Nile Innovation and Skills Center

Directions Website

Nile Innovation and Skills Center Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Nile Innovation and Skills Center, Medical Research Center, Hodan, Mogadishu.

The Nile Innovation and Skills Center is a state-of-the-art technological ecosystem established to bridge the gap between academic theory and practical industry demands.

FURSADDA DEEQDA WAXBARASHO 🎓Ma tahay arday leh himilo iyo hammi aad ku gaarto mustaqbal ifaya?Nile Foundation waxay kuu ...
01/09/2026

FURSADDA DEEQDA WAXBARASHO 🎓
Ma tahay arday leh himilo iyo hammi aad ku gaarto mustaqbal ifaya?
Nile Foundation waxay kuu haysaa fursad deeq waxbarasho oo kaa caawinaysa horumarinta aqoontaada iyo xirfadahaaga.
✅ Deeq waxbarasho
✅ Taageero waxbarasho
✅ Fursad horumar shaqsiyeed
✅ Mustaqbal wanaagsan
Ha seegin fursaddan qiimaha leh.
📝 Codsiga ka buuxi link-ga ama QR Code-ka ku lifaaqan.
https://forms.gle/S6MM5k4tKiAq5gg49

FURSADDA DEEQDA WAXBARASHO 🎓Ma tahay arday leh himilo iyo hammi aad ku gaarto mustaqbal ifaya?Nile Foundation waxay kuu ...
30/07/2026

FURSADDA DEEQDA WAXBARASHO 🎓
Ma tahay arday leh himilo iyo hammi aad ku gaarto mustaqbal ifaya?
Nile Foundation waxay kuu haysaa fursad deeq waxbarasho oo kaa caawinaysa horumarinta aqoontaada iyo xirfadahaaga.
✅ Deeq waxbarasho
✅ Taageero waxbarasho
✅ Fursad horumar shaqsiyeed
✅ Mustaqbal wanaagsan
Ha seegin fursaddan qiimaha leh.
📝 Codsiga ka buuxi link-ga ama QR Code-ka ku lifaaqan.
https://forms.gle/S6MM5k4tKiAq5gg49
"Waxbarashadu waa furaha guusha iyo horumarka."
Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO)

Shan siyaabood oo aad u ilaalin karto caafimaadka kilyahaaga iyo waxa aad sameyn lahaydKelyaha aadanuhu waa xubin aad mu...
30/07/2026

Shan siyaabood oo aad u ilaalin karto caafimaadka kilyahaaga iyo waxa aad sameyn lahayd

Kelyaha aadanuhu waa xubin aad muhiim ugu ah jirka, waxa ayna ka shaqeeyaan in ay wasakhda ka saaraan dhiigga iyadoo kaadi ah.

Kelyuhu waxay sidoo kale caawiyaan xakamaynta cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta dheelitirka kiimikada. Sidoo kale, waxay samayaan unugyada dhiigga cas.

Laakiin dad badan ayaa la il daran kelyo xanuun iyadoo ay ay ku dhacaan xanuunno kala duwan kuwaas oo aan lakala qaadin.

Khubarrada caafimaadka ayaa sheegay in heerka keliyo xanuunka ee ka hooseeya saxaraha Afrika uu yahay mid laga naxo. Dadku waxay lacag badan ku bixiyaan daaweynta kelyaha iyo nadiifinta.

Celceliska kharashka sanadlaha ah ee daaweynta kelyaha ee Afrika qofkiiba waa inta u dhaxaysa 13k - 25k oo dollar.

Adduunka oo dhan marka ay noqoto xanuunnnada keliyaha ayaa la sheegay in ay u badanyihiin dumarka.

Si gaar ah marka aynu u dul istaagno Soomaaliya, dadka ay lasoo deristo xanuunnada keliyaha ayaa ah kuwa qaba xanuunnada macaanka ama sonkorta iyo dhiig karka waa ahddii aysan si caadi ah u qaadan dawooyinkii loogu tala galay ama aan si weyn uga taxadarin la tacaalidda caafimaadkooda.

Sidoo kale waxaa jira dad la kulma xaalad deg de goo xanuunka keliyaha ah taas oo ay badanaa la kulmaan hooyooyinka dhalmada ku dhiig baxa ama aan sida wanaagsan u dhalin sida ay dhakhaatiirtu tilmaameen.

“Nasiib darro waxaa laga yaabaa in qofku uusan xilli h**e dareemin in killiyihisa ay xanuunsanyihiin, qofka waxa laga yaabaa in uu si caadi ah isaga shaqeysanayo oo uusan ogeyn khatarta uu ku suganyahay.

Calaamadaha dib ayey usoo dhacaan, waxaa laga yaabaa in qofku ay boqolkiiba 40 ama 30 kaliya ay u caafimaad qabaan killiyihiisa, balse uusan weli ku baraarugin, haddiiba qofku uu gaaro heerka caaladaha u uku dareemo waa mid halis ah”, ayuu yiri Dr shihaab.

Calamadaha lagu garan garo in qofku uu ka xanuunsanayo killiyaha ayaa ah kuwo aan si rasmi ah loogu garan karin in killiyaha laga hayo waxaana kamid ah, Lalabo badan, matag badan, kaadida oo yaraato iyo barar badan oo lugaha ah, sida uu dhakhtarku sheegay.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku taliyaan in qofku uu si caadi ah ula socdo xaaladdiisa caafimaad.

“Waxa laga yaabaa in dadku intooda badan ay yihiin bukaan socod, dadkeenana kuma baraarugsana in ay baaritaanno sameeyaan iyaga oo aan xitaa xanuun dareemeyn, qofku waa in uu is baaraa sanadkiiba mar ama labo mar”, ayuu yiri Dr Shihaab.

Bukaan socodka ayaa ku tiirsanaa nadiifinta ugu yaraan laba jeer toddobaadkii si ay u noolaadaan. Adigoo ka saaraya wasakh iyo biyaha xad-dhaafka ah ee kelyaha sababtoo ah kelyuhu taas ma samayn karto. Dadkaas oo isugu jiray dad waayeel ah iyo kuwo da’yar ayaa qaarkood waxaa u dhintaan xanuunnada killiyaha ka haleela.

Iyadoo dunida laga xusayo toddobaadka kelliyo xanuunka gaar ahaan maalinta astaanta u ah killiyo xanuunka ee 14-ka Maarso, khubarradu waxay noo tilmaamayaan sida aan u ilaalin lahayn kelyeheenna.

Shantaan qodob ayaa ugu muhiimsan oo aad ku ilaalin karto killiyahaaga
Dhaqtar Shihaab, ayaa sheegay in qof kastaa laga doonayo in uu sameeyo tilmaahan si uu uga taxadaro killiyo xanuun ku yimaada.

Cab biyo badan maalintii
Qiyaastii 8 koob oo biyo caadi ah oo la cabbo maalintii waxa ay u wanaagsantahay ilaalinta caafimaadka kelliyaha, biyuhu waxay ilaalin doonaan kelyaha, gaar ahaan bukaanada qaba sonkorowga, dhiig karka, cudurka iyo xanuunnada kale ee khatarta ah.

Yareynta maandooriyaha iyo Sigaarka
Joojinta maandooriyaha iyo sigaarka ayaa muhiim u ah qofku inuu ilaaliyo caafimaadka kelyihiisa. Sigaarku waxa uu qayb ka yahay waxyaabaha sababa keliyo xanuunka daran waana cawadga caafimaadkaaga.

Si sax ah u isticmaal daawada
Daawo kasta oo laguu qoro waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in aad u isticmaasho sidii lagu faray, waa inaad dhakhtarkaaga waydiisaa isticmaalka daawada. Daawooyinka qaarkood waxay dhaawici karaan xubnahaaga, gaar ahaan kelyaha. Raadso la talin caafimaad oo ha iibsan dawo aadan ogeyn waxa kaaga iman kara ama dhakhtar uusan kuu qorin.

Samee baaritaano caafimaad
Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qof waliba uu si gaar ah ula socdo caafimaadkiisa guud, wax kale oo ay tahay in qof kastaa sameeyo waa baaritaanka miskaha ugu yaraan hal mar labadii ilaa shantii sanoba. Si loo hubiyo caafimaadka kelyaha iyo xubnaha kale.

Samee jimicsi jireed
Qaado 30 daqiiqo ama ka badan maalintii jimicsiga. Waxay kaa caawinaysaa nidaaminta jirkaaga iyo firfircoonida shaqada ee xubnahaaga guud, sidoo kale Dr shahiib ayaa xusay in dadka miisaankoodu badanyahay in khatar ugu jiraan killiyo xanuun iyadoo loo baahanyhaay jimicsi badan iyo miisaan dhimis.


NILE FOUNDATION

21/01/2026

Nile University of Science and Technology
Imtixaanka K**a Dambaysta ah (Final Examination) ee Semester-ka 1aad ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ayaa si rasmi ah uga bilaabmay dhammaan xarumaha kala duwan ee jaamacadda.
Excellent Future




https://www.nust.edu.so/

Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Marka Ay Bunka Cabbaan Qaar Kalena Ay Iskaga Waayaan Hurdada?Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Mar...
21/01/2026

Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Marka Ay Bunka Cabbaan Qaar Kalena Ay Iskaga Waayaan Hurdada?

Maxay Dadka Qaar U Seexdaan Marka Ay Bunka Cabbaan Qaar Kalena Ay Iskaga Waayaan Hurdada?
Mar kasta oo aynu bun cabbayno waxa aynu niyadda ku haynaa in uu firfircooni inoo horseedo, waana sababta dad badani balwad uga dhigteen in ay cabbaan marka ay subaxdii hurdada ka toosaan. Laakiin waxaa dhici karta in mararka qaarkood natiijada aynu ka filaynay mid ka duwani ka soo baxdo. Bunka oo aynu cabnay in aynu isku aragno hamaansi ama hurdo dareenno. Arrintan sababteeda ayaa ay khubaradu sheegeen in ay inta badan ku timaaddo sababta bunka aynu cabbayno oo liidata. Waxa se jira marar aanay arrintu ku xidhnayn bunka tatyadiisa.

Warbixin lagu daabacay shabakadda wararka ee ‘Lisa’ oo dalka Ruushka laga leeyahay ayaa Maria Sidova ay ku sheegtay in ay jiraan sababo door ah oo keena in qofku isaga oo bun cabbay uu haddana hurdo dareemo. Waxaa ka mid ah:

Xaddi badan oo Caffeine ah:
Bun badan oo uu qofku cabbaa waxa ay keeni kartaa in qofku uu hurdo dareemo, sababtuna waa jidhka oo marka uu dareemo in Caffeine dheeraad ahi gashay, soo daaya maaddooyin uu doonayo in uu ku yareeyo firfircoonida xad dhaafka ah ee ka dhalanaysa si aanay isu dheellitirnaantu u lumen. Maskaxda oo ka jawaabaysa Caffeine ta dheeraadka ah ayaa markaba bilowda in ay yarayso firfircoonida, sidaas ayaanay hurdo ku timaaddo.

Xaaladahan oo kale waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu muddo yara joojiyo cabbista bunka, si uu jidhku dib ugu soo ceshado isu dheellitirnaantii maadadda ‘Adenosine’ ee firfircoonida keenaysa. Waxa aanay hoosta ka xariiqeen in ay arrintaasi ay dabiici ahaan laba maalmood qaadanayso. Khubaradu waxa ay ku talinayaan in in qofku uu ka taxaddiro xaddiga bunka uu cabbayo, iyo in labada jeer ee uu bun cabbayo ay u dhexeyso ugu yaraan shan saacadood.

Marka laga tago in bunka badani uu keeno hurdo iyo caajis, waxa kale oo uu keenaa garaaca wadnaha oo kordha, dhiigga oo kaca, gacmaha oo gariir yar laga dareemo iyo madax xanuun dhinac ah (Dhanjaf). Raadadka kale ee taban ee uu bunka badani keenana waxaa ka mid ah kaadida oo badata.

Beerka
Shaqooyinka tirada badan ee uu beerku qabto oo ah nadiifinta iyo shaandhaynta waxaa ka mid ah in uu dhiigga ka reebo maadadda Caffeine si aanay u gaadhin xubnaha kale ee jidhka oo maskaxdu ka mid tahay. Laakiin haddii ay cilladi ku jirto caafimaadka beerka, ama bun badan la cabbo oo Caffeine ay ku badato waxaa ku adkaata nadiifinta uu samayn lahaa. Taas oo marka uu beerku dhiigga ka reebi kari waayo Caffeine ta, ay dhacayso in maskaxda uu gaadho dhiig ay maadaddani ku badan tahay, waxa aanay keenaysaa in maskaxda uu ku yeesho raadka ah in hurdo uu sababo.

Khalkhal Hormoon
Qofka oo marka uu bunka cabbo darema hurdo waxa ay sababteedu noqon kartaa cillad dhinaca hormoonnada ah oo qofku uu qabo. Bunku waxa uu sidiisaba firfircooneeyaa shaqada qanjidhka loo yaqaanno ‘Qanjidh-Kelyoodka’ oo soo daaya hormoonka firfircoonida ee ‘Adrenaline’. Bun badan oo uu qofku cabbaa waxa ay yaraysaa shaqada qanjidh-kelyoodka, oo isna sababa in hormoonka ‘Adrenaline’ jidhka ku yaraado, waxaana timaadda hurdo badan oo uu qofku dareemo.

Hargab ama daal
In aad hurdo doonto ama lulooto adiga oo bun cabbaya ama dhowaan cabbay waxa ay calaamad u tahay in daal badan oo jidheed uu ku hayo, ama aad qabto hargab.

Daal iyo hargabkuba waxa ay habdhiska neerfaha ku keenaan xasilooni darro badan, sidaas awgeed xaaladahan oo kale bunku ma laha awood uu ku soo celin karo tamarta jidhka. Taas beddelkeedana waxa uu qofka ku sii ridaa burbur iyo wahsi badan oo ku dambeeya hurdo. Haddii aad xaaladdan oo kale isku aragto waa in aad dhaqso u nasataa.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan habab aan ahayn bun cabbis oo uu qofku subaxdii firfircoonida jidhka ka raadin karo. Waxaa ka mid ah in koob biyo diirran ah la cabbo caloosha oo madhan. Waxa uu caawiyaa in miisaanku hoos u dhaco iyo in jidhku ka baraarugo raadadka hurdadii habeennimo kaga tagtay.

Caanaha iyo Caffeine
Maadadda Caffeine oo bunku uu yahay ilaha ugu badan ee laga helo, haddii lagu daro caano, waxa ay keentaa dhibaato dhinaca dheefshiidka ah. Caffein iyo barootiinta caanuhu waxa ay hab-dhiska dheefshiidka ku keenaan gaabis. Gaabiskaasi waxa uu sababayaa in jidhku uu h**e u nuugi kari waayo maadaddii Caffeine ee bunka ku jirtay, sidaas awgeed ay maskaxda goor dambe gaadho iyada oo uu qofku u qaatay in bunku aanu wax raad ah ku keenin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in bunka caanaha lihi aanu dhinaca saamaynta maadadda Caffeine ta la mid ahayd bunka bigayska ah. Sidaas awgeed haddii aad Caffeine u baahantahay bunka bilaa caano ku cab.

Intee ugu badan bunka aan cabbi karo?
Xeeldheereyaashu waxa ay qiyaasayaan in qofka qaan-gaadhka ahi uu maalintii cabbo qiyaas ah 4 boqol oo miligaraam oo Caffeine ah, waxa ay u dhigantaa saddex illaa afar koob oo bun ah. Nooca Caffeine ta iyo tayadeeda ayaa iyaguna ka qaybqaata raadadka ay qofka ku yeelanayso. Waxa se laga digay in uu qofku uu halkii mar cabbo wax ka badan 2 boqol oo miligaraam.

🌐 Booqo Website-ka:

👉 https://yeelacademy.com/member/signup-user.php

Address

Hodan
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nile Innovation and Skills Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share