Dr. Abdirahman Ahmed

Dr. Abdirahman Ahmed Director of Health, Banadir Region

14/09/2026

Duqa Muqdisho, Mudane Hassan Mohamed Hussein Muungaab,

Muqdisho iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo ku dhisan walaaltinimo, iskaashi iyo is ixtiraam.

Xiriirkan taariikhiga ah wuxuu ka tarjumayaa xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada caasimadood iyo shucuubtooda.

13/09/2026
BENADIR NIGHT AWARDS Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qaybqaato munaasabadda Benaadir Night Awards, oo lagu maamuusay lagu...
13/09/2026

BENADIR NIGHT AWARDS

Waxaa sharaf ii ahayd inaan ka qaybqaato munaasabadda Benaadir Night Awards, oo lagu maamuusay laguna aqoonsaday shaqsiyaad iyo hay’ado ku suntan waxqabad, hal abuur iyo adeegyo bulsho.

Kulan qiimo iyo sharaf weyn leh – Benadir Award Night.
12/09/2026

Kulan qiimo iyo sharaf weyn leh – Benadir Award Night.

Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka iyo bahwadaagta sida hagar la’aanta ah uga qayb qaatay ololaha...
23/08/2026

Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka iyo bahwadaagta sida hagar la’aanta ah uga qayb qaatay ololaha tallaalka dabeysha.

Waxaan sii xoojin doonnaa wadajirka iyo dadaallada lagu ciribtirayo cudurka Dabeysha.

Shirka Dibu eegista Adeegyada RMNCAH wuxuu muhiim u yahay xoojinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka. Waxaa naga go’...
15/08/2026

Shirka Dibu eegista Adeegyada RMNCAH wuxuu muhiim u yahay xoojinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno tayada adeegyada iyo daryeelka bulshada.

15/08/2026

Dalkeennu mardhow oo aan dheeraan, haddii Alle yiraahdo waa ka baxayaa. Waddo hal kiiloomitir ama laba kiiloomitir ah yaa noo dhiso, inaan dhahno waa ka baxeynaa, Haddii Alle yiraahdo.

Annaga kalmeendono calamki nakalmeenaye.

Hadalkaas waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud

09/08/2026

Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan si diirran ugu soo dhaweyno Mudane Yasin Mohamoud, Lord Mayor ka Bristol, booqashadiisa Muqdisho iyo Gobolka Benaadir.

Booqashadani waxay fursad muhiim ah u tahay xoojinta xiriirka, is dhaafsiga khibradaha iyo kobcinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee danta bulshada, gaar ahaan adeegyada caafimaadka, horumarinta bulshada, maamulka hoose iyo adeegyada dadweynaha.

Gobolka Banaadir wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa iskaashiga caalamiga ah iyo ka faa’iideysiga khibradaha magaalooyinka kale, iyadoo la xoojinayo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta nolosha bulshada.

Waxaan rajeyneynaa in booqashadani ay noqoto bilow wanaagsan oo horseeda iskaashi miro dhal ah iyo xiriir waara oo dhex mara Bristol iyo Muqdisho/Gobolka Banaadir.

Mar kale, Mudane Yasin Mohamoud, Lord Mayor ka Bristol, ku soo dhawoow Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdirahman Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category