kendisine meslek hayatında başarılar, sağlık ve aydınlık bir gelecek diliyoruz.
🎉 Tebrikler Dr. Yahye Abshir Nor! 🎉
GözHastalıkları

29/09/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha

Dünya Kalp Günü

World Heart Day

NAGALA SOCO/BIZE TAKIP EDIN
• Facebook: SomaliaTurkiyeHospital
•Instagram:
TikTok:somaliturkiye2015
•Email:[email protected]
Website: somaliaturkiyehospital.com
Linktree: linktr.ee/SomaliaTurkiye
Tel: +252 771 807447

Isbitaalka ayaa lagu qabtay seminaar cinwaankiisu ahaa Burooyinka kudhaca sambabka (Pulmonary Masses)Seminaarka waxaa so...
28/09/2026

Isbitaalka ayaa lagu qabtay seminaar cinwaankiisu ahaa Burooyinka kudhaca sambabka (Pulmonary Masses)
Seminaarka waxaa soo jeediyay Dr. Abdullahi Abdi Ahmed, oo ah dhaqtar ku takhasusay qaliinka saableyda( Thoracic Surgery Especialist) , waxaana diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo aqoonsado burada sambabada loona sameeyo qiimeyn h**e oo sax ah, loona bilaabo daaweynta ku habboon waqtigeeda.
Kansarka sambabku wuxu kudhaca marinnada neefsashada, wuxuuna yimaadaa marka unugyada sambabku ay bilaabaan inay u qaybsamaan si ka baxsan xakameynta jidhka. Waa kanserka ugu badan ee loo dhinto dunida oo dhan
Qaar ka mid ah astaamaha Lagu Garto
qufac dheer
Dhiig ka soo baxa xiliga qufaca
Neefsashada oo dhib noqota ama neef-qabatin.
Xanuun joogto ah oo feeraha ama laabta ah.

Baaritaanka: CT scan, Chest X-ray, Bronchoscopy, iyo Biopsy (Astaaminta unugyada) si looga haysado qorshe sax ah.
Daawaynta: Sida Surgery (Qaliin lagu saarayo buroda ama qeyb ka mid ah sambabka), Chemotherapy (Dawaalka kimikada), Radiation Therapy (Kaysha), ama Targeted/Immunotherapy oo ku xiran heerka uu cudurku joogo (Staging).
Ma isku ekaan karan pulmonary TB iyo cancerka kudhaca sambabada
Maxaa ka dhiga inay isku qaldaan?
• Astaamaha Bukaanka (Clinical Symptoms):
Dhamaan labada cudur waxay leeyihiin: qufac dheeraada, dhiig ka yimaada neefsashada/qufaca (hemoptysis), miisaanka oo dhaca, xummad yar/dhul gariir gabi ahaanba habeenkii, iyo daal badan.
• Muuqaalka Raajada iyo CT Scan-ka
TB-da nooca loo yaqaan Tuberculoma ama nabarada dhuuxa leh waxay raajada ama CT Scan-ka ugu muuqan karaan si sax ah sida buro kansar ah (spiculated mass ama nodule).
TB waxay keentaa daloolo (cavities) sambabka ah, sidoo kale noocyada kansarka sida Squamous Cell Carcinoma waxay samayn karaan cavities.
Biyaha ku urura feerraha(pleural effusion) iyo bararka qanjidhada laabta (mediastinal lymph nodes) waxay ku wada jiraan labada cudurba.

Caqabadaha Gaarka ah
Maraca qaar waxa bukaanku iskulahan kara labadaba (TB iyo Lung and cancerka sambabada )
Qaybaha uu TB-du h**e u xaaladeeyay (scar tissue) waxay mararka ka mid ah noqon karaan halka uu ka abuurmo kansar (Scar Carcinoma).

26/09/2026

𝐐𝐞𝐞𝐛𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐥𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚

Alxamdulillaah, waxaan maanta qaybta xanaanada dhallaanka (NICU) laga fasaxay bukaankeena yar Ismaaciil, oo uu qaabilay Dr. Abdisamad Omar, Ah Dhakhtarka Qalliinka Carruurta iyo Dhallaanka.

Ismaaciil wuxuu ku dhashay xaalad naadir ah oo loo yaqaan "Gastroschisis", taas oo keenta in carruurta ay dhashaan iyadoo mindhicirradu ay bannaanka caloosha yalaan.

Maadaama mindhicirradu ay ka weynayeen cabirka gudaha caloosha, waxaa laga marmaan noqotay in aan u sameeno waxa loo yaqaano "𝖲𝗍𝖺𝗀𝖾𝖽 𝖱𝖾𝖽𝗎𝖼𝗍𝗂𝗈𝗇" waxa ay qadatay muddo 3 isbuuc ah iyo 6 qalliin si tartiib-tartiib ah loogu celiyo mindhicirradii. Intii uu NICU-da ku jirayna, waxaa lagu quudinayay nafaqada xiddidka "𝙏𝙤𝙩𝙖𝙡 𝙋𝙖𝙧𝙚𝙣𝙩𝙚𝙧𝙖𝙡 𝙉𝙪𝙩𝙧𝙞𝙩𝙞𝙤𝙣" (𝙏𝙋𝙉).

Ugu dambayn, Alxamdulillaah, daaweyntii way guuleysatay. Ismaaciil wuxuu bilaabay inuu si wanaagsan caanaha u qaato, xaaladdiisuna si weyn ayay u soo hagaagtay. Waxaan Alle uga baryeynaa caafimaad buuxa.

𝗢𝗣.𝗗𝗥.𝗔𝗕𝗗𝗜𝗦𝗔𝗠𝗔𝗗 𝗢𝗠𝗔𝗥
𝗣𝗘𝗗𝗜𝗔𝗧𝗥𝗜𝗖 𝗔𝗡𝗗 𝗡𝗘𝗢𝗡𝗔𝗧𝗔𝗟 𝗦𝗨𝗥𝗚𝗘𝗢𝗡
OP.DR.AHMET BAYIKLI
𝗣𝗘𝗗𝗜𝗔𝗧𝗥𝗜𝗖 𝗔𝗡𝗗 𝗡𝗘𝗢𝗡𝗔𝗧𝗔𝗟 𝗦𝗨𝗥𝗚𝗘𝗢𝗡
DR FARAH ALİ
PEDIATRIC SPECIALIST

𝐂̧𝐨𝐜𝐮𝐤 𝐂𝐞𝐫𝐫𝐚𝐡𝐢𝐬𝐢 𝐯𝐞 𝐘𝐞𝐧𝐢𝐝𝐨𝐠̆𝐚𝐧 𝐘𝐨𝐠̆𝐮𝐧 𝐁𝐚𝐤ı𝐦 𝐁𝐢𝐫𝐢𝐦𝐢

Elhamdülillah, bugün Yenidoğan Yoğun Bakım Ünitemizde (NICU) takip ve tedavisi gerçekleştirilen küçük hastamız İsmail taburcu edildi. Hastamızın tedavisi, Çocuk ve Yenidoğan Cerrahisi Uzmanı Op. Dr. Abdisamad Omar tarafından yürütüldü.
İsmail, Gastroşizis (Gastroschisis) adı verilen nadir bir doğumsal hastalıkla dünyaya geldi. Bu hastalıkta, bağırsaklar karın duvarındaki bir açıklıktan dışarıda bulunur.
Bağırsakların karın içerisindeki mevcut alana göre daha büyük olması nedeniyle, bağırsakların aşamalı olarak karın içine yerleştirilmesi amacıyla “Staged Reduction” (Aşamalı Redüksiyon) adı verilen yöntem uygulanması gerekti. Bu süreç yaklaşık 3 hafta sürdü ve toplam 6 cerrahi işlem gerçekleştirildi. Böylece bağırsaklar aşamalı ve kontrollü bir şekilde karın içine yerleştirildi.
Hastamız NICU’da bulunduğu süre boyunca, gerekli besin desteği damar yoluyla verilen Total Parenteral Nutrition (TPN) ile sağlandı.
Sonunda, elhamdülillah, tedavi başarıyla tamamlandı. İsmail ağızdan sütünü iyi bir şekilde almaya başladı ve genel durumu önemli ölçüde düzeldi.
Kendisine Rabbimizden sağlık ve sıhhat diliyor, tamamen sağlığına kavuşmasını temenni ediyoruz.

OP. DR. ABDİSAMAD OMAR
ÇOCUK VE YENİDOĞAN CERRAHİSİ UZMANI
OP.DR. AHMET BAYIKLI
ÇOCUK VE YENİDOĞAN CERRAHİSİ UZMANI
DR FARAH ALİ
ÇOCUK SAĞLIĞI VE HASTALIKLARI UZMANI

Siminaar lagu Xusay Maalinta Badbaadada Bukaanka AdduunkaIsbitaalka ayaa lagu qabtay siminaar waxbarasho oo lagu xusay M...
24/09/2026

Siminaar lagu Xusay Maalinta Badbaadada Bukaanka Adduunka

Isbitaalka ayaa lagu qabtay siminaar waxbarasho oo lagu xusay Maalinta Badbaadada Bukaanka Adduunka (World Patient Safety Day).

Siminaarka oo ku saabsanaa “Xiriirka Habboon ee Dhakhtarka iyo Bukaanka” waxaa soo jeediyay Dr. Mohamed Sheikh Hassan Qalaf, MD, FEBN, oo ah dhaqtarka Neerfaha iyo Kuxigeenka madaxa Waxbarashada

Waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda dhisidda kalsoonida, dhageysiga firfircoon, fahamka baahiyaha bukaanka iyo go’aan-qaadashada wadajirka ah. Xiriir wanaagsan oo u dhexeeya dhakhtarka iyo bukaanka wuxuu door muhiim ah ka qaataa badbaadada bukaanka, tayada daryeelka iyo natiijooyinka caafimaad ee wanaagsan.

Isbitaalku wuxuu sii wadi doonaa taageeridda waxbarashada caafimaadka, horumarinta xirfadaha shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta dhaqanka badbaadada bukaanka.

🏆 Hambalyo Dhaqaatiirta Lafaha iyo Kala-goysyada (Orthopedic Clinic)🏆Maamulka Isbitaalka ayaa hambalyo iyo bogaadin u di...
23/09/2026

🏆 Hambalyo Dhaqaatiirta Lafaha iyo Kala-goysyada (Orthopedic Clinic)🏆

Maamulka Isbitaalka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Dhaqaatiirta Lafaha iyo Kala-goysyada (Orthopedic Clinic), kaddib markii waaxdu ay ku guuleysatay Abaalmarintaan Waxqabadkooda wanaagsan iyo Dadaalkooda muuqda(Excellence & Performance Award) ee bishii Agoosto 2026.

Waaxda Lafaha iyo Kala-goysyada ayaa noqotay bishii agoosto qaybtii ugu qalliimada badnayd markii loo eego qaybaha kale ee qalliimada, taasi oo ka dhigan dadaalka, hawlkarnimada, wada shaqaynta iyo adeegga caafimaad ee ay si joogto ah ugu heellan yihiin bukaannada.

Hambalyo markale dhammaan Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada qaybta Lafaha iyo Kala-goysyada!
Waxaan idiin rajaynaynaa guulo iyo waxqabadyo ka sii wanaagsan. 🌟

Maamulka Isbitaalka

🏆 Ortopedi Kliniği Hekimlerimize Tebrikler 🏆

Hastane Yönetimi, Ortopedi Kliniği hekimlerimizi tebrik ediyor ve başarılarından dolayı kendilerini kutluyor.

Ortopedi Kliniğimiz, Ağustos ayında 2026“Üstün Başarı ve Performans Ödülü” ile ödüllendirilmiştir.

Kliniğimiz, Ağustos ayı içerisinde hastanemizin cerrahi bölümleri en fazla ameliyat gerçekleştiren bölüm olmuştur. Bu başarı; Ortepedi hekimlerimizin ve tüm Ortepedi çalışanlarımızın özverili çalışmasının, gayretinin, ekip ruhunun, iş birliğinin ve hastalarımıza sundukları nitelikli sağlık hizmetinin önemli bir göstergesidir.
👏 Başta Ortepedi hekimlerimiz olmak üzere, Ortopedi Kliniğimizin tüm çalışanlarını bir kez daha tebrik ediyoruz.

Hastane Yönetimi

Maalinta Caalamiga ah ee Sinusitis-kaWaxaa Isbitaalka lagu qabtay  munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Sinusitis-ka ta...
22/09/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Sinusitis-ka

Waxaa Isbitaalka lagu qabtay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Sinusitis-ka tababarka oo ay qabanqaabiyeen Waaxda Waxbarashada tababarka oo uu bixiyay Dr. Abuzer KAYLAN.

Mawduuca Tababarka:
“Sinusitis: Ogaanshaha, Daaweynta iyo Hababka Casriga ah”

Tababarka waxaa lagu bixiyay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan calaamadaha Sinusitis-ka, ogaanshaha h**e, hababka daaweynta iyo hababka casriga ah ee loo maareeyo cudurka.

Waxaan uga mahadcelineynaa Dr. Abuzer KAYLAN kaalintiisa qiimaha leh, iyo dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee ka qaybgalay tababarka.

Maalinta Caalamiga ah ee Sinusitiska

Hastanemiz Eğitim Birimi tarafından Dünya Sinüzit Günü kapsamında, Uzm. Dr. Abuzer KAYLAN tarafından eğitim düzenlendi.

Eğitim Konusu: “Sinüzit: Tanı, Tedavi ve Güncel Yaklaşımlar” Eğitimde sinüzitin belirtileri, erken tanısı, tedavi yöntemleri ve güncel yaklaşımlar hakkında önemli bilgiler paylaşıldı. Katkılarından dolayı Uzm. Dr. Abuzer KAYLAN’a ve eğitime katılan tüm sağlık çalışanlarımıza teşekkür ederiz.

Dünya Sinüzit Günü

Address

Digfer Street
Mogadishu
2526

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital:

Shortcuts

Share

Category