29/10/2026
Mogadishu Heart Center iyo Mogadishu Health Cluster ayaa ka qaybqaatay shirka National Cardiac Conference, oo kulmiya khubaro iyo xirfadlayaal caafimaad oo ka shaqeeya horumarinta daryeelka caafimaadka wadnaha.
Intii uu shirku socday, Aasaasaha Mogadishu Heart Center Dr. Mohammed Ahmed Nairobi ahna Hormuudka Kulliyada caafimaadka, Mogadishu University جامعة مقديشو Faculty of Medicine-MU khabiir cudurada wadnaha ayaa guddoomiyay kulan ka mid ah shirweynaha, isaga oo sidoo kale ka qaybqaatay dood-wadaag (Panel Discussion).
Dhanka kale Dr.Shafici Abdikarim oo matalayey isbitalka ayaa soo bandhigay presentation la xiriira caafimaadka wadnaha,
Ka qaybgalka shirkan ayaa muujinaya doorka Mogadishu Heart Center iyo Mogadishu Health Cluster ee horumarinta aqoonta caafimaadka, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta adeegyada daryeelka bukaannada qaba xanuunnada wadnaha.
Mogadishu Heart Center & Mogadishu Health Cluster
Caafimaadkaaga, mudnaantayada.