02/07/2021
BULSHO MA ISBEDESHAA? QARAN MA ISBEDELI KARAA?
Labaatan sano ka hor waxaan booqday dalka Shiinaha, waxaan tukaamaysi u galay goob aalada kombuyuutarka lagu iibiyo, waxaana waydiiyey qiimaha aaladda, gadihii Tukaanka waxa uu iigu jawaabay “Ma Awoodid”, iga raali ahaaw? Maxaad i dhahdey? Ma adoowo”. Waan ku qosley, sidee u malaysan kartaa in aanan awoodin? Ugu yeraan qiimaha ila wadaag? ‘6,500”. Waa uu igasaxnaa, ma awoodin in aan iibsado. Usbuucii tagay waxaan safar ku tagay Guangzhou Shiinaha, waxaana ka muuqdey isbedel baaxad wayn. Tukaanlayaashu waa ay kaa daba wactamayaan, waxay kukala doorsiinayaan ilaa shan qiimo oo kala duwan marka ay dareemaan in aadan awoodin qiimaha sheeyga aad doonayso. Waa isbedel dabeecad dhab ah leh.
Waxaan sanado ku noolaa dalka Dubai. Dhallinayarada dalkaasi waa kuwo qurmey. Waxay ahaayeen kuwo nasiib badan, ma aysan xushmaynayn shuruucda taraafikada wadooyinka, wax jixinjix ah oo mustaqbaleed ma lahayn maadaama dhamaantood loo balan qaadey shaqooyin sar sare ee dowladeed. Waxay u e keed in qawaaniinta dalka loogu talo galay un shisheeyaha, marnaba k**a aysan fikirayn in ay qashinka gawaaridooda kasoo dhex tuuraan wadooyinkana ku qubaan. Xaalad isbedel ayaa ku bilaabatay, ganaax adag iyo gawaaridooda qaaliga ah waxay u horseedey in ay ku dhaqmaan shuruucda wado marista, xeer ciqaabeedyo joogto ah oo dhanka qaranimada ah waxay horseedey dhallinyarada Imaaraatka maxaliga ah in ay yeeshaan hami sare, dadaal dheer sida dhigooda dunida kale. Waxaa ay qaateen qadiyad qarannimo wax badanna wa ay heleen. Waa Isbedel rasmi ah.
Waxaa jiro tusaalooyin badan oo ah sida bulshada iyo qaranka isku bedelo. Isbedelku wuxuu noqn karaa mid wanaagsan amaba mid qarbudaad dheer leh. Singaboor waa tusaale ifaaya ee kasoo dhex burqadey busta. Waxayna ka timid dunida saboolka ah waxayna u hanaqaadey dunida 1aad. Malaysia ee iridka xiga ku taal waa tusaale nool. Laakin Singaboor waa nadiif birqaya halka Malaysia ay baraag musuqmaasuq dilootey. Isbdelku waa qiyamka hogaamiyayaashooda.
Daaqadaha deriska waxaa jiro tusaalooyin xiiso leh. Tanzania waxaa ay iskajartey boogta qabyaalaa iyo kala qoqob diimeed oo ah midka anaga na ragaadiyey. Ma naqaan qabiilka Madaxwayne Magufuli, dadka reer Tananiyana maka jecla sidoo kale. Ma jiraa siyaasi Kenyan ah oo aan qabiilka lagaranayn? Halka Tanzania oo 3 jibaar nagu lab laabanta bed ahaan, macdanta dhulkeeda meel walba buuxda, ilaahyna ugu deeqey wax badan oo ay Kiinya ka haysato in ka yer nus GDP. Walow 1990 ay suuqa xorta ah hirgelisey, wali kuma aysan guulaysan in ay ka xoroobaan caqliyadii shuucinimadda taas oo ladegtey fududayntii guulaha dhanka horumarinta ganacsiga leh.
Dalka Rwanda waa tusaale nool ee waxa waqti yer gudihiis ku burburi kara. Yaa iloowi kara xasuuqii iyo gumaadkii 1994? Taasi waa natiijada siyaasad qalifsan, arintaas ayaan ku siganay 2008. Dalalku si fudud ayey ku qaribmaan. Eeg Yugoslavia yadii h**e, saqdhexe habeenkii ayuu deriska is birayn jirey. Dabadeena hogaamiyaha togan ayaa boogta buksiiya. Kagame wuxuu aargoosi ka doortey dib u heshiisiin, Dalka Rwandana maanta wuxuu u dabaal degayaa taariikh cusub. Waa taariikh hogaamiye aragti dheer leh. Xasuuqii midnimo loo bedeley.
Kobaca Dhaqaale ee dalka Rwanda waxaa samata bixiyey fikradaha hal abuurka leh. Asbuucii h**e magaalada Guangzhou waxaan kula kulmay koox haween Rwanda ka socdey – waa ganacasato yer yer oo iskacaadi ah – waxaa taaba geliyey oo taageerey safarkooda Madaxwaynaha ( hade waan ku celinayaa-Madaxwaynaha) si ay u tagaan dalka Shiinaha una soo hubiyaan sidii sare loogu aadi lahaa ganacsiga dharka dunta culus leh. Rwanda waxaa ay iska mamnuucdey huudhayda. Hadii ay Kiinya ahaan lahayd waxaan safarka u diri lahayn qaraabo iyo xigaal, dad xariir fiican leh ama kuwa kista jeeb gacan geliska bixiya. Dhawaan yeysan waxba la yaab kugu noqon in aad aragto ganacsato Kiinyaan ah oo Rwanda dhar ka soo iibsanaysa.
Maxaa soo dedejiya isbedelka? Ugu h**eyn waa hogaamiye siyaasadeed oo aragti dheer leh – Lee Kuan Yew, Nyerere, Kagame, Shiekh Mohamed and Mandela. Marka xigta, waa marka uu dalka tago meeshii udamabsey ee khalalaaso, dadkuna ay quus ka gaaraan xaaladda dalka taasina ay u horseedo in ay gacmahooda wax ku bedelaan. Ma waxaan sugnaa arinkaas anagoo og waxaan soomarney 2008 dii? Tani waa qof cayilan oo sugaaya wadnaha oo istaaga ka hor inta aan lagu qasbin in uu miisaanka iyo hab nololeedka jirkiisa bedelo.
Isbedel Kiinya maka dhici karaa? Ma u baahanahay in aan isbedelno? Dhibta nahaysata waa musuqmaasuq, qabyaalad iyo danaystayaal. Waxaa jiro danaystayaal qaran, halka ruux kasta uu fiirsado dantiisa keliya asagoo katagaya danta guud. Walow aqoonyahano la yahay hadana wali waxaan ogolaanay cudurka qabyaaladda oo ku habsadey siyaasiinta waaweyn xiliyada wareegga doorashooyinka dalka. Waxaan falsafad qaldan oo laweeciyey ka aaminsanahay geesayaasheeni – waxaan xafiisyada u dooranaa tuugada, waana ugu celcelinaa. Wax si layaableh ugu nugulnahay kuwa aan waxba laga filanayn fulinna lahayn. Misana anagoo u jeedna oo og ayaan iska indho tirnaa oo dibada u tuurnaa xeerka fulinta hay’adaha Cutubka lixaad ee anshaxa iyo qiyamka dastuurka.
Isbdel waa uu imanayaa, waxaase khasab ah in ay hogaamiyaan da’yerta. Hogaamiyaasha maanta dhaamtooda waa wax soosaarkii jiilkii 1960 kii. Kaasina wuxuu ahaa jiil kuwareersan raadinta nafta qaranimo. Xiligaas ma aanan qeexin qiimaha qaranimo. Waxaan u baahanahay in aan fikrado cusub ku baahino fanka iyo suugaanteena, ku baahino doodo iyo kulamada arimaha bulshada, qaab gabey iyo hay’adaha bulshada. Rajadii jiilkeena aan ku qabay waa iga luntey. Aad buu musuqmaasuqa noo saameeyey sidaan doono ayaana u xaliney, uma jeedo Nabi Muuse oo noosoo baxaya, iska badaa Lee Kuan Yew ama Kagame ama Nyerere. Rajadeena kaliya waa dhallinta. Miyey qaadan doonaan hardanka hogaamineed mise anaga ayaa sumayney oo saameyney? Samata bixinteena waxay ku jirtaa dhallinayrada. Waxaan keliya oo aan dib iskudhigi karnaa waa marka aan dhallinayradeena siino hab feker cusub, rajo iyo sharaf.
Wali waxaan leeyahay Rajo.
Hon. Suleiman Shahbal
W/T: Dr Shumac