Dr.xasil

Dr.xasil i want be my page local page that is post every photos and vidoes and information about health scie

07/06/2023
FAAIIDADA UU LEEYAHAY GEEDKA BAAMIYAHA  LA DHAHO Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’a...
20/11/2022

FAAIIDADA UU LEEYAHAY GEEDKA BAAMIYAHA LA DHAHO

Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta as-aasiga u ah dheefsinta bini’aadamka balse dad badan aanan aqoon qiimaha uu leeyahay baamiyaha, waa geed aad uga baxa dalkeena laguna beerto labada wabi inta u dhaxayso.

Nafaqada baamiyaha:

Baamiyaha waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdano, waxaa ka mid ah vitamin A, B, C, E, iyo K, Macdanaha calcium, iron, magnesium, potassium, iyo zinc

Faa’idooyinka Caafiimaad ee Baamiyahu uu Leeyahay:

1.Caafimaadka Dheefshiidka: Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, waxaa ka buuxo “fiber” wuxuu yareeyaa calool istaagga, dibirada, gaaska, iyo shubanka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.

2.Kobcinta Aragga: Baamiyuhu wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha fuulo iyo xanuun indhaha ku dhaco oo loo yaqaano “Macular Degeneration”, cilladani waxay timaadaa marka uu qofku duqoobo. Baamiyaha waxaa kaloo ka buuxo vitamin A iyo beta-carotene iyo walxo kale oo muhiim u ah arragga iyo caafimaadka indhaha.

3.Caafimaadka Maqaarka: Baamiyaha waxaa ku badan vitamin A iyo maadooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaaqan “antioxidants” kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Baamiyuhu waxuu yareeyaa finanka iyo astaamaha dhakso u duqoobista sida maqaarka oo kaduud yeesho.

4.Difaaca jirka: Baamiyuhu wuxuu kor u qaadaa shaqada unugyada difaaca jirka, waxaa ku badan vitamin C kasoo firfircooni ku abuuro unugyada cad ee jirka ka difaaca caabuqyada kala duwan.

5.Caafimaadka wadnaha: Baamiyuhu wuxuu qani ku yahay vitamins iyo macdano muhiim u ah wadnaha, waxaa ku jirta macdanta potasium oo awood u leh inay hoos u dhigto cadaadiska dhiiga ee sarreeya, waxayna ka hortagaa xinjirowga iyo gufeysanka halbowleyaasha (atherosclerosis).

6.Caafimaadka Uurka: Baamiyaha waxaa ku jirta maadada la yiraahdo Folate ama Folic Acid oo caawiso koriimada uurjiifka, Sidoo kale maadadani waxay hooyada uurka leh ka difaacda dildilaaca maqaarka xiliga ay xamilada tahay.

19/03/2021

Cudurka macaanka ama sonkorowga oo sharraxan

Cudurka macaanka ama sonkorowgu (Diabetes mellitus) waa xaalad caafimaad oo caadi ah. Qiyaas ahaan 3.6 milyan oo qof oo Ingiriiska ku nool ayaa lagu sheegay cudurka macaanka, taasoo ah qiyaas ahaan 100kii qofba 6. Waxay tiradani kor u dhaafaysaa 4 milyan marka lagu daro dadka aanan weli cudurka laga helin ee aanan lagu sheegin ee aanan iyagu ogayn in ay cudurka macaanka qabaan.

Cudurka macaanku waa xaalad caafimaad oo keenta in caddadka gulukooska (sonkorta) ee dhiiggu aad u sarreeyo maxaa yeelay jirku si hagaagsan uma isticmaali karo.

Gulukoosku waxuu ka yimaaddaa dheefshiidka cuntooyinka adadag sida rootida, bariiska, baradhada, jabaatiga, baradhada macaan iyo mooska plantain la yiraahdo, waxuu ka yimaaddaa sonkorta iyo cuntooyinka kale ee macaan, iyo beerka oo gulukoos soo saara.

Maaddada insulin ayaa nolosha daruuri u ah. Waa hormoono beeryaruhu soo saaro, oo gulukooska ka caawisa in uu galo unugyada halkaasoo jirku shidaal ahaan ugu isticmaalo si uu tamar uga helo.

Calaamadaha ugu muhiimsan ee cudurka macaanka la iska daawayn waayo waa harraad korodhsan, musqusha oo waqti walba la tago (gaar ahaan habeenkii), daal xad dhaaf ah, dhicista culayska, cuncunka saxaaxa ama marar farabadan oo la yeesho cabeeb iyo mugdiga aragga.

Cudurka macaanku waxuu ugu badnaan u kala baxaa labo nooc
Cudurka macaanka ee nooca 1
Cudurka macaanka ee nooca 2 (Dadka qaba cudurka macaanka tobankiiba sagaal ayaa qaba nooca 2)
Cudurka macaanka ee Nooca 1 waxuu dhashaa haddii jirku uu soo saari kari waayo maaddada insulin. Cudurka macaanka ama sonkorowga ee noocan ahi waxuu caadi ahaan soo baxaa inta aanan 40 jir la gaarin. Waxaa lagu daaweeyaa irbadaha insulin iyo nidaaminta cuntada waxaana lagu taliyaa jimicsiga joogtada ah.

Cudurka macaanka ee nooca 1 waxuu dhashaa marka unugyada insulin soo saara ee beeryaruhu ay burburaan. Cidina ma hubto sababta ay tani u dhacdo laakiin waxyeellada unugyada gaarta waxaa ugu suurogal badan in ay tahay ficilcelin aanan caadi ahayn oo uu yeesho nidaamka difaaca dabiiciga ah ee jirku taasoo laga yaabo in ay ka dhalato fayruus ama caabuq kale. Cudurka macaanka ee nooca 1 waxaa mararka qaar kala dhaxla xubnaha qoyska taasoo tilmaamaysa in ay hiddesideyaashu saameeyaan. Cudurka macaanka ee noocan ahi waxuu caadi ahaan saameeyaa dadka da' yar.

Nooca 2 waxaa h**e loogu yaqaanay cudurka macaanka ee 'da'da weyn ku soo baxa' maxaa yeelay waxuu caadi ahaan ku soo baxaa dadka da'doodu meel-dhexaad tahay ama waayeelka ah, inkastoo uu dadka da' yar mararka qaar ku dhaco uuna ku sii badanayo. Cudurka macaanka ee nooca 2 waxuu dhashaa marka jirku weli soo saari karo xoogaa insulin ah, laakiin aanay ku filnayn, ama marka maaddada insulin ee uu soo saaro aanay si fiican wax u tarin (loo yaqaano u adkaysiga maaddada insulin). Cudurka macaanka ee noocan ahi waxuu caadi ahaan ku soo baxaa dadka 40 jir ka weyn, inkastoo uu soo bixi karo ka hor inta aanan 40 jir la gaarin. Dadka culayskoodu xad dhaaf yahay ayaa gaar ahaan la filayaa in ay yeeshaan Cudurka macaanka ee nooca 2. Waxaa badi kala dhaxla xubnaha qoysaska waxuuna ku sii badan yahay bulshooyinka Koonfurta Aasiya iyo Afrikada iyo Kaarabiyanka, markaasoo uu caadi ahaan ku soo baxo dadka 25 jir ka weyn.

Cudurka macaanka ee nooca 2 waxaa lagu daaweeyaa nidaaminta cuntada iyo jimicsi keligood ama nidaaminta cuntada, jimicsiga iyo kiniinno ama nidaaminta cuntada, jimicsiga iyo irbadaha insulin. Ujeeddada ugu muhiimsan ee laga leeyahay daawaynta labada nooc ee cudurka macaanku waa in gulukooska dhiigga iyo cadaadiska dhiigga laga gaaro heerar sida ugu suurogal badan ugu dhow barta caadiga ah.

Tan, marka weliba lagu daro hab-nololeed caafimaad leh, waxay caawin doontaa in la wanaajiyo caafimaadqabka oo waxyeellada waqti dheer laga ilaaliyo indhaha, kelyaha, dareemeyaasha, wadnaha iyo halbowleyaasha waaweyn.

Dadka qaarkood waxay Cudurka macaanka ee nooca 2 si qalad ah ugu tilmaamaan cudurka macaanka ee 'sahlan'. Cudurka macaanku ma leh mid sahlan ama mid dabacsan. Cudurka macaanka dhammaantiis waa in si dhab ah loo tixgeliyo, si joogto ah loola socdo, oo si hagaagsan loo daaweeyo.

Diabetes UK ayaa soo saartay xisaabiyaha bilaashka ah ee 'Halistaada ogow?' oo aad ku xisaabinayso halista aad ugu jirto yeelashada cudurka macaanka ee nooca 2.

Sababaha kale ee cudurka macaanka

Cudurka macaanka ama sonkorowgu waxuu leeyahay sababo kaloo aad dhif u ah.

Waxaa kuwan ka mid ah:

Cudurrada ku dhaca qanjirka beeryaraha sida bararka beeryaraha ee dabadheeraadka ah.
Cudurka macaanka ee ka dhasha daawooyinka sida istiiroodiska
Cudurka macaanka ee qayb ka ah xaalad kaloo caafimaad sida cudurka adkaanshaha neefta iyo dheefshiidka cuntada (cystic fibrosis) ama xaalad caafimaad oo ku xiran hormoonada jirka (endocrine) sida cudurka Cushing
Cudurka macaanka ee hiddeside keli ah oo ku xiran cilladda ku jirta hiddeside gaar ah oo caadi ahaan taariikhda qoyska aad u saameeya. Barta internetka ee Diabetes genes (Hiddesideyaasha cudurka macaanka) ayaa ah bar aad u fiican oo laga helo macluumaad intaas aad uga badan. http://www.diabetesgenes.org.
Cudurka macaanka ee dhalmada ka dib ayaa ah nooc gaar ah ee cudurka macaanka oo dhasha ka hor inta aanan 6 bilood la gaarin
Cudurka macaanka ee Aayar u Durka ee Weerarka difaaca dabiiciga ah ee jirka ee Qaangaarka (Latent Onset Automimmune Diabetes of Adulthood) (LADA) oo ah xaalad caafimaad oo difaaca dabiiciga ah ee jirku weerar ugu geysto jirka laftigiisa sida Cudurka macaanka ee nooca 1 laakiin waxuu ku yimaaddaa da' durugsan iyadoo si iska dhakhso badan (laakiin aanan degdeg ahayn) loogu baahdo daawada insulin, caadi ahaan hal sano gudihiis ka dib marka cudurka la sheego, mararka qaarna si aad uga dhakhso badan.
Cudurka macaanka ee waqtiga uurku waa cudurka macaanka ama sonkorowga ee haweenka qaarkood ku dhaca waqtiga ay uurka leeyihiin laakiin ka yaraada ka dib marka ay ilmaha dhalaan. Dadka qaba cudurka macaanka ee waqtiga uurka waxaa suurogal u sii ah in ay noloshooda inta dambe yeeshaan Cudurka macaanka ee nooca 2

Diabetes Genes - Researchers working in molecular genetics, human physiology, biochemistry, clinical investigation, and patient care.

The Truth About TB    cudurka qaaxada ama TB da QAAXADA QARSOON – KHATAR QARSOODI AHQaaxada (TB) waa cudur halis ah oo s...
19/03/2021

The Truth About TB cudurka qaaxada ama TB da

QAAXADA QARSOON – KHATAR QARSOODI AH
Qaaxada (TB) waa cudur halis ah oo saameyn ku yeelan kara qof kasta. Waxaa sababa bakteeriyada qaaxada, kaasoo dadka kale ku faafa markii qof qaaxo ku qaba sanbabbadooda hadlo, qufaco ama hindhiso.

Haddii aad neefsato bakteeriyada qaaxada, hal ka mid ah saddex waxyaalood ayaa dhici doona:

Jirkaagu wuxuu dili doonaa bakteeriyada ka hor inta aanay waxyeelo keenin
bakteeriyada qaaxada ayaad ku jirraneysa - tan waxaa loo yaqaan 'Qaaxada Firfircoon '
bakteeriyada qaaxada ayaad jirka ku sidi kartaa laakiin kuma jirran doontid - tan waxaa loo yaqaan 'Qaaxada Qarsoon'.
Qaaxada Firfircoon:
Haddii aad qabtid qaaxada firfircoon, waxaad dareemi doontaa xanuun aad u daran waxaana qaaxada u gudbin kartaa dadka kale. Calaamadaha caadiga ah waxaa ka mid ah qufac, xummad, dhidid habeenkii, miisaan lumis, gaajo la'aan iyo daal. Qaaxada firfircoon waxaa lagu daaweyn karaa antibiyootiko.

Qaaxada Qarsoon:
Haddii aad qabtid qaaxada qarsoon, ma lahaan doontid astaamaha cudurka iyo qaaxada uma gudbin kartid dadka kale. Sababta waxaa weeye bakteeriyada qaaxada 'wuxuu dhax hurdaa' jirkaaga, waxaana xakameeyo nidaamka difaaca jirkaaga. Si kastaba ha noqotee, bakteeriyada waxaa laga yaabaa inay soo 'kacaan' waqti kasta, iyo jirrada kugu bilaabaayo. Kani waxay u badan tahay haddii nidaamka difaaca jirkaagu uu ku jiro cadaadis. Daaweynta Antibiyootikada ayaa kaani joojin karaa.

Miyaan ku jiraa halis inaan qaado cudurka qaaxada?
Waxaa laga yaabaa inaad halis ugu jirto qaaxada haddii aad:

xiriir la leedahay waddan si caadi ah laga helo cudurka qaaxada
taqaano qof qaba, ama lahaan jirey cudurka qaaxada
haysato xaalad caafimaad ama qaab-nololeed daciifiya nidaamka difaaca jirkaaga
ku nooshahay guri buux-dhaaf ah ama leh haawo siin liita
ka shaqeyso goob caafimaad ama xannaano bulsheed
Miyaad dalka Ingiriiska soo degtay 5tii sano ee la soo dhaafay?
Haddii aad dalka Ingiriiska soo degtay 5-tii sano ee ugu dambeysay, iyo ka timid dal qaaxada ku badan yahay, waxaad heli kartaa martiqaadka baaritaanka iyo daaweynta qaaxada qarsoon. Baaritaankaan wuu ka duwan yahay baaritaan kasta oo laga yaabo in lagugu sameeyey iyo qayb ka ahaa hab-socodka dalbashada fiisada.

Waa fikrad wanaagsan in la aqbalo martiqaadkan, si loo ilaaliyo caafimaadkaaga mustaqbalka.

Miyaad ogeed?
Daaweyn la'aan, waxaa jira 1 ilaa 10 fursad in qaaxada qarsooni ay isku beddesho qaaxo firfircoon noloshaada.

Waxaa kugu dhici karo cudurka qaaxada xittaa haddii lagugu sameeyey tallaalka BCG - tallaaka BCG ma ahan mid 100% waxtar leh.

Raajada feedhaha ee qaaxada waxaa lagu ogaan karaa kaliya qaaxada firfircoon ee sanbabbada - waxaad weli ahaan kartaa qof sida qaaxada qarsoon.

Ku saabsan ogaanshada cudurka qaaxada
Haddii aad leedahay calaamadaha qaaxada ama aad ka walaacsan tahay qaaxada qarsoon, wac rugta GP'gaaga si aad ballan u sameyso. Haddii aadan haysan GP, ​​waxaad ogaan kartaa wax ka badan adigoo isku diiwaangelinaayo www.nhs.uk. Adeegyada GP'ga waxay u furan yihiin qof kasta oo ku nool Ingiriiska.

Ballantaada, takhtarku wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo si uu u fahmo halista aad ku jirtid qaaxada iyo si ay u ogaadaan haddii aad qabtid calaamadaha qaaxada firfircoon. Takhtarku wuxuu markaas kugu talin karaa mid ka mid ah saddexda baaritaanyo:

Baaritaanka maqaarka ee qaaxada ama baaritaanka dhiigga - labadan nooc ee baaritaan waxaa lagu eegaa haddii aad weligaa xiriir la yeelatey bakteeriyada qaaxada.

Raajda feedhaha - waxaa kani lagu ogaadaa calaamadaha qaaxada firfircoon ee sanbabbada.

Haddii natiijo laga helo mid ka mid ah baaritaanyadaan, waxaa lagu siin doonaa baaritaano dheeri ah iyo daaweyn ku habboon adoo raacaya daryeelka takhaatiirta ku takhasuusan qaaxada.

Ku saabsan daaweynta qaaxada
Qaaxada firfircoon: daaweynta qaaxada firfircoon waxay qaadataa ugu yaraan lix bilood waxayna badanaa ku lug leedahay afar antibiyootiko.

Qaaxada Qarsoon: daaweynta qaaxada qarsoon inta badan waa gaaban yahay, waxaana lagu siin doonaa antibiyootiko ka yar markii loo bar-bardhigo daawada qaaxada firfircoon.

Daawoyinka qaaxada waxay keeni karaan waxyeello, sida daawooyinka oo idil, laakiin la taliyahaaga qaaxada ama kalkaaliyaha caafimaad ayaa kugu taageeri doono.

Find information and advice on health conditions, symptoms, healthy living, medicines and how to get help.

Lowsku waa geed nagaar ah oo aad u waxtar badan, dadbadanina ay aad u jecelyihiin, mar waa lagu madadaalooda oo nagu nus...
18/03/2021

Lowsku waa geed nagaar ah oo aad u waxtar badan, dadbadanina ay aad u jecelyihiin, mar waa lagu madadaalooda oo nagu nusasaaceeyaa marna jirkaa faa’iidooyin badan oo cunno ka helo.

Warbixin uu ka diyaariyay website-ka caafimaadka ka faallooda ee Mareykanka laga leeyahay ee la yiraahdo “healthline“, ayaa lagu sheegay in faa’iidooyin farabadan oo jirka aadanaha muhiim u ah laga helo, sida; protein, dux, omega-3, Fiber, copper, vitamin B12, fosfooraska, sidaa darteed in la cunaa ay u wanaagsan tahay caafimaadka.

Warbixinta ayaa waxay intaa raacisay in “Lowsku” uu u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha iyo in miisaanka dheeraadka ah lagu lumiyo, bukaanka sonkorwga qaba uu u waaagsan yahay, dumarka uurka leh uu u roon yahay, waxa uu jirka ka ilaaliyaa cudurro farabadan.

Faa’iidooyinka Lowska:

1- Carbohydrate-ka oo ku yar darteed waa cunto u wanaagsna dadka sonkorowga qaba, in la cunaa waxay faa’iido u leedahay in dhiiga jirka lagu nidaamiyo, lana xadeeyo kor u kiciisa, waxaa laga helaa protein, dux iyo fiber muhimka u ah bukaanka sonkorowga qaba.

2- Waxa uu u wanaagsna yahay dumarka uurka leh, waxaa ku badan maaddooyinka cunto ee muhiimka ah hooyada iyo ilmaha ay uurka ku siddo, waxaa laga helaa; protein, coper, niacin, folate, magnesium, vitamin B, folic acid, oo dhammaantood ah maaddooyin muhiim u ah caafimaadka hooyada uurka leh, ilmaha yar ee uurka ku jirana u roon.

3-Lowska waxaa laga helaa copper badan, marka la cuno waxa uu yareeyaa cudurrada wadnaha.

4-Waxaa ku badan oo laga helo vitamine E, waxa uu xoojiyaa difaaca jirka si xoog badan, waxaanuu ka hortagaa cudurrada difaaca jirka waxyeelleeya.

5- Jirka waxa uu ka ilaaliyaa cudurka Kansarka, maxaayeelay; waxaa ku badan antioxidants-ka oo jirka ka ilaalisa cudurka.

6-Waxa uu yareeyaa cuduradda dareemayaash, waxa uu ilaaliyaa habdhiska dareemayaasha, waxaanuu yareeyaa cururrada ku dhaca.

7- Waxa uu yareeyaa in qofka kalyaha iyo kaadihaysta ay dhagaxaan u fariistaan.

8- Marka si joogta ah loo isticmaalo waxa uu yareeyaa cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga, waxa uu kaa ilaaliyaa dhibaatooyinka cudurrada ku dhaca.

9-Lowska cunistiisu waxay gacan ka gaysata heerka kolestaroolka dhiigga.

Waad mhdsantihiin asxbtyda

31/01/2021

𝗣𝘂𝗹𝗺𝗼𝗻𝗮𝗿𝘆 𝗮𝗿𝘁𝗲𝗿𝗶𝗮𝗹 𝗵𝘆𝗽𝗲𝗿𝘁𝗲𝗻𝘁𝗲𝗻𝘀𝗶𝗼𝗻.

Oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (PAH), waa nooc ka mid ah dhiig karka noocyadiisa kala duwan, wuxuu ku dhacaa xididada dhiiga u gudbiyo wadnaha & sanbabada.

Xididada dhinac midig ee wadnaha ayaa dhuubto, yaryaraado oo gaarsiin kari waayo dhiigii loogu talo galay, waxaa culays ku yimaadaa sanbabada, qofka wuxuu dareemaa daal (Fatigue) & neeftoo cariiri ku noqoto (Shortness of breath). Qofka wuu bararaa jir ahaan, socodka inta badan ma awoodo daal darteed.

𝗛𝘆𝗽𝗲𝗿𝘁𝗲𝗻𝘀𝗶𝗼𝗻.

Waa dhiig karka marka qaraaca xididada yar yar si deg deg ah u siyaado, dhiiga wuxuu ka soo dareeraa wadnaha isagoo ku faafo qaybaha kale ee xididada jirka.
Mar kasta uu wadnuhu qaraacmo wuxuu culays saaraa dhiiga maro xididada jirka intiisa kale.

Function of the blood
13/09/2020

Function of the blood

Address

Warshadaha
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.xasil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category