04/08/2026
Kansarka mindhicirka weyn wuxuu ka mid yahay cudurrada kansarka ee sii kordhaya Soomaaliya. Nasiib darro, bukaanno badan ayaa isbitaalka yimaada marka cudurku gaaro heer dambe oo uu sababo xannibaad mindhicirka ah. Hase yeeshee, haddii cudurka la ogaado xilli h**e, daaweyntiisu waa mid aad u wanaagsan, fursadda bogsashaduna way sarreysaa.
Calaamadaha digniinta waxaa ka mid ah:
* Isbeddel joogto ah oo ku yimaada saxarada (calool-fadhi ama shuban).
* Dhiig ku yimaada saxarada.
* Calool xanuun ama calool barar.
* Miisaan dhimis aan sabab lahayn.
* Daal iyo dhiig-yaraan.
* Matag iyo saxaro la’aan oo ka dhalata xannibaadda mindhicirka.
Qof kasta oo leh calaamadahan waa inuu si degdeg ah ula xiriiro dhakhtar si loo sameeyo baaritaanno ku habboon, sida colonoscopy, maadaama ogaanshaha h**e uu badbaadin karo nolosha.
Obstructing Sigmoid Colon Cancer
Colore**al cancer is one of the leading causes of cancer-related deaths worldwide, yet it is highly treatable when detected early. Symptoms such as persistent changes in bowel habits, re**al bleeding, unexplained weight loss, abdominal pain, or signs of bowel obstruction should never be ignored. Timely medical evaluation, appropriate screening for those at increased risk, and early surgical intervention can significantly improve outcomes and save lives.
Procedure Performed: Left hemicolectomy with Complete Mesocolic Excision (CME) and primary colore**al anastomosis using an EEA circular stapler.
Kalkaal Hospital
DrAbdihamid Suldan
General Surgery Department