24/11/2025
Ilmahaan yar waxaa la Keenanay HOSPITAL MADINA 7maalmood isagoo dhalan Ka dib markuu Soo Maray dhawr hospital, dhibka haya markaas wuxuu ahaa Vomiting (matag marwalba) ah, gadaal waxba uma gudbayn xataa manconium (mal) ugu horeeya ee lagu yaqaan Newborn (ilamaha hada dhashay) ka.
Dhawr US - scan oo horey loo Soo saaray Negative ayay sheegeen , lkn anagu waxaan u samaynay Barium meal( Raajo caloosha).
Waxaana helnay Diagnosiga ama Cudurka uu qabo ilmahan yar kaas oo layiraahdo INTESTINAL ATRESIA Type 2 (Mandhiciraha mid ka mid ah oo xerma )
Tani badanaa waxa sababa hoyadiis uurka leh oo ku timaado dhig yari ama dhig aan ku filnayn inta uu uurku socdo, taasoo keenta in mindhicirku si buuxda u samaysmi waayo. Waxay ka dhici kartaa mindhicirka yar ama mindhicirka weyn, waxaana lagu daaweeyaa qalliin kadib marka ilmuhu dhasho.
Qalliin deg deg ah ayaan u sameynay waana lagu guulaystay ,
Waqtigaan hada ujiro ilamaha yar waa 5bilood.
Qalinka waxaa sameeyay Dr Xangul Elmi
iyo teamka Anesthesiologist (Suxiye) uu hogaaminayo Dr. Xarbi Ishkin.